Hooyaday waxay lahayd Il keliyaata. Waan karhi jiray. Waxay ahayd wax laga xishoodo. Macalimiinta iyo ardayda ayay wax u karin jirtay si ay ugu caawiso qoyska.
Waxa jirtay maalin, markii aan dugsiga dhexe ku jiray, hooyaday ayaa ii timid si ay ii soo salaanto. Aad ayaan uga xishooday. Waan iska dhago tiray, si xun ayaannan u eegay. Maalintii xigtay arday aannu isku fasal nahay ayaa igu yidhi ” Hooyadaa way cawaran tahay” waxa aan doonay inaan is xabaalo, hooyadayna hadda la waayo. Waan la murmay maalintaas hooyaday, waxa aan ku idhi: ” haddii aad iga dhigtay keliya wax laga maadaysto, maxaad u dhiman wayday?
Iimay jawaabin. Xataa inyar maan joojin si aan uga fikiro wixii aan idhi, maxaa yeelay? Cadho ayaan jiq ahaa. Waannan hilmaamsanaa dareenkeeda oo dhan. Waxa aan doonayay in aan guriga ka baxo, wax na aannan u qaban. Waan dedaalay, si adag ayaan wax u bartay, waxa aan helay fursad waxbarasho dibadeed. Dabadeed waan guursaday. Guri ayaan dhistay. Carruur na waan dhalay. Waan ku faraxsanaa noloshayda raaxada leh iyo carruurtay da ba. Hadda ba maalin ayay i soo booqatay hooyaday, sannado imay arag, xataa carruurta ay ayeeyda u tahay may arag.
Markii ay albaabka soo istaagtay, carruurtaydu way ku maadaysteen, anna waan ku qayliyay inay iska timid iyada oo aanay cidi na casuumin. Waan ku qayliyay, ” Sidee ayaad ugu dhiiratay in aad gurigaya soo gasho oo aad cabsi galiso carruurtayda! BAX HADDA!!!” Aniga oo sidaas sameeyay hooyaday si deggen ayay u jawaabtay. “Waan ka xumahay. Waxa aan haysatay malaha tilmaan khaldan” waanay iska tagtay.
Maalin ayaan waraaq ku saabsan dib u midawga ama kulanka asxaabtii hore ee dugsiga ayaa gurigayga la keenay. Xaaskaygii been ayaan u sheegay, in aan u baxayo hawlo ganacsi, ka dib kulankii, waxa aan tagay gurigii qadiimka ahaa, si aan wax uga soo ogaado. Jaarkaygii ayaa ii sheegay inay dhimatay hooyaday. Waxay ii dhiibeen waraaq ay aniga iigu talo gashay.
” Wiilkaygii qaaliga ahaa,
Waxa aan kaa fikirayay wakhtiga oo dhan adiga. Waan ka xumahay in aan gurigaaga yimid, oo aan baqdin galiyay carruurtaada. Aad ayaan ugu farxay markii aan maqlay in aad imanayso dib u kulanka asxaabtadii hore ee dugsiga, laakiin ma aannan awoodin in aan sariirta ka soo kaco oo aan ku arko. Waan ka xumahay in aan ceeb joogto ah kugu ahaa intii aad koraysay oo dhan.
Markii aad yarayd, waxa aad gashay shil,waxa aanad ku weyday ishaada. Hooyo, waan u adkaysan waayay in aad adiga yeelato Il qudha ama aad noqoto mid cawaran, sidaas awgeed ishaydii ayaan kuu saaray. Aad ayaan ugu han weynaa ugu faraxsanaa wiilkaygii oo arkaya dunidan u cusub, halkii aan anigu ka arki lahaa. Dhammaan jeceylkayga oo dhan waa adiga.
Waa Hooyadaa.”
Waxay ku tusinaysaa ilaa xadka hooyadu ilmaheeda ay u samayn karto, shay kasta oo adag.
Sheekadan waxa aan ka soo turjumay Ardaaga Robert Muggabi, ka dib markii aan arkay micnaha iyo ahmiyadda ay leedahay iyo inay inna tusinayso qiimaha hooyadu leedahay.
Hooyo waa lama huraan. Hooyo waa beer.
Email: Jirde40@gmail.com
FB: Jibriil Jirde