Halhayska reer Hargeysa ee High Jumper “Booddo-dheer” (WQ: Khadar Baaruud)

Waxbarashada Hoose, Dhexe iyo Sare xikmadda ku jirtaa maaha barashada cilmiga oo kaliya waxaaase wehelisa kala dambaynta iyo nidaamka la falgalka ardayga da’da yar ka baranayo badweynta bulshada kala duwan ee faciisa ah oo dabeecado kala duwan leh oo ay u dheertahay tilmaamaha tilmaanta macalinka ee waxbarashada iyo iskaashiga wadareed.

(HIGH JUMPERS) macnaheedu af Soomaali ahaan waa BOODO-DHEERE, dhakhso uma fahmi karaan weedhan inta aan hore u maqal ama da’a ahaan jiilashii hore ahi, waxaase looga jeedaa shakhsiyaadka da’a weyni magaalo kusoo galay ee weynina waxbarashada ku bilaabay iyaga oo kasoo booday nidaamkii aasaasiga ahaa.

Indho-adkaan, Fudayd, Hanfadenimo iyo qarjajac ay ku wajahaan waxaanay aqoon iyo waayo aragnimo u lahayn waxa intaa u dheer kuwooga ugu yaabka badan ka been sheegidda taariikhda iyo waayo aanay soo marin oo ay taariikh nololeedkoodu ku qurxistaan, isku eekaysii oo yaan lagaa garan waa dabeecadaha ay gaarka u leeyihiin waana sababta loo yidhi HIGH JUMPERS.

Tusaale ahaan qisadii Cumar Beenaale ( عمر الكذاب ) ee dugsiyada hoose lagu dhigan jiray xikmadda ku jirtay waxay ahayd beentaada hore runtaada dambe ayey dishaa, ardaygana waxa la barayaa qisada wanaagsan ku jirtana loogu hogo tusaalaynayaa raad xumada beenta. Beentuna waa dabeecad xun oo la qabatimo.

Anoo ixtiraam badan u haya Mr. XIRSI CALI XAAJI XASAN oo maalin dhawayd amaan badan is huwiyey dalbadayna in loo daaro heesta tidhaa:

Taariikhdu qarin mayso

ilaahayna qadin maayo ……

Hadaynu yara dul istaagno Muj. Muuse Biixi oo uu duray yidhina C.V kuu noqon mayso Mujaahidnimo isaga oo isku dhararinayana raaciyeyna aniguba mujaahidbaan ahaa. Dhibina kuma jirto siduu jecelyahay iyagoon isuba dahawayn haddii la isku miisaamo sida uu jecelyahay Mr. Xirsi iyo Muj. Muuse keebaa HIGH JUMPER ah oo taariikh aanu lahayn samaysta??.

Ogaalkay si yar oo kooban aan is barbar dhigo labadan nin oo labaatan sanno kala weyn.

MUUSE BIIXI 1947.

Dugsiyadiisii Hoose, Dhexe iyo Sare oo kala Biyo-dhacayga Sare & Hoose iyo Camuud waxa ay isku lod ahaayeen shakhsiyaad caan ka ahaa bulshada dhexdeena aan ka xusi karo: Abwaan GAARIYE, Abwaan CALI-BANFAS, CAWKE, Sheekh DALMAR, Wariye YOONIS CALI iyo qaar kaloo badan. Macalimiintoodiina waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha hadda ee Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan ilaahay cimriga ha u barakeeyee. Afkoodaanan ka hayaa intooda badan raggan aan soo qaatay intooda dhimatayna ilaahay ha u naxariisto.

XIRSI CALI 1966.

– Dugsigii Hoose, Dhexe iyo Sare (Burco iyo Koonfurta Soomaaliya) ayuu kusoo koobay taariikh nololeedkiisa waxbarashada aasaasiga ah. Taariikhda oo dhawayd marka loo eego tan Muj. Muuse Biixi maan arag manaan maqal illaa hadda dhalinyaradii ay isku lodka ahaayeen ama dad caan ah oo ay isku fac ahaayeen, Marka laga tagi waayo Mr. C.RISAAQ XUSEEN oon barta FB giisa ku arkayey isagoo leh Private kii luqadda English ka ee AFLAH hilaaddii 1998-1999 ayaa English Alphabets ABC.. naloogu wada bilaabay.

– India oo Mr.Xirsi yidhi First Degree gaygii ayaan kusoo qaatay wakhtiga uu tagayna ardayda joogtay Hindiya waxa ay u badnaayeen kuwaanu isku lodka ama faca ahayn ee Dugsiyada Hoose, Dhexe, Sare iyo kuwa Privates ah aniga oo Khadar Baaruud ah waxa ay ii xaqiijiyeen muddo kooban oo bilo ah iyo Courses gaagaaban inuu soo qaatay isla markaanu aanu wax Jaamacad ah galin.

Nin ani yidhi dad iska reeb inta taariikhda lamogyahay Burco way ka da’a weyntahay magaalada Hargeysa waxaanay lahayd Dugsiyo Hoose, Dhexe iyo Sare oo caana sida kuwa Hargeysa waxaana u dheeraa dugsigii farsamada gacanta ee caanka ahaa iyo waliba Ciyaartooy ka caan ah Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed manay ahayn tuulo reer Burcana lododkii wakhtigaa 1960 illaa 1980 qof Xirsi ayaanu isku lod ahayn ama garanayaa yidhaa lama hayo isna muu sheegin.

Fiiro-gaar ah: Xaalbaan ka bixinayaa hadaan helo cadayn dhab ah waxbaanan ka korodhsanayaa qofka intaa wax ka duwan ii haya. Taariikhduna ma duugowdo abid beentuna lug la qabtaabay keedahay.

Allaa Mahad leh.