Halkuu ka soo bilaabmay Golaha Deegaanku (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Haddii aan dib u raacno Erayga Dowlad hoose ama Gole deegaan “Municipality Council”ama “Council municpalitte” ama “citty council” waxa lagu tilmaama inuu asalkiisi hore ka yimi afka laatiinka ka dibna wuxu soo dhex maray Luqadda French ama faransiiska waayadii dhexe (Medievial period) loo yaqaannay sidaas ayuu ku soo galay luqadda Englishka, macnaheedu waxa weeyan qaybta sharci ee xaqqa u leh in ay maamulaan ama si kale hadaan u nidhaa Howl wadeenno haddii af Somali loo rogo waxay noqonaysaa Gole Deegaan.

Magaca Mayor wuxu ka yimi erayga“Meire”wuxu Macnahiisu ahaa guddomiyaha aqalka looga taliyo dowladda hoose ama Golaha deegaanka afsomali ahaan waxa maanta waxa loogu yeedhaa Duqa caasimadda.

Taariikh ahaan Golihii deegaan ee u horeeyay waxa samaystay taariikhda inta la ogyahay Qarnigii 13aad Magaalada “Monaco france” magaaladan oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu qanisan Dunida ama ugu ganacsi badnayd markii dadku ay ka baqeen in la is boobo ama tuugadu ku badatay waxay ubaahdeen guddiyo danta guud ka shaqaysa waxay samaysteen guddiyo ama Urur ka hortaga danbiyda tuugada iyo dhaca isla markaana ka shaqeeya nadaafadda iyo fayo dhowrka.waxa ay u dhignaayeen sidan maanta ragga bakhaarrada suuqa Hargeisa ilaaliya oo kale.

Markii danbe way is bedeleen Guddigani waxay ka noqdeen tiro kooban 9xubnood iyo mayor waxa ayna yeesheen laamo xaafadaha kala duwan iyo guddi hoosdaadyo kala shaqeeya dhinacyada,nabadgelyada nadaafadda iyo fayo dhowrka.

Wakhtigan casriga ah waxay ka soo bilaabantaa taariikhda dowlaha hoose dagaalkii koowaad ee adduunka markaas oo doorasho la geliyay qofka ka mid noqonaya golaha deegaanka waxa tiradooda laga dhigay inta u dhaxaysa 15 ilaa 25 qof waxa kaloo laga dhigay Mayorka muddo xileedkisa muddo 4sano ah illaa 5 sano.

Marka doorasho ay noqotto waxay ku xidhantahay baladhka caasiamduu leedahay iyo turada dadka ku nool inta ay yihiin iyo xeerka doorasho iyo sharciyada dalku leeyahay.

CAASIMAD (Metro-politan)

Caasimad darajada ka sarraysa waxa loo yaqaan Metro-politan ama waxa loo soo gaabiyaa “Met”waxayna noqotaa markasta oo ay magaaladu fiddo waxa ku soo waxa ku soo darsama tuulooyinka iyo meelaha dadku ku badanyihiin ee aagga caasimada,waxayna caasimadda la wadaagaan adeegyo badan oo waxay ka mid noqdaan caasimadda.

Haddii markaa ay caasimadda ama (Metro-politan) ay fiddo oo ay noqoto bilaa qorshe dadka miyiga ka soo guurayaa ay battaan oo markaa lama odhan karo horumar ayaa la gaadhay waxa loo yaqaan (Lop-sided development) waxa la odhan karaa Horumar dheellisan.marka ay sidaa noqoto waxa soo faro gelisa Dowladda dhexe oo howsha badh qaadda sida ay yihiin (Paris)oo kale waxay Dowladda dhexe maamushaa ama qabataa Howlo badan.

XILKA IYO WAAJIBKA SAARAN GOLAHA

DEEGAANKA

  • -Inay suuqa magaalada u sameyeeyaan laydhadh iyo iftiin
  • Dhisidda wadooyin cusub iyo dayactirka kuwii hore
  • -qorshaynta dhulka oo loo qorsheeyo sida ugu quruxda badan
  • -dhiraynta magaaloyinka iyo ilaalinta deegaanka
  • -Diiwaan gelinta dhalashada iyo dhimashadaba
  • -Ilaalinta dhismayaasha halista ah ee duuga noqday iyo sidii meesha looga saari lahaa.
  • Inay adeeg u qabtaan waxbarshada aasaasiga ah
  • Inay U Fidiyaan dadka adeegyo caafimaad oo bilaash ah
  • Aasidda dadka dhinta iyo meelihii loogu tukanayay inay sameyaan
  • Inay dadka u diyaar gareyaan biyo nafiif ah
  • Samaynta bullaacado iyo meelo biyuhu ka baxaan
  • In ay ka hortaagan khatarta dabka iyo gubashada
  • Meelaha dadka danyarta ahi ay degganyihiin oo ay kala raraan lana hagajiyo.
  • Inay ay wax ka qabtaan baahida dadka suuqa dawarsada
  • Inay sameyan Library iyo carwooyin iyo meelo lagu jimicsado
  • Inay u sameyaan dadka jilicsan ee naafada ah guryo
  • Inay sameeyaan beero lagu nasto iyo meelo dalxiis iyo inay dhirta ku beeraan laamida labadiisa dhinac.

Si loo helo howsha baaxadda leh waa in la helaa dad aqoonteedii leh ayna ka go’antahay inay u shaqeeyaan dalka iyo dadkaba.

Rashiid Odowaa

rashiidSalan1982@gmail.com

063-4101213