Halyey la hilmaamay: Dilkii saxaabigii weynaa ee Xuseen Bin Cali, Q.4aad (WQ: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Aroortii xigtay, Ibnu Cabbaas wuxuu ku soo noqday Xuseen binu Cali. Wuxuu isku dayay in Xuseen uu ku qanciyo negaansho. Ibnu Cabbaas wuxuu u adkaysan waayay inankuu adeerka u ahaa oo meel xaaladdeedu kakan tahay u socda. Wuxuu ku yidhi, “Reer Ciraaq waa dad ballanta ka baxa ee ha ku kadsoomin. Iska joog halkan illaa ay reer Ciraaq ka hoos baxaan xukukan reer banii Umaya kaddibna u tag.” Mar kale, isagoo Ibnu Cabbaas u sheegaya sida ugu habboon ee xaaladdan loo waajaho, wuxuu Xuseen ku yidhi, “Yaman tag, halkaasna dadka ugu sheeg inay kugula baayactamaan. Buuro ayay leedahay aad ku badbaadi karto dhufaysyano aad ka heli karto oo aad ku badbaadi karto.” Ibnu Cabbaas wuu ka diiday go’aamadaas.

Cabdillaahi binu Cumar ayaa xasuustay, “Caano qubtay waa la daba qabtaa.”Wuxuu ka daba tagay Xuseen oo loo sheegay inuu baxay. Laba habeen kaddibna wuu gaadhay. Ibnu Cumar wuxuu u sheegay in aanu u tagin reer Kuufa ee uu iska joogo, haseyeeshee Xuseen wuxuu soo saaray farriimiihii badnaa ee illaa gaadhay 500 oo xabbo oo uu ku sheegayay inay lagama maarmaan tahay inuu baxo. Ibnu Cumar wuxuu ku yidhi, “Ilaahay suubanihii wuxuu kala dooran siiyay laba: adduunyo iyo aakhiro; aakhiro na wuu doortay. Idinkuna waxaad tihiin qayb ka mid ah suubbanihii. Qof idinka mid ahi weligii noqon maayo khaliif. Ilaahay na idinkama leexinin madaxtinnimada ee sidaas ayaa idiin roon.” Kolkii uu intaas ku jalbeebiyay waxa si cad u diiday Xuseen. Cabdillaahi binu Cumar oo wejigiisa amakaag ka muuqdo ayaa ku dhegay Xuseen oo mucaanaqeeyay kaddibna yidhi, “Waan ku macasalaamaynaa weliba sidii nin la dilay ayaan kuu sii macasalaamaynayaa.”

Intaas kumay joogsan saxaabadu ee si teel teel ah ayay kolba ugu imanayeen Xuseen. Cabdillaahi binu Subayr oo ay hore uga soo wada baxeen Madiina saaxiib dhawna ahaayeen sidoo kale na qaraabo ahaayeen ayaa isna u yimid oo yidhi, “Xaggeed tageysaa, Xuseen? Ma nimankii aabbahaa dilay walaalkaa Xasanna suneeyay ayaad u socotaa oo hiil aad maanta ka rabtaa.” Xuseen wuxuu Ibnu Subayr ugu halceliyay, “Cabdillaahiyaw waxa ii muuqda waxaan kuu muuqan. In halkaas la igu dilo yaa ii dhaanta in yadoo aniga la i raadinayo kacbada lagu soo duulo lana burburiyo oo ta halkan ka dhacdaa ka weynaato.”

Waxa xigay Cabdillaahi binu Jacfar binu Abii Daalib oo Shaam warqad ka soo qoray dalbadaynna in degdeg Xuseen loo gaadhsiiyo. Dhanbaalkaasna sidan ayuu u dhignaa: “ Allaan kugu dhaariyee markaad dhanbaalkaas hesho halkaas ka dhaafin ee noqo. Waxaan kaaga baqayaa in meesha aad ku socoto ay noqoto halkii aad ku halaagsami lahayd isla markaana la gummaado Aalu Beytkii.” Farriintaas na wuu diiday Xuseen binu Cali.
Geesta kale, waxa yaguna si is-daba-joog ah ugu imanayay Taabiciintii Abuu Bakar Ibnu Hishaam ayaa u yimid oo yidhi, “Xigtannimo ayaa jiidanaysa; mana garanayo maqaamka hawraartaydu kaa joogto. Ma tihid nin wax-is-daba marin lagu tuhmo. Waad aragtay waxay reer Ciraaq aabbahaa iyo walaalkaas ku sameeyeen. Adiguna yagaad u xidhxidhatay immika. Waa dad adduunyada Caabuda reer Ciraaq. Waxa kula dagaallami doona mid ballan kugula galay inuu kuu hiiliyo.” Xuseen ayaa hadalkii soo galay oo yidhi, “Ilaahay kheyr hakaaga abaal mariyo inaadeer. Wixii Ilaahay qaddaro ayuun baa dhici.

Kolkii uu Xuseen baxay waxa Ibnu Cabbaas soo gaadhay warqad uu soo diray Yasiid binu Mucaawiye oo ahaa ninka Xuseen dilay ugu danbeyntii. Yasiid wuxuu farriintan ku yidhi “Ibnu Cabbaas, waxaad tahay sheekhii reer Banii Haashim iyo aqooyahankii Muslimiinta oo dhan. Niman ayaa Xuseen Ciraaq uga yimid yagoo ku dhiirrigaliyay khilaafada. Adiguna waad ka warqabtaa…………………..Ninkaasi yuu soo bixin.” Nasiib darro, kolkaas Xuseen wuu baxayba, laakiin Ibnu Cabbaas oo ku warceliyay Yasiid wuxuu u sheegay in Xuseen aanu dhib u soo baxayn iyo in uu talo badan siin doono si aanu u bixin.

Dad badan oo kale ayaa yaguna u tagay Xuseen laakiin mid na kama oggolaanin codsigii ahaa inuu joogo. Xuseen ugu danbeyntii wuu baxay. Badhasaabkii Kuufa oo ahaa Nimcaan binu Bashiir ayuu Yasiid casilay si aanu Xuseen ula shaqayn maadaama oo uu jeclaa tafiirtii Nebiga SCW waxaana xilkii la wareegay Cubeydillaahi binu Siyaad oo kolkaas haystay Basra.

Cubeydillahi binu Siyaad wuxuu soo galay Kuufa isagoo wejigu u duuban yahay indhaha oo keliya na la arkayo. Taariikhyahannadu waxay sheegaan in sababta uu sidaas u sameeyay ay ahayd inuu dhegodhageeyo dadka iyo xogta ay bixinayaan. Dadkii reer Kuufa waxay u qaateen inuu Xuseen yahay.

Dheegasho: Degelka Dr Raaqib Asarjaani
Dhammaan kutubka siirada waa laga helayaa qisada oo faahfaahsan
Turjumaaddii Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”