Hambalyo iyo hoga-tusaalayn ku socota Wasiirka cusub ee Waxbarashada Q.3aad (WQ: Aaden Haybe Faarax)

Waxaan kugu ogahay inaad tahay khabiir xagga horumarinta ah oo wax weyn ka beddeli kara waxbarashada Somaliland. Dad badan oo kula mid ah waxaa cad inaanay ku fiicneyn waxaan u aqaan siyaasadda reeraha oo aan uga jeedo sida loola xaalo hawlaha tolka iyo beelaha. Taasina waxay ku qasabtaa madaxdii kaa sarreysay inay qof dabdemis ah oo afka reerkooda yaqaanna laakiin aan wax badan u tarin horumarka dalka ay kaa doorbidaan.

Haddii dadka aqoontu biyo dhigtay ee kula mid ah oo dhammi ay ku guuldaraystaan hawlaha reeraha, waxaa dhacaysa in dibadda loo wada tuuro oo ay madax innoo noqdaan afmiishaar madhan iyo cidaan dhaamin. Taladaydu waa inaad isku dhex waddo shaqada wasaaradda iyo ta reeraha adiga oo aan qiyamkaagii ka tegayn. Waxaan hubaa inaad odayo meelahaas ka qeylya oo ay madaxtooyadu ka gubato hadalkooda, aad si fudud u dejin karto adiga oo aan ku laaluushin hantida masaakiinta. Khibradayda yari waxay I fahamsiisay in marar badan la fadhiisiga dadka hadalkooda laga gubto ay ugu yaraan dheereyn karto cimrigaaga shaqada nafhurnimo ee aad hayso. Taas waxaan kaga badbaadaynaa inaad dhexda kaga tegto shaqadaa aad bilowday oo laga yaabo cid kaaga wanaagsani inay yartahay. Allah ha kula garab gelo.
La soco qeybo kale Insha Allahโ€ฆ.