Waxa hubaala oo marag madoonto ah in nin walba oo degenaa magaalooyinka cidhifyadooda uu dhul KILOMETERO ah uu iska ootay oo uu yidhi anigaa iska leh dawladuna u sharciyeysay iyadoo hadii loo diido sharciyayntana, uu masuulka dawlada hoose ku yidhaahda waxaan ku siinayaa dhul iyo dan-guud oo weyn ee intaa iga dhamee,isaguna uu si degdeg ah ugu dhamaynaayo.
Waxaa haykalka iyo haybada dawladnimo kow ka ah inay dawladu iska yeelato dhulka qofkii dhul doonaayana iyadu ay u istaagto oo ay tidhaahdo hadda dhiso, qofkii lix bilood ku dhisan waayana ay dawladu dib ugala noqoto.
Waxaa kala dhantaalay awoodii iyo haybadii dawladimo dadka iska ootay oo kumanaan kilomitir oo uu halkii baloodh ku iibinaayo ugu yaraan 20,000 $ waa jagada ugu jaban magaalada HARGEYSA . bal hada ka waran qofka shaqaalaha ah ee u shaqeeya dawlada ama meelaha kaleba celcelis ahaan mushaharka ugu Sareeya Somaliland laga qaataa waa 300 $ waa celceliska ka ugu sareeya.
Haddi uu qof shaqaale ahi is yidhaahdo iibso jago yar oo aad dagto waxay ku qaadanayaa inuu musharkiisa ka gooyo 50 $ ama 100 $ hadii uu kaabid kale meel ka helaayo , haddaba waa su’aale intee ayey ku qaadanaysaa inuu qofku iibsado jago bal hadda aynu xisaabino male-awaal ahaan
Bishii waxa uu iska jaray ayeynu nidhi ka ay u saamaxdo duruuftu $ 50 ama 100 $
Kii 50 $ iska jaray = 20,000 = 50 = 400 bilood OO sanad ahaan u dhiganta 400\12bilood = 33 sannadood
Kii 100 $ jaray = 20,000 = 100 = 200 bilood oo sanadkii u dhiganta 200\12 bilood = 16 sanadood.
Bal hadda arinkaa u fiirso waxa uu qofka muwaadinaka ahi inuu jago yar iibasado u maraya 33 sanadod amaba 16 sannadood markaa qofkii wuxuu ka doorbiday inuu kiro iskaga jirro caga-jiid nacayb iyo
niyad-jabna uu ugu shaqeeyo dawlada hal jago oo uu caruurtiisa u nab-nabo mushaharkii ay siinaysay uu u jari waayey.
Guntii iyo gabo-gabadii dawalada waxaa haybadeedii kala dhantaalay iyada oo aan farahaba ku haynin wax dhul ah qofkioi muwaadinka ahaa ee u shaqaynaayeyna uu cawlaado kii dhulkeeda iska oo tayna uu yurub ku caweeyo, isagoo boobay dhulkii ay dawladu ay siin lahayd dadka shaqaalaha ah.
Waxaan maqaalada dambe ku lafa-guri doonaa maxaa ka dhalankara haddii sidan lagu sii jiro.
La soco …
Qalinkii Cabdi Caawiye
Tell +252634115877
Shaywaal12gmail.com