Hawada Somaliland yaa maamula? (WQ: Guuleed Axmed Jaamac “Dafac”)

Hawada Somaliland yaa maamula?

Waxaan su’aashaas marar badan ku waydiiyay dacwadii tafatiraha Horn Cable TV inamada u qaabilsan Gegida Cigaal hagista diyaaradaha. Jawaab isku mid ah ayay bixiyeen. Fadhi furan ayuu ahaa oo dadkii goob joogga ahaa oo dhami way og yihiin. Dhokumentiyada maxkamadda oo aan sir ahayna way ku jiraan (public documents). Maanta inaan jawaabtaas idiin sheego dani kuma jirto. Maalin kale se waan sheegi doonaa. Dawladda waqtigu yuu kaga lumin wax ay og tahay xogtiisa ee awoodda ha saarto COVID-19 sida aduunka oo dhami dhinaca iskaga dhigay wax walba ee uu mudnaanta u siiyay caafimadka shacabkiisa.