Hayaankii Hartiga Q.2aad (WQ: Khadar Cabdi Cabdillaahi)

Waxa kale oo la kala dooran siiyey in ay qaataan taliyaha ciidanka Daraawiishta iyo booliska midkood, iyo dekedda Boosaaso iyo madaarka midkood. Heshiiska noocan ah in Cabdillaahi aqbalaa ma ahayn wax bilaa sabab ah. Waxa markan soo dhawaatay riyadiisii oo wax baa u bidhaamay. Cadde Muuse waxa ku lammaanaa nin markaa faramadhnaa laakiin mustaqbal lahaa. Waa Maxamuud Shiddo oo raggii Jabbuuti baxsaday ay isku afkaar yihiin.
Marxuum Cigaal markii uu dunida buuqeeda ka galay god yar oo ku yaalla magaala xeebeedka Bebera, ayaa kuxigeenkiisii Daahir, sidii dastuurka Soomaalilaan ku taallay, loo dhaariyey xilkii madaxweynenimo. Daahir Riyaal Kaahin waxa lagu yaqaan in uu ka mid ahaa ciidamadii dhibka badnaa waagii Siyaad Barre ee NSS loo yaqaanay. Waxa se laga yaabaa in dad koobani og yihiin, in uu Laascaanood ka hawlgali jiray 1980-kii. Markii uu si lama filaan ah madaxweyne u noqday, ayuu u xiisooday in uu soo arko magaaladiisii, Laascaanood, isaga oo sirdoon ah uu ka shaqayn jiray, in uu maanta soo booqdo isaga oo madaxweyne ah ama iyada qudheeda u ah.
Madaxweynaha oo aan wali ka waantoobin dhaqamadii basaasnimada, wuxuu ka soo guureeyey magaalada Burco. Aroortii hore ee 07, Disember, 2002, ayuu si qarsoodi ah ku soo galay Laascaanood, oo dumarku daawihii ay laxooxda ku dubayeen wali dul fadhiya. Laascaanood oo aan garanayn goor madaxweyne soo booqdo ayuu Daahir Riyaale la quraacday. Ciidanka la socday 200 oo askari in ay kor u dhaafayeen baa la sheegaa. Baabuur tikniko daraasiin ah ayaa iyaguna la socday. Maadaama uu soo guureeye Madaxweyne Rayaale, waxa la soo wariyey in uu yara seexday. Goor galabtii ah, wax ka yar tobaneeyo tikniko ah, ayuu Cabdillaahi ka soo diray dhanka Garoowe.
Laascaanood oo saaka waagu nabad ugu beryey, ayaa markaa u muuqatay in aan gabbalku ugu dumi doonin xasiloonidaa. Shacab iyo askariba way ku naf waayeen safarkaa Rayaale. In kasta oo ciidanka soo weeraray ay kuwa madaxweynaha la socday toban jeer ka awood badnayd, haddana Daahir magaalada orod buu kaga baxay illaa Caynabo. Mar dambe waxa laga soo wariyey in uu yidhi, shacabka Laascaanood ayaan u tudhayey ee nin la soo eryaday ma ihi.
Sannad kaddib, oo Disember 2003 ku aaddan, dhulka loo yaqaan Hawd oo ku beegan koonfurta magaalada Laascaanood, ayuu dagaal ku dhex maray laba jufo oo Dhulbahante ah; Qayaad iyo Bahararsame. Maamulkii Garoowe, oo aan deegaanka Laascaanood waxa hoose yimaadda toona waxba ugu filnayn, wuxuu soo diray ciidan kala celiya nimanka walaalaha ah ee edebdarradu isu gaysay. Buntilaan ciidankeedii in ay noqdaan way iska diideen markii colaaddii qabawday. Markaas baa ugu horraysay xafiisyo nidaam dawli ah ka muuqda iyo xarumo boolis oo Buntilaan ka hirgaliso Laascood. “Harti Brotherhood” oo ah qiiro dhawrkii sanaba mar la arko ayaa maalmahaa bilawday in ay sambabka ka neefsato. Laakiin maxaa dhacay haddana?
Ciidankii la soo diray gudaha Laascaanood bay soo galeen. Wax naf leh oo masaariif ahi uga ma timaaddo Garoowe, ama, waxba uga ma yimaaddaan. Sidaas darteed ciidanku waxa ay bilaabeen dadkii in ay shaxaadaan iyaga oo isaga dhigay askar Dhulbahante is gumaadaya kala celinaysa. Jaadkii iyo qadadii loo qaadayey ciidanku wuxuu u horseeday iimaan la’aan kale oo gaadhsiisay in ay baadhaan ama xoogaan dadka qaarkood. Cabdillaahi Qallaafo nin la odhan jiray baa ka mid ahaa dadkii ciidanku bishii Abriil 2004 ku toogteen badhtamaha suuqa Laascaanood. Baabuurta Cabdi Bilaha ah ee ciidanku wataan marar badan ayey dad suuqa ku dardareen oo xabaalo looga qoday kambalka magaalada.
In yar kaddib waxgaradkii magaalada Laascanood waxa ay arkeen in arrintu soo fadhixun tahay.
Ma aha oo kaliya dhaqanka maroorsan ee ciidamadu dadka ku hayaane, waxa isa soo taray dareen kale. Joogista ciidamda Garoowe ee Laascaanood, waxa ay u dhignayd in lagu ciyaarayo neerfayaasha Soomaalilaan iyo Daahir oo ay suuqa u gashay in la soo eryaday. Dhaqadhaqaaq Dhulbahantaysan baa deegaanka ka bilawday; in hub iyo ciidan beeleedyo la isku habaysto. Odayaashii waxa ay si toos ah uga codsadeen Cabdillaahi iyo maamulkiisii in laga kaxeeyo ciidanka aan shar mooyee khayr ugu jirin joogistooda.
Xilliga waxaasi ka socdaan Laascaanood, Buntilaan gudaheedana niman tol ahi isku baacsanayaan, Kiiniya waxa ka socday shirar ay lahaayeen siyaasiyiin Soomaaliyeed oo rabay in ay Soomaaliya ka saaraan hoogga loogu dawgalay. Hadda garo oo meesha lagu shirayaa waa Kiiniya oo aan waligeed doonayn in Soomaalidu wax noqoto. Shirka oo magaalada Eldoreet lagu unkay ayuu magaalada Imbigaati u soo raray ururka ku caanbaxay IGAD (Inter-Govermental Authority for Development).
2004 ayaa la isla qaatay wax lagu macnayn karo; aan rag iska dhigno oo dawlad dhisanno. Kornayl Cabdillaahi Yuusuf markaas buu hanqalka la soo kacay. Baarlamaan halkaa lagu nabnabay baa olole iyo doorasho madaxweyne laga dhex abaabulay.
10, Oktoobar, 2004 waxa Imbigaati isugu yimi lix iyo labaatan (26) nin oo madaxtinimo doonaya. Cabdillaahi Yuusuf iyo Cabdisalaan Qaasim Xasan baa ka mid ahaa. Qabqablayaashii Muqdisho soo rogay, meeshanna madaxtinimo u ordaya, ayuu ka mid ahaa Maxamed Qanyare Afrax.
Labaatan iyo lixdii nin ayey wareeggii saddexaad isugu soo hadheen laba Cabdillaahi oo qudhi. Waa Cabdillaahi Axmed Caddow oo 79 cod heli doona iyo Cabdillaahi Yuusuf oo guushu ku raacday 189 cod. Laakiin Muqdisho igu soo roor ma aha, Filla Soomaaliyana xataa uma eeka tii uu Cabdillaahi Yuusuf yaqaanay ee Siyaad Barre ka arrimin jiray ama ka botorin jiray.
Cabdillaahi wuxuu ka tirsanaa ururkii loo yaqaanay 12 ee jabhaduhu ku midoobeen, marna uu guddoomiye ka noqday. Wuxuu xidhiidh wanaagsan la sameeyey qawlaysatadii Hawiye ee Muqdisho isku baacsanaysay iyo siyaasiyiintii Hawiye ee dibadda kaga maqnaaba. Wuxuu aad ugu dadaalay in aanu gacanta Itoobiya ka bixin. Sidaas darteed, Cabdillaahi laba arrimood baa guushiisa sababay. Kow, Itoobiya oo u arkaysay Cabdillaahi nimaan ahayni in aanu xilkaa qaban karin, maadaama Muqdisho bahalo galeen noqotay. Laba, siyaasiyiintii iyo qabqablayaashii Hawiye oo muwaafaqadii Eebbe samadaa mawgeeda kaga laalay. Midkoodna in uu ka kale wax noqdo lama doonayn.
Tijaabada uu Cabdillaahi soo maray waa in uu Buntilaan dhisay oo ay yeelatay maamul shaqaynaya, walow yaanu taayirro hagaagsanba ku soconine. Riyada Cabdillaahi taariikh sannaddo ah bay soo gurguuranasay. Waagii uu inqilaabka isku dayey ayuu damacay galay. Markii uu jabhadda SDF sameeyey buu ku taamayey in uu mar uun madaxweyne noqdo. Kolkii uu Buntilaan aasaasay baa qorshaha uu ka lahaaba ahaa aad mar uun madaxweyne Soomaaliya ka noqotid. Meeshii Siyaad Barre ka soo dhiibi jiray amarradii lagu xidhayey in uu isna markiisa amarro ka bixiyo ayuu hiigsaday in badan oo badan.
Markii xukuumaddii Cabdillaahi in muddo ah sidii Jaamac Cali Jaamac marti u noqotay Sawaaxiliga, ayaa la fikiray. Kolkaas buu Cabdillaahi la soo hadlay tolkii ama reer Buntilaan. Damaciisu wuxuu ahaa in uu Baydhabo ka dego, dabadeed Muqdisho ku dambeeyo. Dagaalkii Midowga Maxakamadaha iyo dagaal oogayaashii baa markaa qarxay. Buntilaan ciidankeedii oo dhan ayaa halkaa ka dhaqaaqay, iyaga oo anfatari ah. Mudug, Galaduud, dhulkii Habardigirta iyo gobollada dhexe oo dhan ayey lug ku sii jiidheen illaa Baydhabo.
Maadaama oo markaa Buntilaan haawanayso dhanka ciidanka, Soomaalilaan fursad dahabi ah baa u soo baxday. Waxa ay si yar oo fudud ku qabsatay Laascaanood 15, Oktoobar, 2007. Jaraa’idada Hargaysa ayaan waagaa xasuustaa sidii ay ugu nuuxnuuxsan jireen. Waxa intaa dheer, indhaha Itoobiya maalin kama qoob qaadin Laascaanood iyo Buuhoodle. Sababta u weyni waa in jabhaddii Ogaadeenka ee ONLF ay xidhiidh tolniimo la lahayd Hartiga guud ahaan, gaar ahaan aaggaa aanu ka jirin maamul awood lihi, taasina saamixi karto in ONLF hub iyo waxyaabo kaleba u soo maraan. Sababta labaad ee Itoobiya Laascaanood hoosta uga khaawisaysay waxa ay ahayd, baqdin ay ka qabtay in ururkii Al-Itixaad meesha isku urursadaan mar kale. Waxa ay kala muteen Itoobiya iyo Al-Itixaad waxa si waafi ah uga warramaya buugga la yidhaahdo Kobicii Islaamiyiinta oo aan jeclaa in qof walba oo Soomaali ahi akhriyo. Sidaa darteed, gacan ku dhigidda Laascaanood ee Soomaalilaan waxa kaalin weyn oo dhiirrigalineed kuu lahayd Itoobiya.
Dhacdo aan saamayn badan markaa yeelan baa halkan ka dhacday. Harti, oo Dhulbahante u badan ama wada ahi, waxa ay hub badan kala soo degeen Boosaaso. Laascaanood in ay gacantooda ku soo celiyaan bay qorsheeyeen. Bixista Cabdillaahi Yuusuf Soomaaliya xilka u doontay waxa naruuro iyo neef qabaw sankooda ka keentay Al-Itixaad ama Ictisaamtii ka soo laabatay Jabbuuti. Markiiba waxa ay shiishka saareen sidii ay galaangal uga heli lahaayeen cidda xilka Buntilaan qabata.
Jeneraal Cadde Muuse oo golihiisii jabhadda ahaa waxa ay iyaguna heleen fursad ay ku hunguriyeen talada Buntilaan oo damac baa galay. Waxa se jira dad aaminsan in Cadde Muuse loo diyaariyey in uu noqdo madaxwyenaha xiga Cabdillaahi Yuusuf isla maalmihii isaga iyo Cabdillaahi heshiiska ku galayeen Boosaaso. Maxamed Cabdi Xaashi oo ku xigeenkii Cabdillaahi Yuusuf ahaa baa sannad sii ahaa madaxweynaha Buntilaan, si doorasho loo qabto. Waa markii ugu horraysay uguna dambaysay ee Dhulbahante heerkaa ka gaadho Buntilaan.
Cadde Muuse oo xukuumaddii kacaanka la soo shaqeeyey kana mid ahaa sarkaakiishii ciidanka, markii dambena ahaa qurbajoog, ayaa talada gacanta ku dhigay bishii Maaraj ee 2005. Ragga la tartarmayey ayuu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Faroolihii wasiirka ka soo ahaa xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf. Laakiin afkaa ciidda loo daray. Cadde Muuse, waayo’aragnimadiisa maamul iyo hoggaamintiisa siyaasadeed waxa ugu wayn in uu la-taliye ka soo ahaa safaaraddii Soomaaliya ku lahayd dalka Jayne. Raggii Cadde Muuse kursiga saaray ayuu ka mid ahaa Maxamuud Shiddo iyo nimankii Jabbuuti iyaga oo jooga Buntilaantooda u toobadkeenay ee Cabdillaahi Yuusufkooda loo baryey. Aad ayey uga agdhawaadeen madaxtooyada iyaga oo fursado raadinaya. Nin la yidhaahdo Cabdi-Halas baa waxoogaa ka hor doorashada –dabayaaqadii 2004– isna yimi Buntilaan isaga oo Soomaalilaan iska soo nacay ama Soomaalilaantuba isaga soo tuftay.
Halas oo Dhulbahante dabadii jufadiisa hoose tahay Nuur Axmed, waxa dhalay wakiilkii wakaaladda biyaha Laascaanood ee dawaladdii Soomaaliya iyo xukuumaddii Barre. Sidaa awgeed, Halas xirfaddii aabbihii ayuu halkii ka sii waday oo wuxuu ka shaqayn jiray wakaaladda biyaha ee Hargaysa. Halas waxa lagu xantaa laba arrimood; in uu jecel yahay ag joogga madaxda iyo ololaynta oo huud iyo habaar ku qabo. Sidaas buu uga mid noqday dadkii Cadde Muuse kursiga la soo dhiciyey. Cadde wuxuu ugu abaal guday in uu ka dhigo agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee Buntilaan.
Hadal caddaan in magaca “Cadde” ugu baxay baa la sheegaa madaxweyne Cadde Muuse. Laakiin, haddana, muddadii uu Buntilaan joogay waxa ay ka mid tahay taariikhda foosha xun ee Buntilaan ee diiwaankeeda ku duugan. Musuqa xadhkaha ka goostay waa kii sababay in ciidamadu gadoodaan, kaddib markii ay bilaa mushahar noqdeen. Cadde Muuse wuxuu hunguri weyni la galay meelihii lahaa khayraadka dabiiciga ahaa oo dhan. Shidaal iyo macdan baadhis ayuu shirkado shisheeye kula heshiiyey. Budhcadbadeeddii iyaduna sumcaddii Soomaalida ee sakaraadka ahayd dhulka la sii gashay wakhtigiisii bay ahayd. Xataa hay’adihii shisheeye ayaa qaarkood Garoowe waagaa uga guureen amni xumo ay la kulmeen.
Alla ha u naxariistee Jeneraal Cadde Muuse, marka aad la sheekeysato dadka reer Buntilaan, hunguri weyni oo qudha kuma xamanayaan. Marka kale ayuu xukuumaddan Cadde Muuse ku jiraa ninkii Faroole, isaga oo ah wasiirka qorshaynta. Nin nolol shicib ku soo koray oo askari la shaqaynaya Ilaahay uma xilqarine, Cadde iyo Faroole way isla keeni waayeen. Shirkad shiidaal oo Ustareeliya laga leeyahay baa heshiis la la gali lahaa la isku mari waayey.

Madaxweynihii iyo wasiirkiisii markii ay waxba isla fahmi waayeen buu Faroole saaxaddaba uga baxay Cadde iyo wixii talada la wadayba. Laakiin sida dadka reer Buntilaan guud ahaan, gaar ahaan reer Garoowe ka war qabaan, Faroole saxaadda iskii uga ma bixine waa laga saaray. Maadaama uu reer Garoowe ahaa wuxuu is biday xiniinyo. Baarlamaanka in aan lagu shiri karin buu la shir yimi isaga oo wiilal yaryar oo wekdooda galay qoryo u soo dhiibay.
Subaxdii markii dawladdu ku kacday ayaa isla goobtii lagaga dilay illaa lix dhallinyaro ah oo uu nolosha u qoonsaday Faroole. Waxa ay wada ahaayeen jufadiisa hoose. Faroole markaas buu ka qaxay magaaladii uu u dhashay oo uu dib ugu hayaamay Ustareeliya iyo dal aan xataa Majeerteen waxba ku lahayn…..

Carrada iyo diintiyo
Calankaan ku dhaartoo
Cirkaan midabkaaga
Cawaale u doortay
Markii lagu ciilee
Colaad kugu raagtay
Inaadan cidloon baan
Ku siiyey codkaygee
Cawaale ha ooyin
Calankii Buntilaan baa
Ku yaalla cidhifkaagee
Caddaanka ka muuqda
Caaniyo nabad weeye
Cawaale ha waayin