Somaliland Taiwan Waxay Ka Doorbiday Saaxiibadii Dhalanteedka Ahaa Q.2aad (W:Q: Cabdiraxmaan Cadami)

Waxa jira dad dareen walaac leh ka muujiyay xidhiidhka diblamaasiyadeed ee  Somaliland iyo dalka Taiwan oo Shiinuhu ku doodo in ay tahay gobol ka mid ah dhul weynaha Shiinaha sidaa awgeedna uu dhibaato u gaysan karo Jamhuuriyadda Somaliland ee curdinka ah maaddaama Shiinuhu ka mid yahay 5-ta quwadood ee leh codka awoodda Veto-da waxa se ogaataan in ay jiraan dawlado tiro badan oo haysta aqoonsiga dawlado badan oo si caadi ah ula macaamila dalalka Dunida intooda badan laakiin, xubin ka mid ah shanta Quwadood iska hor taageen in ay xubin buuxda ka noqdaan Jimciyadda Qaramada Midoobay: waxaana ka mid ah Taiwan, Kosovo, Abkhazia, Sahrawi Arab Democratic Republic, Republic Of Ossetia iyo kuwo kale.

 

Sidaas oo kale mustaqbalka iyo wakhti fog in kursi lagu yeesho Jimciyadda Qaramada ummadda waxa uga muhiimsan in ay helaan nolol fiican oo ay kaga baxaan saboolnimada iyo diihaalkii colaadaha.

 

Si kastaba ha ahaatee Shiinaha, Maraykanka, dawladaha Carabta iyo kuwa Geeska Afrika Somaliland ka aqbali mayso ku aqoonsan maayo, wax ku tari maayo, danahayga iyo waxaan doonayaba yeel, waxaan diidayana diid. Tusaale ahaan Xukumadda  Somaliland waxa marar badan la soo xidhiidhay waddamo xiisaynaya in ay la yeeshaan xidhiidh diblamaasiyadeed laakiin, Somaliland ay ka gaabsatay iyaga oo raalli gelinaya reer Galbeedka iyo dawladaha Carabta; maanta se waxay u eeg tahay Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka tashatay godoonkii ay ku jirtay iyo saaxiibadii been-beenta ahaa, waana talo ina seegtay oo mar horeba loo baahnaa, waxa se shaki aanu ku jirin in dawladihii maskaxda inaga haystay ka biyo diidi doonaan ama ka hor iman doonaan xidhiidhka saaxiibada cusub ee ku soo duulay dal ka tirsan xayndaabkooda (Their sphere of influence).

Haddaba maxaa saamayn ah ama ka dhalan kara siyaasadda madaxa bannaan ee arrimaha dibadda Somaliland?

 

Waxa laga yaaba in ay xukuumadda Somaliland waxooga cadaadis ah ay saaraan oo ay ugu baanaan deeqihii bani’aadanimo ee ay marar u soo fidin jireen dadka danyarta ah iyo barakacayaasha waana wax laga sii digtoonaan karo ama laga maarmi karo ama laga heli karo saaxiibada inoo heelan.

 

Waxa kale oo dhici kara in ay ku baraarugaan mawqifka isbedelay ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ay la yimaaddaan siyaasad iyo barnaamij ka duwan sheekooyinkii iyo ballanqaadyadii lagu maaweelin jiray madaxda Somaliland ee ahaa qawda maqashii waxna ha u qaban.

 

Dhammaad

 

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com