Maraykanka Ayaa Sannadka Dambe Si Rasmi Ah Uga Baxaya Hay’adda Caafimaadka Adduunka Ee WHO

Dawladda Maraykanka ayaa salaasadi 7-da Julay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay bilowday geeddi socodka ka bixitaanka hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO. Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trumo ayaa hore ugu hanjabay in dalkiisu uu iskaga baxayo xubinnimada hay’adda caafimaadka adduunka, kaddib markii uu ku eedeeyey in ay si qaldan u maamushay dhibaatada Fayraska adduunka ku faafay ee Coronavirus.

 

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres si rasmi ah ugu wargeliyey in uu 6-da Julaay 2021 ka baxayo hay’adda WHO oo ah qaadhaan bixiyaha ugu weyn ee hay’addan.

 

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa Isla salaasadii toddobaadkan ku dhawaaqday in arrintan lagu wargeliyey laakiin aanay weli faahfaahin dheeraad ah ka haynin.

 

War ay hay’adda WHO ku faafisay shabakaddeeda internet ka ayaa ay ku sheegtay in hay’addu ay waqtigan dalka Maraykanka ku leedahay lacag ka badan 200 oo milyan oo doolar oo ah qaadhaankii ku waajibay Maraykanka.

 

Dhinaca kalana guddoomiyaha aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaa go’aanka Trump ee ka bixitaanka WHO ku tilmaamtay tallaabo caqli xumo ah, maadaama oo ay hay’adda WHO kaalin isu-duwid ah ku leedahay dagaalka caalamku kula jiro xanuunka COVID-19. “Iyada oo ay nolosha malaayiin ruux khatar ku jirto, ayaa uu madaxweynihiina naafaynaya dadaalka caalamiga ah ee lagu jebin lahaa Fayraska” ayaa ay ku tidhi farriin ay Nancy Pelosi ku faafisay barteeda Twitter ka.

 

Si kastaba ha ahaato ee go’aanka ka bixitaanka WHO lama dhaqan gelin doono haddii uu madaxweyne Trump ku guuldarraysto doorashada madaxtinimada ee sannadkan dabayaaqadiisa, maadaama oo murashaxa la tartamaya ee xisbiga dimuqraaddigu uu ballanqaaday in haddii uu guulaysto uu laali doono go’aankaas.

Sannadkii 1948 kii ayaa la aasaasay hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO waxaana u shaqeeya 7 kun oo qof oo dunida oo dhan ka hawlgala. Hay’adda ayaa ku shaqaysa dhaqaalaha ay ka hesho dalalka xubnaha ka ah iyo hibooyinka ay marmar hesho.

Xigasho: Geeska Afrika