Qoramadeenii hore waxaynu ku soo qaadanay heshiiska ‘Concession’ ka ah waxa uu yahay, waxaynu faaqidnay qaabka loo galay heshiiskan iyo habka loo marayo wareejinta dekada berbera, cid lagu wareejinayo dekada, waxaynu soo xusnay in dekada berbera lagu wareejinayo kambani ay labadda dhinac wada leeyihiin kaas oo saami qaybsigiisa lagu heshiisay. halkan ka eeg qormooyinkii hore [Qaybtii 1 & 2aad] [Qaybtii 3aad].
Waxa kale oo aynu soo xusnay in heshiiskan ‘Concession”ka ahi ka kooban yahay 37 qodob kaas oo aynu sadex qodob soo qaadnay, oo kala ahaa 1) dhinacyada heshiiska (Parties) 2) Mashruuca(project) ama shaqada lagu heshiisay in la qabto waxa ay tahay iyo 3) wakhtiga bilaabida hawsha (commencement date), haddii alle idmo qormadeenan halkaas ayaynu ka sii qaadi doonaa.
4) Ku kali ahaanshaha Mashruuca (Exclusivity) ->Qodobkani waxa uu tilmaamayaa in aan cid kale la siin Karin mashruuc dakadeed oo la mid ah kana lagu heshiiyay inta ay dekada beriberi gaashay 75% isticmaalkeedii dekadeed, waxa kaluu tilmaamayaa marka wakhtiga heshiisku dhamaado in cida ugu horaysa ee fursada la siinayaa ay tahay kambaniga la wada leeyahay, markaas haddii uu diido in cidii kale loo bandhigi karo. Qodonkani faaqididiisu waxay ku xidhan tahay laba shay
- A) in haddii aad tidhaa waa khalad in loo xidho isticmaalka dekadaha dalka ee kale in aad keento badal ka wanaagsan ama cid kale oo looga guuri karo adiga oo fursada iyo wakhtiga isbarbar dhigaya.
- B) ama in aad eegto faa’iidada ku jirta heshiiska isfahamka[MOU} kana “Concession” ka ee ah maalgalinta dekada ka dibna aad barbar dhigto awooda Somaliland ay u leedahay helida mashruucyo sidan oo kale ah, intaas marka aad samayo halka dantu ku jirto waa loo arki karaa qaadashada heshiiskan, waxana loo araki karaa xaalada ah “Win Win Situation”.
5) Hantida Dekada taala ama mida kale ee heshiiska qaybta ka ah (Existing and concession Assests) ->maalinta wareejinta waa in BPA oo Somaliland wakiil ka ahi ay ku wareejiso dekada berbera hantida taala Kamabinga maamulaya hawlaha dekada, sidoo kale dhamaan hantida guurtada ah iyo dhismayaasha muhiimka u ah dekada ay ku wareejiso wakhtiga lagu heshiisa.
Kambaniga maamulaya hawlaha dekada waxa uu hubinayaa in la qanciyay deegaanka si ay suura gal ugu noqto maalinta la wareegida dekada iyo wadista shaqada dekada, Sidoo kale waxa la cadaynayaa lana liis gareeyaa hantida uu la wareegayo kambanigu si loo ogaado hantida uu kambanigu xiisanayo in uu la wareego iyo ta kale.
Qodabkani waxa uu si cad u tilmaamayaa in la garto waxa ay dekadu leedahay isla markaana lagu wareejinayo kambaniga la wada leeyahay, tani waxay meesha ka saaraysaa in muran la galiyo hantida lagu wareejiyay iyo kuwa kale ee aan ka midka ahayn, sida in biyaha badda ee ay dekadu leedahay aan lagu wareejin inay maamusho ama kharaadkeeda ay ka faa’iidaysto. Waxa kale oo uu tilmaamayaa in wareejinta ay sal u tahay in la qanciyo deegaanka oo la wada fahmo in sidani ay tahay waxa ugu wanaagsan ee dadka Somaliland u suura galka ah, taasi waxay meesha ka saaraysaa habka cabadhinta ah iyo in cid kasta oo danaysa dekada laga qanciyo tabashadeed.
6) Wakhtiga Heshiiska (Concession period) -> wakhtiga heshiisku waa 30 sanadood oo ka bilaabmaysa maalinta wareejinta, lakiin haddii dib u dhac ku yimaado hawlaha balaadhinta dekada, ama uu istaago adeega dekada iyada oo ay sababtay ismaandhaaf labada dhinac ah waa in wakhtiga dekada lagu daraa. Waxa kale loo kordhin karaa 10 sano iyada oo aan la badalin shuuradaha heshiiska ama qaar wax laga badalay ay labadda dhinac isku raaceen.
Qodobkani aad uma cada cid ka masuulka ah ismaandhaafka ama cidka ka masuulka ah istaaga hawlaha dekada berbera, haddii dhinac masuul ka noqdo tusaale ahaan haddii kambaniga maamulaya hawlaha dekada cida saamiga badan leh oo ah DP-world ay masuul ka noqto istaaga hawlaha dekada miyaya suuragal tahay in Wakhtiga dekada la kordhiyaa. Waxuu u baahan yahay faahfaahin dheeraad { heshiiska rasmiga ayaa laga yaabaa in lagu faahfaahiyo]
7) Kiraynta Goobaha (Lease of the site) -> BPA waa inay ka kiraysaa oo gudoonsiisaa kambaniga “Concessionaire” la wada leeyahay dhamaan dhulka ama dhismayaasha ku yaala goobaha la xidhiidha dekada taas oo ay dhinacyadu ku heshiiyeen. sidoo kale Kambanigu waa inuu ka sameeyaa cilmi baadhis faahfaahsan deegaanka si loo ogaado haddii ay jirto wasakhow deegaan isla markaana looga nadiifiyo, si deegaanku u noqdo mid u wanaagsan shaqada kambaniga.
Sidoo kale lahaansha dhulka ee shaqada dekada ka socto lagana kireeyay kambaniga waa inay ay markasta ahaato mid ay leedahay BPA oo Somaliland wakiil uga ah heshiiskan.Qodobkani waxa uu si cad u tilmaamaysaa cid rasmiga ah ee leh Lahaanshaha dekada inay ay tahay Dawladda Somaliland, dhulkuna uu kiro ku yahay kambanigan ay Somaliland saami ku leedahay.
8) Wareejinta hordhaca ah (Initial handover) ->. wareejinta hordhaca ahi waa inay ahaato 3 bilood ka dib maalinta heshiiska la dhaqan galiyo. Inta ka horaysa wareejinta rasmiga ah, waxa la samayn doonaa maamul ku meel gaadh ah oo hawsha dekada u maamula kambaniga dekada maamuli doona. Sidoo kale inta la gaadhayo maalinka wareejinta rasmiga ah, dekada waxa gacanta ku hayn doonta BPA oo masuul ka ah khatar kasta oo ku timaada dekada, iyada oo wixii cashuur (tariffs) ah ee soo gala dekada ama ka baxa hayn doonta, wixii kharash ahna gacanta ku hayn doonto. Sidoo kale BPA waa inay ku soo dalactaa kambaniga dekada maamuli doona wixii kharashka iyo deynta la xidhiidha hawshaas iyada oo u soo diri doonta kambaniga heshiisyo ku saabsan hawshaas.
Qodobkan waxa aan cadayn wakhtiga uu leeyahay wuu dhaqan galayaa wareejinta hordhaca ahi (Initial hand over) ma waxa uu u jeedaa in ay tahay wakhtiga heshiiskan “concession”ka ah la saxeexay mise wakhtiga la saxeexi doona heshiiska rasmiga ah, ma cada. [fiiro gaar ah: Heshiiskani wali rasmi ma ah lakiin waa mid hordhaca oo cadayna heerka la kala taagan yahay iyo in wax la isla qaatay]
9) Xuquuqda Kambaniga maamuli doona dekada (Concessionaire’s Rights) -> BPA waxay xaq u siinaysaa kambaniga inta lagu gudo jira mudda heshiiskan;
- A) in laga bilaabo maalinta wareejinta dekada in kambanigu yahay ka kaliya ee xaqa u leh inuu maamulo hawlaha dekada oo ay ku jirta dakhliga dekada soo galo,
- B) in kambanigu uu xaq u leeyahay inuu samaysto ilaalo hantidiisa u qaabilsan, hantidaas oo ay ku jirto ta guurtada ah ee loo isticmaalo shaqada iyo adeega dekada.
- C) in uu xaq u leeyahay inu burburiyo dhamaan hantida kaargooga ah ee aan cidi soo sheegan.
- D) in uu xaq u leeyahay in uu si bilaash ah ku ogaalan karo alaabta ka baxaysa ama galaysa goobaha dekada. {Qobadakani waa kuwa aan wali si faahfaahsan loo sheegin sababta uu u ogaalnayo]
- E) in uu kambanigu xaq u leeyahay in uu isticmaalo wadooyinka Somaliland ee isku xidha goobaha dekada, iyada oo ay dawlada Somaliland waajib ku tahay in wadooyinkaas la hagaajiyo isticmaalkooda.
Adeegyada Kambanigu aanuu qaban doonin waxa ka mid ah;
1) Dhamaan biyaha badda iyo khadadka badda ee la xidhiidha dekada (marine service) – dawlada Somaliland ayaa laga rabaa in ay sheegto
2) Dekada hawsheeda guud (harbor master duties) – sida amaankeeda guud oo kale, qodobkanina aad uma cada waxa looga jeeda (master duties), waxa laga yaabaa in kambanigu kaga baxsanyo in dekada uu wax yeelo gunta hoose ah ay soo gaadhisiin karaan maraakiibta waaweyni.
10) Kambaniga waajibaadka ka saaran dekada (Concessionaire’s operating obligations) –> Qobadkani waxa uu waajib kaga dhigayaa kambaniga maamulaya hawsha dekada in la ilaaliyo dayactirka dekada sida waafaqsan heerka caalamiga ah ee dekadaha ee lagu xusay heshiiskan. Tani waxay meesha ka saaraysaa in dekadu noqto mid macaasha uun laga raadiyo lakiin ay noqoto mid la ilaaliyo tayadeeda iyo taageeteedba.
11) Lacagta heshiiska “concession” iyo Maalgalinta hore (Concession fee and entry ticket) -> Maalgalinta ugu horaysaa waa $15 milyan oo ka kooban $5 milyan oo ah qalab lagu taageerayo BPA inay gudato waajibkeeda shaqo (taas oo ay ku jirto tug boat iyo pilot boat-ku) iyo $ 10 milyan oo ah lacag cadaan ah.
Lacagta dayanta ah ee laga rabo inuu bixiyo Kambaniga maamulaya hawsha dekada berbera Siiyana BPA oo Somaliland wakiil ka ah waa laba nooc:
1) In uu bixiyo kiro dhan $5 milyan oo sanadkiiba.
2) In uu bixiyo 10% dakhliga kambaniga ka soo gala shaqada dekada.
Qodobkani waxa uu cadaynayaa in lacagta la galin doono qaybta qalabka ah loogu talo galay in hawsha dekada kor loogu qaado lakiin qaybta lacagta ah aan la garanay waxa loo isticmaali doono, malaha waa halka lagu sheegay inay tahay xaqul qalimka, taas oo aan halka ka muuqan.
11) Cashuuraha (Tarriffs) -> ………………………………………
La soco qaybta danbe oo ay ku jirto Shaqaalaha, adeegyada BPA laga rabo inay siiso kambaniga maamuli doona dekada, laydha iyo biyaha, shaqada balaadhinta dekada iyo qaar kale oo badan.
MA Governance and Leadership- Candidate
Blog: http://abdiqaniege.blogspot.com/