Qisooyinka la yaab leh: Taxanaha cibrada nolosha Q4aad (WQ: Cabdi Caawiye)

Waa Sheeko ku saasan Garsoore Muslim ah oo Illaah mooyee aan Cid kale ka cabsan jirin, waxaanan sheekadiisa u soo bandhigeynaa maanta oo lagu jiro xilli dulmiga, eexda, laaluushka iyo xumuhuba uu ummadda Muslimka ah dhexdeeda ku baahay.

Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Ibnu Khadaab Allaha ka raali noqdee ayaa Nin Reer Baadiye ah ka iibsaday Faras, markuu Faraskii la dhaqaaqay oo ka dibna wuxuu Amiirku arkay inuusan Farasku socon karin oo uu Xanuunsanyahay, sidaas ayuuna ugusoo laabtay Ninkii Faraska lahaa kuna yiri: War Faraska aad iga iibsatay Ceeb buu leeyahay ee Lacagteyda iisoo celi.

Ninkii Reer Baadiyaha ahaa wuu diiday inuu Lacagtii celiyo, wuxuuna ku dooday in Farasku uu markii hore ahaa mid Caafimaad qaba oo soconaya, iminkana isagoo Cilad leh uusan qaadan doonin. Waxayna Labaduudba go’aansadeen inay u tagaan Garsoore Muslim ah oo la oran jiray Sharbax.

Sharbax wuxuu Cumar Ibnu Khadaab oo Amiirkii Mu’miniinta iyo Madaxweynahoodiiba ahaa weydiiyay in markuu Faraska iibsanayay uu ahaa mid Caafimaad qaba oo soconaya, Cumarna wuxuu ku jawaabay: Haa, sidaas darteed wuxuu Garsoorihii Hadalka kusoo dhameeyay, Wixii aad iibsatay sidooda ku heyso, ama soo celiyo iyagoo ah sidii aad markii hore ku qaadatay!!.

Madaxweynihii Muslimiinta Cumar Binu Khadab ma uusan caroon markuu Xukunkaas isaga ka dhanka ah soo baxay, mana uu is oran adigoo Madaxweynihii Muslimiinta ah sidee Garsoore Maamulkaaga hoos taga uu Amar adiga aan ku raacsanayn usoo saari karaa.Wuxuu Cumar aad ugu farxay in Dadka uu Maamulayo ay ku jiraan kuwo Cadaaladda ilaalinaya, Howsha loo ikmadayna kasoo baxaya sida Garsoorahan oo kale.

Cumar ayaa Hadalkiisa kusoo ekeeyay “ Garsoorkuba ma asagaa ah wax intaan ka duwan?. Hadal kala goyn leh, iyo Xukun Cadaalad ah”. Durbadiiba Cumar Xukunkii ayuu u hogaansamay, markaa ka dibna wuxuu Sharbax oo Garsoorihii Caadalka ahaa u magacaabay Madaxa Garsoorka Magaalada Kuufa.

Garsoorahan waxyaabaha kale ee u sameeyay waxaa ka mid ahaa inuu Wiilkiisa oo Dacwad loo heysto ka xukmiyay Gartii oo Ninkii kale ee dacweynayay u hiilayay maadaama uu Wiilkiisu Gardaro ku taagnaa, wuxuuna Wiilkii ku yiri Aabihiis Sharbax “ Aaboow maxaad Dadka hortooda iigu fadexeysay?”.

Sharbax ayaa yiri “ Wiilkeygiyoow Walaahi aan ku dhaartay Dunida mugeeda adiga ayaan kaa jeclahay, hase yeeshee Ilaahay ayaa adiga igasii kaa wayn”.

Sharbax wuxuu Garsoore ahaa in ka badan 60 Sano oo xiriir ah, wuxuu la shaqeeyay Cumar Binu Khadaab, Cusmaan Binu Cafaan, Cali Binu Abi Daalib, Mucaawiya, iyo Wiilashii Mucaawiya ee Yaziid iyo Marwaan.

Kolkii uu Xajaaj Ibnu Yuusuf yimid ayuu Garsoorihii Cadaaladda badnaa ee Sharbax go’aansaday inuu Shaqada Garsoorka isaga haro, maadaama uu aad uga xumaaday Falalkii uu Xajaaj ku kacayay. Wuxuuna Sharbax geeriyooday isagoo jira  Boqol iyo Dhowr Sano.

Maanta hadaynu helayno caadilkaa oo kale abaar,faqri,iyo colaadtoona inagumay dhacdeen.

Ilaahay ha u naxariisto caadilkaa iyo inta la midka ah iyo muda muslinka oo dhan

Qalinkii Cabdi Caawiye