Mudaharaado ka bilaabmay Addis Ababa

Muharaado saaka ka bilaabmay Addis ababa waxay boolisku kala eryeen dadweyne isku soo baxay fagaaraha ugu weyn magaaladaas kuwaasi oo ay boolisku xidh-xidheen qaar ka mid ah dadkii mudaharaadayey.

Wararka laga helayo Addis ababa ayaa sheegaya in ay tiro dad ahi ku dhaawacmeen mudaharaadkan taasi oo aan wali xaqiijin karin tiradooda.

Wadooyinka waawayn ee soo gala fagaarahaas ayey boolisku jig gooyooyin dhigteen.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Mudaaharaadyo ay ka socdaan magaalooyinka kale ee gobolka Oromada, deegaankaas oo ah kan ugu ballaadhan dalka Itoobiya.

Mudaaharaadkan waxa ku baaqay dadka u ol’oleeya qawmiyadda Itoobiya ugu ballaadhan ee Oromada.

Waxay sheegayaan in dawladdu dishay boqolaal dadkooda ah ayna xidhay kumanaan kale tan iyo markii ay mudaaharaadyadu ka bilaabmeen Addis ababa sannadkii hore kuwaas oo laga soo horjeeday in ay la balaadhiyo magaalada Addis ababa.

bandhige@gmail.com