Waxa ugu dambayntii Rio de Janeiro laga furay ciyaarihii olombikada ee 2016 iyadoo walaac aad u badan laga qabay fayraska Zika, amniga magaalada iyo diyaar-garowga dalkaas. Waxaa sidoo kale jiray mudaharaadyo ay dadweynaha reer Baraasiil kaga soo horjeedaan ciyaarahan iyaga oo leh waxanu nahay dad baahan oo lagu dul diboro dhacsanayo wakhti dhaqaale-xumo baahsani ay dalkaas ka jirto.
Xaflad il-yartu is qabatay oo lagu qabtay garoonka weyn ee lagu magacaabo Maracana ayaa damaashaad aad u qurux badani ka dhacay iyadoo ay goobta garoonka ku sugnaayeen 78000 oo qof.
Waxa xafladda iyaguna goob-joog ka ahaa in ka badan 20 hoggaamiye oo ka kala socday dalalka dunida.
Ciyaaraha Olombikada waxa ka qayb gala 206 oo dawladood. Waa laba nooc. Kuwa ugu caansan waxa la qabtaa xagaaga, kuwa kalena waxa la qabtaa jiilaalka iyadoo laba sannadood loo dhaxaysiiyo.
Sannadkan waxa baratamaya 11,000 oo ciyaartoy, waana tiradii ugu badnayd ee ciyaarahan ka qayb-qaadata.
Waxa la ciyaarayaa 28 nooc oo ciyaarood waxana la kala helayaa 306 billadood.
Sannadkan waxa ciyaaraha olombikada ku cusub iyada oo ay tahay markii koowaad ee lagu qabto qaaradda Ameerikada Koonfureed, markii koowaad ee lagu qabto dal ku hadla luuqadda Boortaqiiska iyo markii koowaad oo la oggolaaday in ay ka qayb-qaataan koox metelaysa qaxootiga adduunka kuwaas oo ku ciyaaraha calanka ciyaaraha olombikada maadaama aanay dal gaar ah ka socon. Waxa sidoo kale sannadkan markii koowaad loo oggolaaday labada dal ee curdinka ah Koonfurta Suudaan iyo Kosovo.
Hoos ka akhri maqaal hore ee ku saabsan ciyaaraha olombikada. Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha.
Ciyaarihii Olombikada oo la furayo wakhti dhibaatooyin baaxad lihi hadheeyeen