Hibooyinka aasani, waa in ay dibedda usoo baxaan (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Inkastoo ay sida guud tahay wax weyn,   in umaddu ay farteeda ku doorato cidda hogaamin doonta, halkii ay ka ahaan lahayd in awooda lagu raadiyo xoog iyo xabad, oo runtii ayna tahay in la hambalyeeyo, lagana sii shaqeeyo sidii ay tani usii xoogaysan lahayd, ayaa hadana, waxaa muuqata sida aanay weli siyaasiyiinta Soomaliland uga korin dhinaca garaadka iyo hal abuurnimada, isla markaana, tan iyo 1991-kii aanay weli umaddani u helin hogaamiye dhab ah oo u taagan dhab ahaantii waxa ay umaddani istaahisho, bal u fiirso hogaamiyayaasha maanta waxa qudha ee garaadkoodu garanayaa waa in umad qabiil-qabiil loo shiriyo, iyadoo midkasta af-gooni ah lagula hadlayo, isla markaana la kala ilaalinayo, waxaa la beeray nacab qabali ah oo umadda walaalaha quluubtoodii lagu kala kaxeeyay, si loo gaadho masaaliix siyaasi ah oo gun dhow. Iyadoo  hadana, waxay ay hogaamiyayaashaasi inoo sheegayaan ay tahay inay qabyaaladda la dagaalami doonaan.

Akhristow, Weli maynaan helin hoggaamiyihii aynu u baahnayn, ee ina xasuusin lahaa inaynu nahay hal dad, oo ku wada nool hal bay’ad ah,  oo wada qaba baahiyaad isku mid ah, ayna tahay inay u midowdo inay baahiyaadkaas ka guulaysato, baahiyaadkaas oo ah jahliga, cudurka, fakhriga, kala qaybsanaanta, iwm, xasuusnow, Akhriste, adiguba waad noqon kartaa Hogaamiye wanaagsan oo umaddiisa waxtara, isla markaana badbaadiya haddii aad ka madax banaanaato kuwa ku faraxsan baabuurta cadcad iyo mushxaradda shacabka gaajaysan ee wadooyinka lasoo tubo.

Ha Iloobin, Waad noqon kartaa hogaamiye wanaagsan, haddii aad tahay nin ka Koran qabiil, danaystanimo, maal urursi, cid jaclaysi, iyo aragti gaabnaan siyaasi ah oo ku qotonta dantayda, kana madhan danta dadkayga iyo dalkayga, haddii aad tahay ruux aragti fog oo qowmi ah, kana go’an tahay, in dadkiisu helaan hanaan dawli ah oo cadaalad iyo sinaan, iyo waxqabad midho leh ku salaaysan, lehna awooda dulqaadka, samirka,  hibadda cabqarinimadda iyo hal-abuurnimada, waad noqon kartaa hogaamiye, ee soo bax oo dadkaaga la hadal, way ku dhegaysan doonaane, waqti ha ku lumin inaad daba socoto, amaba sugto hogaamiyayaasha maanta ee dibu-socodka ah, ee aragtidoodu aanay qabiilka iyo danaysttanimada dhaafsiisnayn, waayo, waxa maanta taagani ma ahan wax lasii eegan karo.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Xuseen Maxamed Maxamuud

Email. husseinlucky@hotmail.com

Burco, Somaliland.