HIndiya: Maalmo koobnaa iyo mahadhooyinkooddii Q.4aad (WQ: Cabdirisaaq Saalax)

 

Qarnigii 16-aad dhammaadkiisii ayuu islaamku aasaasay Magaalada Hyderabad. Tan iyo maalintaa waxa ay ahayd, magaaladda xarunta u ah Islaamka dalkan Hindiya. Waxa ay ku taalaa banka sare ee Dekan (Deccan Plateau) , ee ku yaala koonfurta dalka Hindiya. Waxa ay caan ku tahay, dhagxan cas oo aad u waawayn (Qofkii arkay Dhagax-carabka ku yaal agagaaraha Dugsiga Qalax, ee Magaalada Gabiley, ka habaabi maayo).

Waa magaalada afraad ee Hindiya ugu wayn, Marka laga eegayo qiyaasaha; Baaxadda, Tirada dadka ku nool, dhaqaalaha, Isku socodka IWM. Waxa ay caasimad u tahay, gobolkii hore loo odhan jiray Andhra Pradesh, haddana loo baxshay Telengana. Qoomiyadda gobolka ugu badan waa qoomiyadda Telugu-ga. Diintoodu waa Hindu (Bar-casta Waddanka u badan), afkooduna waa Telugu. Sidaas darteed baa magaca gobolkana looga dhigay Telenganna.

Waa magaalo aad u kulul. Xiliga kulaylaha waxa uu gaadhaa 50 darajo oo sentigaraydh. Sanadaha qaarkood waxa uu kulku gaadhaa, heer dhimasho sababa. Nasiibbaanu lahaynoo, waxa aanu ku beegnay xilligii kulaylku dhamaaday, waxaana aanu ka soo baxnay xilligii uu bilaabmi lahaa. Waxaan ka wadaa, waxa aanu joognay lixdii ugu qaboobayd, anagase mararka qaar aad noogu kululayd marka loo eego meesha aanu ka nimid. In kasta oo uu roobkeedu xilliile yahay, haddana waa magaalo dhirta lagu goglay. Waa magaalo aan is idhaa, tirada noocyada geedaha ah eek u yaal malaha kama yara tirada dadka ku nool!

Waxaa ku yaal macbaddo iyo masaajiid islaamiya oo taariikhiya. Charminar โ€œAfar-minaaradood-leโ€, waxa uu ka mid yahay meelaha calaamadda u ah magaalada. Waxa uu dhisan yahay in ka badan afar qarni. Waxyaabaha aadka u layaabka leh waxaa ka mid ah, mid ka mid ah minaaradaha afarta ah ee masaajidka uu gunta kaga yaal macbad sanam ah oo ay qoladda Hindu-ga ahi wax ku caabudaan.

Golconda โ€œBuurtii Raacatadaโ€ waxa ay ka mid ahayd, xarumaha taariikhiga ah ee ay magaaladu ka aasaasantay. Waxa ay fadhiisin u ahayd boqortooyadii Islaamiga ahaa ee uu u talinayay Qutb Shahi, oo ahaa . Waa taag uu dhan walba uga ridan yahay, dhisme adag oo dhoobo iyo dhagac ka samaysan, oo taariikhi ah. Golconda waxa ay tahay, meesha magaaladu ay ka unkantay. Magaalada waxaa ku yaalla, harooyin waawayn. Qaarkood waa dabiici, qaarkoodna waa dad samee markooda hore loogu talo galay in ay ahaadaan ilaha magaalada laga waraabiyo. Markan dambe harahaa waxaa loo adeegsadaa qurux iyo meelo lagu dalxiiso.

Ramoji Film City, waa mid ka mid ah goobaha aduunka oo dhan loogu dalxiiska badan yahay. Waxa ay ku suntan tahay, oo buugga dhacdooyinka aduunka (World Gennues Records) ay ugu jirtaa, xarunta jilliinka ee ugu wayn dunida. Waa magaalo dhan oo samays ah, ama beeb abuur ah (Fake City). Waxaad arkaysaa, tareeno caag ah, dhismayaal bilifoon ka samaysan, magaalo dhan oo kartoon iyo plastic ah. Waxa ay leedahay, beero waawayn oo lagu dhaqaaleeyo, xayawaanada dunida qaarkood. Shimbir duusha oo dunnida guud joogta oo ka maqani way yar tahay.

Cuntooyinka ay magaaladu caanka ku tahay waxaa ka mid ah Biriyaaniga oo ah bariis aad basbaaska loogu badiyay. Biryaanigu markii aad ku cusub tahay kuma soo dhawaynayo, balse markii aad la qabsato waxa uu noqonayaa balwad in aad laasinto aan la hurayn oo kale. Dadku laba ayuu u qaybsan yahay. Muslim, iyo Hindu. Punjaabida ama Siinga Siingaha meesha u xoogsi yimid waa faro ku tiris. Labadaas qolo ayaa magaalada ku hirdama. Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Diin ahaanba.

Dharka iyo muuqaba waa dad marka hore ee aad ku cusub tahay isaga kaa gadmaya, markiise aad xoogaa joogto si fudud aad u kala garan karto. Muslimku waa dad cad-cad, oo awr-awran. Dumarkooda waxa aan lagu garan waayin dharka cabbaayadaha iyo khimaarka ee wada madow. Mararka qaarkood waxa ay xidhaan toob jilbaha meel ka hooseeya jooga, oo labada dacal jeexan (Sida Pakistaniga ragu xidhaan oo kale ah) iyo surwaal ku dheggan, iyo Garbo-saar ay labada garab dib uga ridaan. Khamiiska Pakistaniga ahi magaaladan waxa uu ka yahay, dharka rasmiga loo xidho, ragga muslimka ahna u ah calaamad ay xidhaan maalmaha ixtifaalka. Maalmaha qaarkood wax kaleba ma xidhaan. Maalintii ciiddii oo aan ku labistay Suudh iyo Tay, waxa aan ummaddii masjidka isugu timid ka dhex noqday โ€˜Tuke Baal Cadโ€™.

Hindu-guse waa dad badidoodu aad u nis yar. Waa dad cagaar daaq ah, oo hilibka ay diintoodu ka reebtay. Sidaas darteed, Way adag tahay inaad aragto nin bartii casayd sujuudda ku leh, oo haddana calool leh! Waa dad ka mad madaw dadka muslimka ah ee meesha la deggen. Waa dad aad u aamusan, oo inta badan edeb badan. Waa dad shaqada ku fiican, aadna xarfaan u ah. Dumarkoodu Saadhiga ayay aad u xidhaan. Waa dharkakooda rasmiga ah. Ragguse dhar caadi ah ayuu ku labistaa (Waa iska caado in dunnidu inta badan ka sinnaato dharka ragga, balse farqiqa dhaqannada kala duwa waxaa ka mid ah hanaanka dhar qaadashada ee haweenka)

Weeggii iigu horeysay ee aan meesha joogo, waxa ay ila ahayd, in dadka meesha joogaa isku af ku hadlayo. Mad-madoobow Allaa ku yaqaan! Kelmaddii la soo rogtaaba Hindi bay ii ahayd. Maalin maalmahaas ka mid ah baan bajaaj raacay. Saa meeshii aan u socday markii uu I dhigay ayuu ii sheegay qiime aan ahayn kii aan kula heshiiyay. Malahayga wuu I carabso ayuu is lahaa. Suti gaashaan! Afka Ingiriisiga oo aanu si fiican ugu hadlayn awgeed ayaan nin dariiqa maraya la hadlay oo ku idhi, Kaalay oo noo kala turjun. Mise markii ay laba kelmadood is waydaarsadeenba, ninkii waxa uu ii sheegay in aanay iyaga qudhoodu aanay is fahmayn! Waxaan ku idhi, ma adaa meel kale ka yimi mise isaga. Isaga oo dhoolo caddaynaya ayuu iigu jawaabay, โ€˜Maya-e, labadayaduba reer Hyderabad baanu nahayโ€™. Oo haddaa maxaad isku af garan laโ€™dihiin waa yaabe? Shaw waa magaalo la wada deggen yahay, haddana la kala deggen yahay.

Markii dambe, ee aan Urdu-gii afartii kelmadood ee gundhigga u ahayd aan ka bartay, haddeed waxa aan bartay in waxa lagu hadlay uu Urdu yahay iyo in kale. Urdu-ga iyo Hindigu waa laba af oo iska dhex beermay. Hadii aad Hindiga ku hadasho, Urdu-gana waad fahmaysaa, amaba ku hadli kartaa isna. Ta kalena sidoo kale. Afka Telugu-ga ee gobolkan lagaga hadlo, waa ku hadalkiisa uu aad u dhakhso badan yahay. Mararka qaar markay hadlayaan waxaad moodaysaa nin sidii Rekoodhadii cajaladaha wareegaya lagu daawan jiray oo kale โ€˜FFโ€™-ta la hayo! Waa af ay ku badan tahay xarafka โ€˜Dhโ€™-du.ย  In waxa lagu hadlayaa, uu Telugu yahay waxa aad ku garanaysaa, Kelmedda u horaysa ee laguu celiyo โ€œJabandhiโ€, oo macneheedu yahay โ€œIi sheegโ€, oo la adeegsado marka uu qof ku leeyahay โ€œMaxaan kuu qabtaaโ€!

Haddaba, Dhulkaas aan kor ku xusay oo dhan inaan booqda waan u xiise qabaa. Soomaalida meesha joogta ee aan ugu tagay, badidoodu wahsiga ayay hindida ka barteen. Qof cusub dharaarta uu yimaad, waxa ay qaarkood badani ula dhaqmaan sidii nin waligiiba joogayay ama joogi doona oo kale. Maqaaxida soomaalidu ka shaahdo ayaa laguu sii wadayaa, oo lagaa soo wadayaa. Ilayn iyaga daal ma ogiye, xiisaha ay waxaas oo dhani kugu hayaan, kuma jiroโ€™e. Tu aan yeelana waa in aan dhulkaa la iiga sheekaynโ€ฆ

 

Halkan hoose ka akhriso Qormooyinkii hore:

HIndiya: Maalmo koobnaa iyo mahadhooyinkooddii Q.1aad

HIndiya: Maalmo koobnaa iyo mahadhooyinkooddii Q.2aad

HIndiya: Maalmo koobnaa iyo mahadhooyinkooddii Q.3aad

Cabdirisaaq Saalax

Borama, Awdal.

Contact

0634466677

Abdirasaksalah@gmail.com