Hogaamintii Abu-bakar Rc (WQ: Axmed Ismaaciil Idiris)

Wuxuu ahaa saxaabigii ugu fadliga badnaa umadda nebi Muxammad CSW, waana khaliifkii koobaad ee talada uga dambeeyay Nebi Muxamed NNKHA. Haddana marka khayrka loo tartamayo wuxuu ahaa, falida wanaagga, qofka ugu horeeya marka loo eego saxaabada kale.

Xilligii uu khaliifka noqday Abu-bakr RC ayaa wuxuu Cumar u kuurgeli jiray waxa uu qabto Abu-bakr. Aroorta hore ayuu soo baxaa, xoogaabuu maqnaadaa waana soo noqdaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Cumar RC daba-galay Abu-bakr si uu u hubiyo waxa uu qabanayo.

Wuxuu Abu-bakr booqday guri la jaar ah, waxa ku nool hooyo waayeel ah oon cidna haysan, caruurteediina ay horteed baxeen kuwaas ay inamadii jihaad ku dhinteen intii kalena wadku helay.

Abu-bakr guriga ayuu hooyada u soo hagaajiyaa, xoolahana waa u soo lisaa, markaasuu ka yimaadaa. Markii Abu-bakr ka soo baxay gurigii ayuu Cumar hooyadii u tegay wuxuu waydiiyay xaalkeeda? Waxay tidhi “Amiirka Muuminiinta ayaa ii gargaara oo guriga ii habeeya, xoolahana ii lisa halkaana igu og”. Subxaanallaah.

Cumar jilbuhuu u dhacay, waana ilmeeyay. Abu-bakar u sheeg inaan wanaag lagu gaadhayn.

Al-Rijaalu Xawla Rassuul.