Wariye ka tirsanaa jariidad la yidhaa News staff ayaa 17 July 1994 khadka telefoonka ku waraystay M.X.I Cigaal. Su’aal uu wariyuhu waydiiyay ayaa waxay u dhignayd sidan; “Dadka qaar waxay sheegaan in diblomaasiyadaada iyo sidaad u maamulayso arrimaha gudaha wadanka ay saamayn ku leedahay sannadihii aad jeelka ku jirtey?
Cigaal: “12-kii sannadood ee cidlada iyo xabiska ahaa waxay ii bedeleen si aad u wayn, Waxaan ahay nin aad u degen, Waxaan ahayn nin aad u fekera, Ma fal celiyo ilaa aan ka fekero waxa ka dhalanaya waxaan ku jawaabayo, Waxaan nafta siiyaa wakhti, Waxaan ahay nin si wayn u bislaaday oo isu bedeley, Waan ogahay taas. Laakiin waxaan filayaa inaan weligay ahaa nin haldoora. Waxaan ahay dadka u qushuuca Gandhi iyo dadka lamida. Waxaan u malaynaynayaa u udul qaadashada dadkayga iyo hannaanka nabadeed ee aan ku dhaqmayay meelkastoon joogo inay ahaayeen qayb iga mida”
Cigaal waxa uu si aan leexleexad lahayn u sheegay horayso iyo danbaysaba inuu ahaa haldooriyo hogaamiye waxaanu si kalsooni buuxda ku jirto uga faalooday Hogaamintisii, shaqsiyadiisii, qaabkii uu uga falcelin jiray talaabooyinka uu qaadayo, sida uu naftiisa ugu kalsoonaa, una xasiloonaa, waxaa kale oo uu Xusay in ay jireen Hogaamiyeyaal uu ku dayan jiray isagoo tusaale usoo qaatay Mahatma Gandi hogaamiyihii xoraynta hindiya.
AHUN M.X.I Cigaal waxa uu ahaa Siyaasi xidhiidho badan lahaa, siyaasadiisuna ma ahayn mid ku kooban Somalida dhexdeeda waxaase maamuus ka haystay siyaasiyiin caalami ah, Aden Muuse Jibriil oo ah qoraa taariikh dhaadhi ah lana soo shaqeeyay xukuumadihii Somaliland mar uu sifaynayay shaqsiyadii Cigaal wuxu yidhi “Ninku ma ahayn shakhsi caadi ah, ma ahayn siyaasi kali ah mana ahayn nin ku kooban geyigeena Somaliland, ama soomaliyeede, runtii waxa uu ahaa nin intaba ka badan kana balaadhan, marka laga eego xaga aduunyada, aragiisa iyo yuhuuntiisa intaba”
Mar kale oo Aden Muse Jibriil uu la socday wafti reer Somliland ah oo la kulmay Raysal wasaarihii Ethiopia Meles Zenawi ayaa wuxu kasoo wariyay in uu Melez ku yidhi waftigaasi “ Cigaal waaa nin xeeldheere iyo khabiir rug-cadaa siyaasadeed ah hadii uu hada Somaliland dhisayana, waa nin akhrin yaqaan taariikhdu siday u socoto, waana in aan dhamaanteen wax ka barano, inta uu nool yahay” Hadalkaasi waxaa laga dhadhansanayaa in Melez uu ka mid ahaa ragii u bogay hogaamintii siyaasadeed ee Cigaal heer uu gaadhay inuu doorbidayay inuu wax ka barto.
Dr. Edna Adan oo ka mid ahayd Xaasaskii Cigaal iyadoo ka faaloonaysa shaqsiyadii Cigaal ayay tidhi “Marxuum Cigaal wuxuu ka mid ahaa raggii hormoodka ka ahaa halgamadii gobonima doonka Afrika sida Kwama Nkruma Ghana, Juluis Neyrere Tanzania, iyo rag kale” Mar kale iyadoo sifaynaysa sida uu ugu dhuun daloolay iriqyada caalamka iyo halka laga abaaro waxay tidhi “ Waxa uu ahaa rug caddaa iyo xeel-dheere siyaasadeed ooleh aragti dheer si fiicanna u yaqaanna siyaasadda caalamka iyo surinnada loo maro.”
“Cigal wuxu lahaa mug aad u weyn iyo nuxur aad sareeya, marka laga eego wacyigiisa, iyo dareenkiisa aduun-araga ah wuxuuna lahaa dhinacyo aad u badan, waxaana ka mid ahaa isaga oo ahaa nin dawlo (states man), nin fekera ama (thinker), suugaan yahan ama abwaan, nin cilmaani ah (secular) oo cilmiga si weyn u aaminsan, lakiin wuxuu isla markii ahaa nin diini ah oo diinta Islaamka aad u aaminsan aadna u yaqaan, asaga oo aan filayo in uu xataa Quraanka oo dhan korka ka xafidsanaa.Sidaa waxaa yidhi Aden Muse Jibriil mar kale inala wadaagay sifooyinkii Cigaal. Lasoco Q4AAD……………………….
Halkan hoose ka akhriso qormooyinkii hore:
Hoggaamintii, hab-dhaqankii iyo hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q1aad
Hoggaamintii, hab-dhaqankii iyo hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q2aad
Fu’aad Cabdilaahi Xasan
Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa, Somaliland