Hoggaamiye Xirsi Xaaji Cali: Xigmadii qarniga “Jeegaantii-Rainbow” waxaanu u bedelnay “Giraan-Circle” (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

Waxaan u guuxay kelmad xikmad wayn ku fadhida oo kasoo yeedhay Hoggaamiye Xirsi Xaaji Cali Xassan “Jeegaantii maanu jebin ee waxaanu ku bedelnay giraan” waa eray culus.

Qofki garanayaa wuu garanayaa, qofkii kalena waan u sharxayaa,  jeegaantu “Rainbow” waxay lugaheeda kala dhigtaa laba jiho oo kala fog sida Bari iyo Galbeed. Dhulka u dhaxeeya way ka dul boodaa. Bulshada Somaliland waxay erayga “JEEGAANTA” u isticmaalan marka ay  laba beelood oo deegaan ahaan kala fogi ay samaystaan isbahaysi siyaasadeed.

Somaliland waxa soo maray laba jeegaanood, jeegaanta hore waxay ahayd isbahaysagii beelaha degga “Awdal, Sool & Maakhir“ kuna  bahoobeen xisbigii la odhan jiray USP United Somali Party” ee la sameeyay 1958. Waxa isbahaysigaas hormood ka ahaa Garaad Ali Garaad Jaamac iyo Xaaji Ibrahim Nuur, Jeegaantaasi waxay burburtay Julay, 1960-kii.

Jeegaanta labaad waxay unkantay 1989-kii waxaanay dhex martay Beesha Bariga Burco iyo Beesha Galbeedka Hargeys. Ma jiro heshiis cad oo lagu hesheeyay, laakinse waxa muuqday isbahaysi shaki ku abuuray beelaha kale ee Somaliland.

Waxa ugu danbaysay wareejinta juujuubka ah ee musharaxnimda Madaxweyne Siilaanyo ku wareejiyay Kornayl Muuse Biixi oo aan haysan kalsoonida bulshada.

Isbahaysigaasi waxuu abuuray qaybin iyo kala qoqob qabiil oo aan la jaan qaadi karin jiritaanka qaranimada Somaliland. Haddaba, Hoggaamiye Xirsi iyo Garabka Isbahaysigu waxay jeegaantii ku bedeleen “Giraan “ oo ah giraan siyaasadeed ay ku wada muuqdaan dhammaan beelaha Somaliland. Waa siyaasad ku qotonta tallo-wadaag.

Waa siyaasad walaalayn doonta bulshada Somaliland, keeni karta deganaansho, xasilooni, horumar iyo dimuqraadiyad. Waa masali lagu wada fadhiisan doono. Wuxuu yidhi Saahid Qamaan :

Rag waxaan ku maamuli aqaan  ama  ku maamuusi,

Masaa in aanu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye,

Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma taabsiyo,

Kii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho,

Sidii koran xiniiyaha la muday uma maluugnaado.

Garabka Isbedel-doonku waxay diideen inay u maluugnaadan   Col. Muuse Biixi, oo god  madow ku ridi doona Somaliland, haddii uu boobo doorashada.

Qalinka : Drs Hoodo Yusuf, London,UK.

yhoodo@yahoo.com