Hoos U Dhaca Dhaqaale ee Somaliland iyo Saamaynta Covid 19 (WQ: Bashiir Maxamed Bashiir)

Dulmarka Guud ee Dhaqaalaha Somaliland 

Dhaqaalaha Somaliland waxa hoos u dhac la taaban karo ku keenay xanuunka safmareenka karoona fayras. Dhaqaalaha Somaliland waa dhaqaale furan (open economy) waxay leedahay dakhli dhaqaale oo si weyn ugu tiirsan ganacsiga caalamiga ah gaar ahaan badeecadaha la soodhoofiyo (highly dependent on import trade). Dhaqaalaha Somaliland waxa udub dhexaad u ah oo haga shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ganacsiga (driven by the private sector).  Dakhliga dowladu waxa uu xoog ugu tiirsan yahay dhaqdhaqaaqa suuqa ganacsiga (movements of market trade) iyo kastamyada, waana isha-dakhli ee ugu tunka weyn ilaha dhaqaale ee dowlada soogala. Sida uu sheegay Baanka Adduunku, dhaqaalaha Somaliland waa mid aad u furan oo ku salaysan 91.5% wax-soo-dejin. 2019-kii Somaliland waxay la soo degtay alaab qiimaheedu tahay $ 572 Milyan halka ay ka dhoofisay waxsoosaar qiimihiisu yahay $ 211 Milyan. Taas macnaheedu waxa weeyi in isu-dheeli tirnaan la’aani jirto marka la eego. Farqigaa isu-dheeli tirnan la’aanta baayacmushtarka ganacsiga ee Somaliland waxa badankiisa soo kaba lacagaha la soo xawilo (inward remittance) iyo lacagaha caawimooyinka ah (cash aid).

Somaliland lixdii bilood ee hore 2020 waxa ay diwaangalisay isdhin ganacsi (trade deficit) oo dhan $161 Milyan iyo hoos u dhac 7.5% ah, waxay la soo degtay alaab qiimaheedu tahay $ 230 Milyan halka ay dhoofisay waxsoosaar qiimihiisu yahay $ 68 Milyan.  Maadaama Somaliland si weyn ugu tiirsan tahay waxasoodejinta tani waxa ay sababtay xasilooni la’aan dhaqaale (instability economy) iyo isku dheelitirnaan la’aan ganacsi (imbalance trade). Dhaqaalaha, ganacsiga iyo dakhliga Somaliland waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay waxsoodejinta.   Covid-19 waxa uu haleelay dhammaan tiirarka ugu muhiimsan dhaqaalaha sida; qulqulka ganacsiga (trade flow), adeegyada, xoolaha, xawaaladaha, silsilada qaybinta sahayda, isku socodka, kaalmada caalamiga, dakhliga dowlada iyo meelo kale oo muhiim ah.

Si aad u akhrisato maqaalkan oo dhamaystiran halkan kala dag: https://drive.google.com/file/d/1y-5VKaDsvvVvb7Hf1unuZGTdaQg8GUjv/view