Hooyooyinka iyo Macalimiintu waa barbaariyayaasha ubadka maanta oo noqonaya waalidka iyo maclimiinta berri.
maqaalkan waxaan kaga hadalaya qisooyin aan ka soo uruuriyay macalimiinta iyo hooyooyinka waqtigan jira, aynu ku horayno Hooyooyinka imika jira iyo qisooyinka ku duugan.
Hooyo waa noolaha Ilaahay inagu dhex abuuro inagoo candhuf ah ilaa aynu ka noqonayno qof dhasha isagoo nool waana qofka dhabarka u rita haday noqoto naas nuujintiisa iyokoornimada ilmaha.
Hooyadu waa qofka udulqaata dhibaato kastoo Ilmuhu ugaysto inta uu ku jiro waqtiga koriimada haday noqoto Oohin joogto ah,naasnuujinta, Saxarada iyo kaadida oo aan kala joogsi lahayn inta uu ku jiro waqtiga koriimada.
Hooyadu waa baraha Ilmaha baraysa sida loo hadlo, sida loola dhaqmo Dadka kale ama Dadka ka waaweyn iyo sida uu Ilmuhu iskaga caabiyo ama uu iskaga celiyo qayrkiis.
hadba aynu u guda galno qisooyinkii iyo dhacdooyinkii aan ka soo uruuriyay hooyooyinka waqtigan jira anigoo barbar dhigaaya hooyooyinkii hore.
Iskuulada yar yar ee imka magaalada ku soo badanaya waxay ku tusaysaa hadii aad booqato waxaad ku tusaysaa tamarlaanta hooyooyinka imika jira waaxaad arkaysaa ilma yar oo da’diisu tahay 3sanno oo la leeyahay waa KG1 (Kindergarten) oo ah barbaarinta ilmaha waa shaqadii hooyada in Ilmaha la barbaariyo si ay hooyadu ugu baxsato kornimada ilmaha ayay lacag ku bixinaysaa oo ay iskuul gaynaysaa ka dibna waxaa ilmihii korinaysa gabadh aan dhalin oo lacag qaadanaysa ugu danbayntiina jawaabta ka dhalanaysaa waa inay is fahmi wayaan ilmihii iyo Hooyadii madaama oo aanay Ilmihii soo korin.
KG(kinder garden) iskuulkan layidhaa caruurta lagu koriyaa ee qaatay hawshii hooyada oo lacag ku badashay fa’aada darooyinka waaweyn ee laga dhaxlo waxaa ka mid ah.
1.Xanuunada la kala qaado : Inuu ilmihii isagoo yar oo jidhkiisii cusub yahay uu soo ag fadhiisto Ilmo yar oo kale xanuunsanayo kaas oo qaba xanuunada sida fudud lagu kala qaado oo ay ka mid ka yihiin Sanboorka, Xasaasiyada iyo xanuunada lagu kala qaado cuntada oo ay ka mid tahay Amateed xumada la soo darista ilmaha taas oo hoos udhigta koorimadiisa.
2. Ku badinta Tacliinta ilmaha yar : Qaar ka mid ah barnaamijyada dugsiga xannaanada carruurta ee maalintii oo dhan waxay noqon karaan kuwo si xad dhaaf ah wax u bara Ilmaha illaa heer dugsiga xannaanadda uu u ekaado fasalka koowaad, Taasi kuma haboona caruurta maadama ay wali baranayaan xirfadaha aasaasiga ah taas oo ay hooyada ilmuhu gabatay lagana yaabo in maskax ahaan aysan diyaar u aheyn inay galaan tacliinta. Carruurta oo ku jirta xilliga tartiib barashada ah, laakiin aan weli gaadhin heer waxbarsho loo bilaabo waxay u arki doonaan mid cadaadis ah oo cabsi leh, dabacan waxbarashada iyo barbaarinta ilmuhu way kala duwan tahay .
3. Inuu Ilmuhu fahmi waayo shaqada guriga:Dhinaca kale, dugsiyada xanaanada carruurta qaarkood waxay u shaqeeyaan sidii xanaano-maalmeed, iyaga oo aan wax door ah ka ciyaarin sidii ilmaha loo siin lahaa xirfadaha aasaasiga ah. Xeeldheerayaasha waxbarashadu waxay xusayaan in iskuulaadka barbaarinta qaarkood ay u shaqeeyaan sidii xarumo xanaano oo lacagta laga ururrusado walidiinta ilmaha dhalay halkaas oo caruurta waxba loogu dhigayn ama aan waxba la baryn taas oo maalintii oo dhan lagu hayo kadib ay iska soo dayaan marka la gaadho waqtiga rawaxaad .
Dhibaatooyinka haysta Hooyooyinka waqtiga jira waxaa kamid ah inay san aqoon sheekooyinka caruurta lagu maaweeliyo oo ay ka mid yihiin sheeko xariiradii caruurta looga Sheekayn jiray iyo Googaalaysigii lagu korin jiray garaadka ilmaha iyagoo ilmihii isagoo yarba ku bilaabay dawaashada filmkartoonka, aflaanta hindiga ah ee la afsoomaali gareeyo iyo Giimamka lagu ciyaaro mobilada waaweyn Smart Phoneska ah taas oo aad arkayso marka aad guryahay qaar booqaato ilmo yar oo u hadlaya siday u hadlaan nimanka aflaanta soo turjuma iyo ilmayar oo kaga badinaya isticmaalaka mobilada waaweyn ee Smart Phoneska, dhibaatadaasina waxay sababtaa inuu ilmuhu ku wanaagsanaan waayo dhanka waxbarshada siiba waxbarshada diinga ah.
Hooyooyinkii hore caruurtu markay yaryar yihiin waxay ku bar baarin jireen inay san dadka waaweyn ku af celin ama aanay caayin oo ay ka xishoodaan taasina waa dhaqan wanaagsan oo u wanaagsan Ilmaha xilga uu ku jiro koriinka, laakiin Hooyooyinka imika jira waxaad ku arkaysaa iyagoo Caruurtooda ku leh Qof ka weyn Tufuu ku dheh, cay,xago, hoo dhagaxan ama kabatan ku tuur dhaqankaasin ma ah mid dhanka shareecada waana sababta aad u arkayso marka aad guryahay qaar booqato Ilmo yar oo aad karaahiyaysanyso dibta uu kugu hayo intaad goobtaa ku sugantahy eedaas iyo danbigaas oo dhana waxaa iska leh Hooyada oo aan ku tarbiibin Ilmaha sida loo ixtiraamo dadka ka waaweyn.
Dhanka kale waxaad arkaysaa qofweyn oo waalid usoo cabsho tagay isagoo ka dacwoonaya Ilmiihiisa Hooyooyinkii hore waxay samayn jireen inatay Ilmahooda garaacaan iyagoon waxba weydiinayn ayay qofkan weyna raali galin jireen kadib ilmuhu umuu noqon jirin inuu qof weyn mar danbe caayo maadaama Hooyadii dilayso laakiin Hooyoyinka imika jooga hadaad ilmahooda ka dacweyso ugu horeyntaba waxay kaala hor imanaysaa muran iyo inay Ilmihii yaraa ay wax weydiiso run iyo beenbana ay ku soo raacayaan ka dibna aan ilmihii waxba laga qabyn Qofkii weynaana aan la raali galinayn waana sababta aad Saldhigyada booliska marka aad booqato aad ugu aragkayso Inanyar oo loo soo qabtay fal danbi ay ka mid yihiin inuu Tuuganimo iyo Dad baadhsho hooyadiina ay halkan la taagan tahy inankaygu maasij ayu tujinayay ama uu furihiisa hayay ee goormuu dadka xaday aflagaadana u gaysanaysa Booliskii Shacabka ka soo xidhay Eedaysanhan tuuganimada ku xidhan.
Iskuulada qaar marka aad booqato waxaad ku arkaysaa Macalimiintii iyo Hooyooyinkii oo madaxa iskula jira taas oo marka aad ufiirsto ay khaladka yeelanyso Hooyadu, macalinkii ilmaha loo keenay ayaa marka uu wax baryo wax uu samaynayaa in uu Ilmahaa dhangad la dhaco oo uu edbiyo ilmaha madaama dhengada iyo garaacista ilmuhu ay ka mid tahay waxbashada,kadib hooyadii oo qaylinaysa ayaa subax soo raacaysa ilmaheedii kadib macalinkii caayaysa oo aflaagaadaynaysa kuna leh anigu ma dilbaan ku idhi mise wax bar taas oo sababaysa inuu maclinku ka naxo ardayga faaiidad ka dhalaatan waxay noqonaysaa inaan ilmuhu waxba baran ama uu noqodo saaqid nolasha ka dhaca.
Macalimiinta Imika Jooga Iyo Qisooyinka Ku Duugan.
Macalinku waa barbaariyah ubadka kaas oo kala wadad saxda ah iyo wadad aan saxda ahayn.
Macalinku waa aasaasaha bulsho ka caafimaad qabta dhinaca maskaxda waana hagaha bulshada ama soo saarha madaxda beri, waana sababta loo yidhaa Maclinku waa Shamac sida loo iftiinsanyo ayuu dhaamdaa.Qormadan waxaynu isku barbardhigaynaa farqiga u dhexeeya Macalimiinta imikajira iyo Macalimiintii hore.
Goobaha wax lag barto sidoodaba marka hore ku wanaagsanyihiin inay noqdaan Wax ay umadu wada leeyihiin oo ay dawladu gacanta ku hayso {public service} lakiin haddii laga Dhigo wax gaar loo leeyahay ama ba Ganacsi waxay noqotaa gancasiyada aan mar qudhaata lagu qasaarin.
Macalinimada waqtigan jirtaa waa fursada quudhaata ee qofwaliba ku shaqysan karo iyadoo aan loo eegayn aqoon iyo aqoon la’aan.
madaama oo waxbarashadii gaarka ahayd ay ka badatay tii dawliga ahayd Shaqsi kastaana uu iskuul iska furtay mulkiilaha Iskuulku waxa uu ka fikirayaa sidii uu kharshka mushaharka hoos iskaga dhigi lahaa kadib waxa uu soo uruursanayaa macalimiin aan aqoonlahayn oo mushahar jaban ugu shaqaynaysa ka dib caruurta ayuu odhanyaa wax udhiga iyagoo qaar kood casharka ay subixii dhigayaan habeenkii oodhan googlaha iyo youtubeda ka baadha.
waxaad arkaysaa Inan yar oo aad garnayso waqtiguu uu magaalada soo galay kadib intuu saddex sanno Quraanka kariimka dhigto isagoona Tafsiirkiisii culuumtii diiniga ahayd aanu aad ufahmin ama aan dhigan uu furanyo malcaamad ama uu macalin ka noqanyo malcaamadii uu Quraanka kariimka ah ka dhigtay waana ta sababta danbiyada ka dhaca Malcaamadaha.
Guurku waa xalaal siday diinteenu inoo sheegtay Macalinkuna waa waalid may dhici jirin inuu macalina caruurta uu wax barayo uu ka dhex guursado kumaan arki jirin macalimiintii wax noo dhigi jiratay falkaas lakiin imika falkaasi wuxuu noqday mid iska caadi ah inuu macalin kastaa caruurtaa uu wax udhigayo uu ka dhex guursado inanta ugu edebta wanaagsan,bal hadii ay sax tahay inuu macalinkastaaba ka dhexguursado Ardaydiisa hablaha ah ee uu wax udhigayo maxay hablaha macalimiinta ahi ay uga dhex guursan waayeen Inamada yar yar ee ay wax barayaan maxaa yeelay macalimadani waxay aaminsantahay inay caruurtan ay waxa udhigaysaa ay la mid yihiin kuwa ay dhashay Alle ha barakeeyo hablaha macalimiinta ah ee asturan.
Marka aad booqato maxkamdaha dalka waxaad ku arkaysaa qaar ka mid ah Macalimiinta oo lagu odhanyo waxaa loo haystaa Kiis kufsi ah oo uu ugaystay ama waxaa uureeyay inanyar oo uu wax u dhigayay ka dib Maxakamadaa waaran soo qabasha ah looga soo gooyay.
Dhaqankaas laguma arki jirin macalimiintii hore ee wax na soo baray kaliya waxaa la arkay intii ay inagu soo bateen macalimiinta aan aqoonta badan lahayn.
W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine