Idaacadda Radio Hargaysa

Sannadkii 1941 ayaa dawladdii Ingiriisku tijaabo gelisay idaacaddii u horreysay ee af-soomaali ku hadasha. Idaacaddaas waxa la odhan jiray Radio Kudu (Idaacadda Goodir).

Itaalkeeda baahineed wuxuu ahaa 100-watt, taas oo markii dambe lagu kordhiyay 600-watt oo kale. Tijaabadaasi waxay socotay ilaa bishii December 1942, wakhtigaas oo si rasmi ah ay u hawlgeshay.

Waxa markii u horreysay laga bilaabay xarunta agagaarka Cisbitalka weyn ee Hargeysa ee Taar-dheer. Ilaa sannadkii 1944 waxay idaacaddii Goodir ay ku hawlgalaysay magacaas, waxaana isla sannadkaas magaceeda loo beddelay Hargeysa, Raadyow Soomaali – ‘Halkani waa Hargeysa, Raadyow Soomaali’.

Waxa la kordhiyay awooddeeda baahineed, waxaana sannadkii 1945 laga dhigay 1 kilowatt, halka sannadkii 1957 laga dhigay 5 kilowatt. Waa taa sababta ay Raadyow Hargeysa u noqotay idaacaddii u horreysay ee af-soomaali ku hadasha ee dunnida laga hirgeliyo.

Doorkii taabbo-galka fanka:

Raadyow Hargeysa ma ahayn oo kaliya goob lagu baahiyo siyaadaha iyo doonista dawladdii maxmiyadda Ingiriiska ee joogtay Somaliland, balse sidoo kale waxay kaalin ku lahayd koboca garaadka bulshada iyo kacdoonnadii faneed ee ka hano-qaaday Somaliland.

Waxay kaalin mug leh ku lahayd in ay Hargeysa noqoto; ‘Hoyga fanka iyo suugaanta Soomaalida’ Sannadkii 1956kii ayaa Cabdilaahi-Qarshe iyo Xuseen Aw-Faarax ay hindiseen koox la yidhaahdo WALAALO HARGEYSA, sababta oo ah riwaayadaha Af-Carabi ayaa lagu dhigi jiray, markaa labadooda ayaa yidhi, aynu samayno koox Af-Soomaali ku dhigta riwaayadaha. Kooxdaas aasaayaashoodu waxay ahaayeen 14 qof.

Wakhtiyadaas fannaaniintu waxay si toos ah u tumi jireen heesaha, isla markaana tabin toos ah ayay gabayada iyo wixii kale ee xog ah u marin jireen idaacadda Radio Hargeysa.