Iftiiminta Saamaynaha Taban ee Is-afgaradka Itoobiya & Somaliland uu Yeelankaro…Qaybta 3aad. W/Q:(Gulaid Idaan)

NUXURKA HESHIISKII DHAWAAN DHEX MARAY SOMALILAND & ITOOBIYA

____________________

Itoobiya iyo Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay taaba-qaaday horumar la taaban karo, kaddib markii ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah, oo u furay bog cusub xidhiidhka labada dhinac . Si kastaba ha ahaatee, iyada oo ay jirto yididiilo wanaagsan, waa muhiim in la yiqiinsado oo laga hadlo caqabadaha ku iman kara iyo dhinacyada taban ee saameyn kara guusha iyo waaritaanka heshiiskan.

Luuqadda adag ee sharci iyo kala duwanaanshiyaha fasiraadeed ee ereyada heshiisyada laguqoro ayaa taariikh ahaan horseeda muran iyo ismaandhaaf. Inkasta oo la isku dayay in si cad loo diyaariyo heshiiska is-afgaradka, muhmalka-luqadeed ama kala duwanaanshiyaha dhaqan ee fasiraddu waxay keeni kartaa caqabado, kuwaas oo wiiqi kara hirgelintiisa. Labadan dhinac ee Itoobiya iyo Somaliland waa inay xaqiijiyaan in dhammaan dhinacyadooda ay khusaysaa in ay wadaagaan faham guud oo ku saabsan qodobbada Is-afgaradkan, ayna ka go’naataa in si guul leh loo fuliyo.

Intaa waxa dheer, heshiiska is-afgaradkan ee ay Somaliland gashay ayaa laga yaabaa in ay fasiraado kala duwan ka bixiyaan kooxo siyaasadeed ama kuwo dano gaar lihi oo labada dal ka kala tirsan. Doodaha gudaha, mucaaradka, ama mudanta kala duwan (ee wax ku leh heshiiska) ayaa adkeyn kara fulinta iyo waxtarka Is-afgaradkan. Maareynta dareenka siyaasadeed ee gudaha iyo wada-hadal hubaal ah oo loo dhan yahay ayaa muhiim u noqon kara ka-hortagga caqabadaha iman kara iyo sii wadida dardargelinta xidhiidh ee labada dhinac

Gobolkan Geeska Afrika wuxuu ku suntanyahay dhaqdhaqaaqyo juqraafi-siyaadeed oo kakan, iyadoo ay jiraan daneeyayaal heer gobol iyo heer caalamiba leh oo dano gaar ah ka leh xasilloonidiisa iyo horumarkiisaba. Saamaynaha dibadeed ama faragelinaha ayaa saamayn ku yeelan kara Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland, taasoo laga yaabo inay abuurto caqabado ama ay beddelaan dhaqdhaqaaqyada heshiiskan. Labada dhinacba waa inay feejignaadaan oo ay la qabsadaan cadaadiskaas dibadeed oo ay horumariyaan danahooda iyo ujeedooyinkooda

Is-afgaradku si uu ugu hirgalo si wax-ku-ool waxa uu u baahan karaa dhaqaale, farsamo iyo cudud shaqaale oo badan, oo ka yimaada Itoobiya iyo Somaliland. Caqabadaha xagga awoodeed ama agabyada ayaa dib u dhigi kara waqti ahaan iyo in si guul leh loo fuliyo mashaariicda lagu sheegay MoU-ga. Kala horraysiinta horumar waara oo la tijaabiyo, ka faa’iidaysiga xidhiidhada caalamiga ah, iyo kor u qaadida awoodaha hay’adeed ayaa muhiim u noqon doona ka gudbidda caqabadahan iyo sare u qaadida saamaynta MoU-ga

Intaa waxa dheer, waxa jirta khatar ah in Is-afgaradku uu kor u qaadi karo filashooyin aan dhab ahayn oo gaadha dadweynaha Somaliland iyo Itoobiya oo khuseeya faa’iidooyinka laga malaysanayo ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ama xasilloonida siyaasadeed. Marka la maareynayo filashooyinkan waa in loo maro wada-hadal cad, loo dejiyo yoolal (Goals) dhab ah, iyo horumarinta dedaallada joogtada ah ee muhiim u noqon doona ilaalinta taageerada dadweyne iyo kalsoonida natiijooyinka MoU-gan

Sidoo kale, xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland waxa uu wajihi karaa cidhiidhi ka dhasha isfaham-darro ama khilaaf ka yimaada qodobbada is-afgaradkan. Madmadowga ama fasiraadaha iska hor imanayaa ayaa horseedi kara xiisad diblomaasiyadeed, taasoo murgin karta wada-xaajoodyada mustaqbal iyo iskaashiga labada dhinac. Xallinta khilaafyadan oo kale ayaa noqon kara kuwo adkaada, oo saamayn xunna ku yeeshaa xidhiidhka labada dhinac.

Gobol ahaan, ficillada Itoobiya ee ku saabsan is-afgaradkan ayaa laga yaabaa inay sii xumeeyaan xiisadda haddii dalalka deriska ahi ama daneeyayaasha caalamiga ahi ay u arkaan dhaqdhaqaaqeeda mid xasillooni-darro ama caddaalad-darro ah. Khilaafka juqraafi-siyaasadeed iyo faragelinta ka imanaysa dhinacyada dibadda ayaa iyaguna laga yaabaa inay carqaladeeyaan dadaallada nabadeed iyo amniga gobolka, taasoo wiiqaysa xasilloonida Geeska Afrika.

SAAMAYNAHA JUQRAAFI-SIYAASADEED EE HESHIISKA

__________________________________________

Raadinta Itoobiya ee marin badeedka iyada oo loo marayo Heshiisyada Isfahan (MoU) iyo

Istaraatiijiyadda Itoobiya ee ku wajahan Siaasadeeda Arimaha Dibada oo Xulifo la ah Shiinaha iyo Iran, ayaa yeelanaya saameyn juqraafi-siyaasadeed oo qoto-dheer. Isbahaysigan cusubi waxa ay dib u qaabayn ku samaynayaan dhaqdhaqaaqyada Geeska Afrika, iyaga oo saamaynaya xidhiidhada diblumaasiyadeed, xasiloonida gobolka, iyo horumarka dhaqaalahaba. Somaliland, oo ah dal ku dhawaaqay madax-banaanidiisa oo raadinaya aqoonsi caalami ah, xulafadan cusub ee Itoobiya ayaa caqabado waaweyn noqonaya. Fahamka saamayntani waxa ay u baahan tahay in si mug leh loo baadho xidhiidhka kakan ee arrimaha diblumaasiyadeed, gaar ahaan in diirada la saaro xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan iyo xidhiidhka sii kobcaya ee Itoobiya ay la leedahay Shiinaha

GO’DOONKA DUBLAMAASIYADEED IYO ARRIMAHA AQOONSIGA

________________

Is-afgaradkii dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa muuqaalka dublamaasiyadeed ee Somaliland, wuxuuna saameyn ku yeelan karaa siyaasaddeeda arrimaha dibadda sidadbadan iyo si toos ahba kuwaas oo ay ka mid yahiin

1. Dhimista Taageerada Xulafada Reer Galbeed:

Istaraatiijiyadda Itoobiya ee ku wajahan Shiinaha iyo Iiraan waxay ka dhigan tahay is-beddel la taaban karo oo ku yimi muuqaalkii juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika. Isbedelkan ayaa keeni kara in dalalka reer galbeedku, gaar ahaan Maraykanka iyo Midowga Yurub ay dib u qiimeeyaan mawqifkoodii diblomaasiyadeed ee ku wajahnaa Somaliland. Taariikh ahaan, dalalkan reer galbeed waxay taageero aan rasmi ahayn u fidiyeen raadinta Somaliland ee aqoonsi caalami ah, iyagoo u qiray inay ka jirto xasillooni iyo maamul dimuqraadi ahi marka loo eego gobollada kale ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, xidhiidhka sii siyaadaya ee Itoobiya ay la leedahay Shiinaha iyo Iran ayaa muujin kara is-beddel ballaadhan oo gobolka ah, taas oo horseedaysa in quwadaha reer galbeedka ay hoos u dhigaan taageeradii ay u hayeen Somaliland. Dib-u-habayntani waxa laga yaabaa inay keento inay hoos u dhacdo dedaallada diblomaasiyadeed iyo hawlaha loo qoondeeyay u doodista ictiraafka iyo ujeedooyinka horumarineed ee Somaliland.

Danayn la’aanta Diblumaasiyadeed: Hoos-u-dhaca suurtagalka ah ee taageerada reer galbeedku waxay sii fogayn kartaa marxaladda Somaliland ee fagaaraha caalamiga ah. Haddaba, aqoonsi la’aanta rasmiga ah ee Somaliland waxay si weyn u xaddidaysaa awoodda ay ku samayn karto dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo caalami ah. Haddii aanay jirin taageero xooggan oo ay ka helaan dawladaha reer galbeed ee saamaynta ku leh Somaliland, dedaalka ay Somaliland ugu jirto in ay aqoonsi hesho iyo in ay xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelato dalalka kale waxa ay keensan kartaa caqabado waaweyn. Raagitaanka u ololaynta xooggan ee reer galbeedku waxay Somaliland ka go’doomin kartaa fagaarayaasha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo ururrada kale ee la-tacaamulka la leh, halkaas oo aqoonsi rasmi ahi uu muhiim ugu yahay ka qaybgal ahaan iyo saamayn ahaanba. Dublamaasiyadu waxay kaloo saamayn ku yeelan kartaa awoodda Somaliland u leedahay inay soo jiidato maal-gashi shisheeye iyo deeqo horumarineed, kuwaas oo inta badan ku xidhan aqoonsi caalami ah iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo deggan. Taageerada xulafada reer galbeedka oo la dhimaa waxay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaadda muuqaalka iyo wax-wada-qabsiga beesha caalamka, taas oo hor istaagi karta ictiraaf raadinta Somaliland iyo himilooyinkeeda dhaqaale iyo xasiloonideeda siyaasadeed.

 

Lasoco Qaybta 4aad

 

 

Xigasho:Gulaid Idaan

Bandhige@gmail.com