Waa xaqiiq haddii ay wax u soo hirgaleen in madaxeeyne Muuse uu afkiisa inooga sheegi lahaa,laakiin waxa weli muuqata in aanay waxba uga caanoobin socdaalkiisii qarsoodiga ku soo dhamaaday een layna tusin, cid soo dhawaysay iyo cid uu kulan la qaatay toona, keliya aynu aragnay isaga oo Masjid dhextaagan.
Qodobada uu wasiir Faratoon inoo buhabuheeyay bal aynu mid mid isu dultaagno, caqligana la kaashano.,kuwaasi oo sidan ah:-
1. La dagaalanka argagixisada.
2. Shirkad xoolaheena dhoofin doonta.
3. Madaarkii Berbera oo la ogolaaday in diyaaradaha ganacsigu ay isticmaalaan.
4. Maalgelinta beeraha dalkeena.
5. Baanka dhexe oo awoodiisa la siiyo.
Nasiibdarada ugu weyni waxay tahay in maanta oo ururadii argagixisada ee aduunka ka jiray ay liitaan uu qodobka ugu weyn ee bulshada reer Somaliland loo sheegay inuu yahay guul wefdiga madaxweynuhu soo gaadhay la dagaalanka argagixisada oo laynoogu dhigay inay ku awoodaysanayso mandaqada, caksigeeda oo ah in ay ururadaasi meesha ka sii baxayaan oo laga xoog roonaaday, halka ay Somaliland meel iska saartay markii ay carcartooda qabeen ee ay dalalka dhan la wareegayeen, jaarkeenana ay maalinba magaalo iyo tuulo dhalfiifahaha ka dhigayeen.
Waxa iyana lama filaan ah in laynoo sheego in shirkad ay dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku lee yihiin ay la wareegi doonto lafdhabarkii dhaqaalaha dalkeena ee ay bulshadeenu waligeed ku tiirsanayd ee ahayd dhoofinta xoolaha oo ay ganacsato badani ku tartami jireen qofkii karayaana dooni yar uu ku sii raran jiray, halkii aynu filaynay I Imaaraadku uu dhigiisa Sacuudiga inooga dhameeyo furitaanka suuqyada iibka xoolaha ee uu inaga xidhay, maadaama masuuliyiinta UAE iyo KSA ay yihiin mataano u heshiiyay dunida Bariga dhexe oo ay maantana xageena u soo talaabeen.
Waxa ka dar oo dibi dhal ah in laynoo sheego in dayaaradaha shacabka ama ganacsigu ay isticmaali doonaan garoonka aanu ku sadaqaysanay UAE ee loo siiyay inay saldhig milateri ka dhigtaan oonan waxba lagaga bedelan ama lagaba kireyn, taasi oo uu wasiirkeena dibadu shacabka u soo bandhigay inay aan intiisa badan duulimaadyada milateriga ah loo isticmaali doonin, iyadoo heshiiskan uu meesha ka saarayo qodob ka mid ah heshiiskii hore loola sexeexday ee dadka masaakiinta ah ee reer Somaliland looga iibyay dabinada Imaaraadka oo ahaa in madaar shacab oo caalamiya oo labaad ay berbera yeelan doonto, halka laynoo sheegayo mar kale in keenii hore fasax laynoogu soo helay isticmalkiisa,iyadoo aynaan garanayan cida maamuli doonta, tiiyoo aynu ognahay in saldhiga mileteri eed dal shisheeya siisaa inaanu maamulkiisu kuu oolin oo aadan xitaa ogaan karin waxa lagu fushanaayo.
Sidoo kale waxa laynoogu celiyay qodob kale oo ku jiray heshiisyadii hore ee aynu la galay Isutaga Imaaraadka oo ahaa in ay maalgelin iyo horumarin ku sameeyaan mashaariicda beeraha dalka oo laaynooga dhigaayo heshiis cusub, meeshana aan lagu xusin in marna uu ku jiray heshiisyadii hore ee ay wasiiradii dawladii madaxweyne Siilaanyo inoo sharixi jireen.
Baanka dhexe oo uu waajibaadkiisa wasiirku ku daray maalgelin, sida uu kii ganacsiga yahay ayaad moodaa in heshiiska lala soo galay UAE uu dhigaayo inaynu dawlad ahaan dal kale awood siintiisa dhinaca sharciga uga soo fasax qaadanyno halkii ay ahayd in madaxweynuhu warqad keliya ku soo saaro wareegto lagu faafinaayo in baanku qaato meelmarinta iyo isticmaalka awoodihii uu distoorku siiyay, haddii ay jiraan qodobo sharci oo u baahan in loo ansixiyana la horgeeyo golayaasha xeer dejinta.
Waxa ka muuqatay wasiirka warqada akhriyaayay in hadaladiisu ay ahaayeen meel kaga kac iyo ha waayin waxaad dadka u sheegto oo ay jiraan laba xaaladood mid uun; in safarkii madaxweynaha ee Imaaraadka uu ku sabsanaa wax laynaga qarinaayo oo aan raaligelinayn Somaliland iyo shacabkeeda iyo in dano hoose oo ganacsi uu ahaa oo ay dhab tahay in shirkadan xoolaheena loo gaaryeelayo lagu soo xalaalaysanaayay oo ay dad gaar ahi la yeelan doonaan Imaaraadiyiinta.
Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa muuqata in la soo kala iibsaday digo iyo danbas, tii ALLEna maqan.