Prof Axmed Ismaaciil Samatar, Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Eng Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamuud Xaashi Cabdi, Prof Axmed Cabdi Abyan musharrax ku xigeenka UCID iyo Sucaad Carmiye ayaa dood xasaasi ah ka yeeshay wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Siyaasiyiintan iyo aqoon yahannadan haldoorka ah ayaa kulan hay’adda Inspire Group Hargeysa ku qabatay ku iftiimiyay mustaqbalka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii qorshe cad looga yeelan lahaa.
Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu aamminsan yahay in aanay haba yaraatee wax wada hadal ah yeelan Somaliland iyo Soomaaliya “Wada hadalladii hore ee la furay waxbaa la isku yar af gartay aan saxna ahayn laakiin, haddana Soomaaliya way ka baxday marka sidee baynu ku aammini ku dambe oo lala galo? Miyaynaan ilbaxayn ba? Waxa weeye aynu isku noqono oo shaydaanka iska naarno oo gabogabada ogolaano in aynu noqono laba dal oo isbarbar ah oo mid walba gaarkiisa u shaqaysanayo oo haddii aynu wax qabsanayno iyo haddii ay wax qabsanayaan aynaan is faro gelin laakiin, aynu Soomaaliya la fadhiisano oo aan wax is nidhaahno oo aan wax isku ogaano hore ayaynu u soo eednay kolkaa aynu ka ilbaxno aynu ka ilbaxno aynu ka ilbaxno,” Sidaas ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo tixraacaya mawqifka Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa yidhi “Jawaabta ugu horaysa ee aan su’aashan ka bixinaya waxa weeye Maxamed wuxuu yidhi MAYA wax dambe oo aynu ka wada hadalna ma jiro haddii aan fahmay jawaabtiisa. Anigu waxaan leeyahay lagama maarmaan weeye in la is hor fadhiisto oo lala hadlo, HAA baan leeyahay, waayo haddii aan mag doonayso dee waa in aad hor fadhiisatada dadka aad magta ka doonayso oo aad qancisaa, marka su’aasha jawaabteeda oo gaaban waa Haa waa in la wada hadlaa.”
Prof Samatar oo doodiisa sii xoojinaya ayaa ka hadlay sababta ay tahay in loo wada hadlo waxaanu yidhi “Anigu waxaan isleeyahay laba amuurood baa ugu waaweyn in la wada hadlo; Maxay tahay ta ugu horaysa? Dee Maraboob bay inagu noqdeen (Soomaaliya) marka waa in aad iska furfurto dee. Haddii aad iska furfuraysana waxyaabaha inaga dhexeeya ee fara badan oo wasiirradeenii hore qaarkood taataaban doonaan dee waa in waxyaabaha jawaabahoodii la helo, xisaabaadka inaga dhexeeya waa in lagu heshiiyo oo meel la isla dhigo.
Ta labaad ee wada hadalka Soomaaliya Muftaaxa ugu yahay Maraboobta sida aynu iskaga furfurayno waxa weeye iyagii baa inagu maran oo Adduunyadii inaga hor jooga ee in ay Adduunyadii ina garato. Anaga ka wakiil ah ayay leeyihiin goor walba, waa dadkayagii, waa walaalahayagii waa isla waddankii anaga ka wakiil ah ilaa imikana Adduunyadii waxay leedahay waa runtood oo safaaradihii Hargeysa ma fadhiyaan ee Xamar bay fadhiyaan, marka haddii ay inagu culus tahay in ay Adduunyadii inaga garato oo aynu noqono dad kuraastoodii ku leh Adduunyada meel walba waxa lagama maarmaan ah Maraboobta Soomaaliya in aynu iska furfurno taasina hadal bay u baahan tahay,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar.
Prof Samatar oo ka hadlaya qaabka Soomaaliya loola hadlayo waxa uu sheegay in ay tahay in Somaliland dejiso qorshe cilmiyaysan oo wada hadal kaas oo ku salaysan taariikh iyo dood aanay jabin Karin Soomaaliya “Anigu waxaan odhan lahaa sidan qisadeenu ha u eekaato haddii dib loo qorayo oo dib loo habaynayo: Koow bal in aynu marka hore macnayno Somaliland waxay ahaan jirtay intii aanu gumaysigu iman 1880s ka hor wixii aynu ahaan jiray oo iyada oo cilmiyaysan la dhigo oo aan sheeko xariiro ahayn oo xattaa haddii ay suuro gal tahay la soo bandhigo waxyaabo aynu Soomaalida kale kaga duwanayn,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar oo intaasi raaciyay in arrinta labaad laga dhigo wixii ay Somaliland isla soo mareen Ingiriiska 1884 ilaa 1960 oo ay xorriyadda ka qaadatay, mar saddexaadkana la darso waxyaabihii la isla soo maray 1960 ilaa 1991 intii dawladdii lagu midoobay ee Soomaliya jirtay iyo ugu dambeyn in la xuso marka afraad 1991 “ Marka ugu dambeysana yaa qaadaya farriinta Somaliland? Halkee la gaynaya? Waa in aan arrimaha ka hadalna. Aniga waxay ila tahay in aynu la soo baxno dadka ugu xariifsan Somaliland rag iyo dumarba waa haddii ay inaga dhab tahay doodda Soomaaliya ee Adduunyaduna dhegaysanayso,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar oo intaasi raaciyay haddii qorshahaasi socon waayo ay Somaliland yeelato qorshaheeda labaad.
Sucaad Carmiye oo qayb ka ahayd doodda ayaa taageertay in Somaliland wada hadal la gasho Soomaaliya “Marka laga hadlayo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Soomaaliya in lala hadlo waan aamminsanahay laakiin, wax kasta oo aynu ku helayno Citiraaf haddii aynu ku xidhno Soomaaliya meelna ma gaadhayno ayaan aamminsanahay,” Sidaas ayay tidhi Sucaad oo sidoo kale aamminsan in qorshe cad lala hor tago Soomaaliya. Waxa ay si weyn u dhalliilay kulamadii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa bilaa qorshe aan waxba ka soo bixin.
Xirsi Cali Xaaji Xasan hoggaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa isna xoojiyay doodda ah in la sii wado wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “In la wada hadlaa waxaan u arka in ay muhiim tahay, in ay Somaliland muhiim u tahay oo Soomaaliya muhiim u tahay, gobolkan aynu joogno guud ahaanba ay muhiim u tahay. Muhiimadda ay leedahay waa shayga suurta gelinaya in ay Dunidu inagu soo noqnoqoto waana dariiqa Dunida ilbaxa ahi wax ku kala hesho wada hadalladu, waa shayga muujinaya in Dunidu inagu soo noqnoqoto iyada oo aan dan kale inaga lahayn oo leh wada hadla horteedna ay ina waydiin jirtay maxaa ula hadli waydeen intii aynaan wada hadallada furin,” Sidaas ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi oo intaasi raaciyay in ay tahay in Somaliland garteeda sheegato maaddaama ay gar leedahay.
Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkii hore ee madaxtooyada ayaa Soomaaliya ku eedeeyay in ay burburisay dhammaan waxyaabihii lagu heshiiyay 7 kulan oo la yeeshay taas oo meesha ka saartay niyad wanaaggii lagu bilaabay wada hadallada haddana aanay Soomaaliya muhiimad u arag in la wada hadlo “Anigu ma qabo in la joojiyo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ma qabo in wada hadallada lagu galo qaabkii hore ee loo waday, waxaan qaba in mawqifka madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu ka qaatay wada hadalladu sax yahay kaas oo ah Soomaaliya in aynu ku wada hadalno fagaare caalami ah oo la inagu dhexdhexaadiyo, muumin laba god lagama wada qaniino, wada hadal labadeenu kali isku nahay oo kuwii ay shalayba buriyeen ee waxba ka soo bixi waayeen oo kale ah maantana macno samayn mayso,” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan musharax ku xigeenka xisbiga UCID oo ugu dambeyn hadal ka jeediyay madasha ayaa taageeray doodda ah in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlada sii wadaan lagana dhigo kuwa dhab ah oo qorsheyaal cadcad leh. Waxa kale oo uu taageeray qaabka Prof Samatar sheegay in ay tahay in loo dejiyo jidka ka horeeya wada hadalka iyo doodda lala tagayo..
Prof Samater Oo Ka Hadlay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Biixi Iyo Heshiis Uu La Galay Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa(Waaberi) Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa ka hadlay mudo kordhan la qorshaynayo in loo sameeyo Madaxweyne Biixi marka uu dhammaysto mudo xileedkiisa, waxaanu sheegay in la qorshanayo in laba sano oo dheeraad ah loo kordhiyo Madaxweyne Biixi, taasi oo uu sheegay inay wadaan dad uu ku tilmaamay kuwa habsaamay oo saaqiday oo aan Dowlad-nimad aqoon.
Prof Samater ayaa waxa kale oo uu ka hadlay heshiis midho dhalay oo ay wadagalaan Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, waxaanu sidaasi ka sheegay khudbado kala duwan oo uu ka jeediyey Hargeysa iyo Gabiley.
Isagoo ugu horeyn ka hadlay muddo kordhinta Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa loo sii qorshaynayo “Ama Dowlada ha noqoto ama kuwa fadhiya ha noqoto ama ku codka bixiyey ha noqoto ,Umada Habsaantay oon bislaan ayuun-baa ku cel-celisa in la sii ballaadhiyo xukunka oo la yidhaah-do laba sanadood ha loogu darro Xukunka, iminka waxaan maqlayey qaar igu lahaa dee Muuse kolay laba sanadood waa loogu darri doonaaye, dad habsaamay oo saaqiday oo aan Dowlad dhis aqoon ayuun-baa waxaas sameeya .”Ayuu yidhi Prof Samater
Dhanka kalene Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa ka hadlay heshiis uu la galay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, kaasi oo ay wada geleen ka hor inta aanu Prof Samater Somaliland iman “Markaan wadanka Imanayey Madaxweynihii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud iyo Dowladiisii ay yidhaah-deen aynu is aragno oo aynu sheekaysano uu Maraykan wefti usoo direen oo aanu ku sheekaysanay, dabadeedna ay yidhaah-deen waa in aad wadankii timaadaa oo dadka aad la sheekaysataa lagayaaba inay wax badeladaan, waxaan ku idhi waan ogolahay lakiin saddex shuruudood waa in aan iminka ku heshiinaa .”
1.) Meesha aan doono wadanka in aan tegi doono
2) Cida aan doono in aan la kulmi doono oo aan la sheegaysan doono ama ha- noqdaan kun qof ama ha- noqoto qof oo aan la i odhan Karin , hablaayona lama hadli kartid hebelna lama hadli kartid .3) Meesha aan doono in aan ka hadli karro oo mawduuca aan doono aan ka hadli karro
Waxaanu intaasi ku daray Prof Samater “ Lakiin xorriyadaasi aanan ogolaanay in la taabto, intaa haddii aynu ku heshiino waxa kale wey dhantahay, intaa haddii aynaan ku heshiina waad mahadsantihiine casuumadiinu ha idiin laabnaato .”
Ugu Dambeyn Prof Samater ayaa sheegay in heshiiskaasi ay is afgarad ka gaadheen Madaxweyne Siilaanyo iyo isagu wakhtigaas ,isla markaana uu sidaasi ku yimi dalkiisa Somaliland “Madaxweynaha iyo intii la socotey waraaqihii ayaanu is weydaarsanay waanu isla garanay , waxay yidhaah-deen waad wanaagsantahay .”Ayuu yidhi.
Xigasho:- Waaberi