Fahanka sharciga Xaaladaha deg-dega ah (WQ: Mustafe Dahir)

Waxaan qormadan si kooban ugu eegi doona xeerka deg dega ah ( Martial law) ee baddi ba la arko ama se la soo rogo marka wadamadu galaan xaalad deg-deg ah, anigoo isku dayaya bal inaan qeexno macnihiisa, marka iyo xilliga la isticmaalo, jawiga filasho ee ku kordhiyo bulsho meel dagan, iyo waliba inaynu raacino taarikh kooban oo la arkay intii la soo isticmaalayey xeerkan.

Xeerka deg deg ah ee la soo rogo xaaladaha deg deg ah afka qalaadna loo yaqaan (Martial law) waa mid la arko marka jawiga wadan gebi ahaanba is baddalo ama ay muuqato duruufo is beddel cabsi leh keenaya oo dalka wajahayo waqti xaadirkaa, xaalada deg-dega ah ee cabsida leh waa mid ka timid baddiba nabad galyo darro wayn oo wadanka guddihiisa ka jirta wixii doonaba ha keene, taaso halis ku ah jiritaanka qaranka, ka sakow nabadgalyo darrada jirta, waxa kale oo xeer deg deg ah wadan soo rogi kara marka ay jirto musiibo dhaqaale oo ku habsata hanaanka dhaqaale ee wadanka ka jira, waxa sidoo la arkaa iyadoo isla xeerkan la soo saarayo marka ay dhacdo musiibo dabeeci ah sida dufaanada, roobabka waaweyn oo khataro sababa ama’ba abaarro, kuwaaso oo dhamaantood keeni kara khataro galaafta nolosha bani’aadamka ku nool wadan ama gobol ba.

Waa laga yaaba inaan wadamadu oo dhan aanay isku raacsanayn duruufaha keeni kara ama loo cuskan karo si xaalad deg deg ah looso rogo, isla markaana uu u shaqeeyo xeerka deg ah, Tusaale ahaan dastuurka somaliland wuxu tilmaamaya in xaalad deg dega ah uu madexweynuhu ku dhawaaqi karo, isla markaana xeerar deg deg ah ka soo saari karo haddiiba ay soo if baxdo xaalado amni darro oo halis ku xasiloonida guud ama kalsoonida dhaqaale, midba’ waxaase shuruud dastuurku ku xidhayaa in golayaasha baarlamaanku ansixiyaan xeerarka deg dega ah.

Sudan baa ah wadankii ugu danbeeyey ee lagu soo rogo xaalada deg deg ah, taaso xeerkani waqti xaadirkan la rabo inuu shaqeeyo, horre waxa sidan oo kale sanadkii dhawaa gashay xaalad deg deg ah oo uu shaqeeyey xeerka deg deg ahina itoobiya oo in muddo ah ku jirtey.

Haddaba maxaa lagu qeexa xeerkan ama se side loo fahmaa inuu yahay?
Xeerka deg-deg ah (Martial law) waa sharci si ku meel gaadh ah loogu soo rogo meel gaar ah ama wadanka oo dhan, ayna soo rogto dawladu ama milatari awoodii wadanka gacanta ku dhigay oo ka saarey xukunka gacantii rayidka ahayd, xeerkaasi oo cududa ama se xooga qaranka oo dhan ku soo ururinaya gacanta xukuumada gaar ahaan ciidamada kuwaaso fulinaya rabitaanka dawlada, kuna fulinaya bulshada .

Ka hor inta aan wadan xaalad deg deg ah la galin isla markaana aan la soo rogin xeerka deg- deg ah, awooda qaranka kuma urursanayn kaliya xukuumada, waxay ahayeen kuwo kala qaybsan, hay’adaha qaranku shaqooyin kala duwan ayay lahayeen oo aan midba mida kale shaqadeeda qabaneyn, dawladuna rabitaanka bulshada ayey fulinaysay guud ahaannba. Ciidamadu milatrigu waxay ahayd shaqadoodu kaliya ilaalinta difaaca wadanka, hadda se iyagaa ayaa ah ilaalinta difaaca iyo ilaalinta nabad-galyada gudaha, iyagaa wax xidhaya, Waxaanay amarka toos uga qaadanayaan masuulka ugu sareeya ee jooga kolba meesha, waxaanay qabanayaan shaqo aanay hore u qaban jirin, sharci iyo shuqul toona ay ku lahayn horteed.

Tusaale ahaan xilliyadii maraykanka uu ka socdey dagaaladii sokeeye isla markaana arrinka addoonsigu aad u socdey, madexweynihii waqtigaa Lincoln ayaa soo rogey September 15, 1863 xaalad deg deg ah, ka dib markii golaha kongaraysku ogoladeen, isagoo haddaba madexweynuhu ku doodaya inuu cidhibtirayo is addoonsigii wadanka ka jirey, inkastoo tani ay keentay dagaalkii sokeye ee wadanka, haddana waxa hubaal ahayd inaan madexweyne Lincoln aanu ka daacad ahayn dedaalka cidhibtirka is adoonsiga maraykanka ka jirey, waxa la sheegay in ujeedadiisu ay ahayd in uu awooda wadanka oo dhan ku soo ururiyo xukuumada federaalka ah, si gacanta ugu dhigo una fidiyo saameyntiisa isla markaana u maamula muwaadiniinta wadanka oo dhan.

Haddaba xilligii lagu guddo jirey dagaalka sokeeye ee maraykan, sidoo kale wadanku xaalada deg-dega ha ku jirey, waxa madexweyne Lincoln si cad u jebin jirey dastuurka wadanka ee hore ugu dhaartey isagoo sameyn jirey ficilo ay ka mid ahayeen.

1; Wuxu xayirey go’aanadii maxkamadaha ee diidayey xadhiga sharci darrada. 2; Wuxu xidhay wargeysayadii wadanka ka soo bixi jirey oo dhan oo ay ku jiraan kuwii isaga ka soo horjeeday. 3; Wuxu xidhay muwaadiniinta wadanka, mulkiilayaashii wargeysada, masuuliyiintii la soo doortey bilaa sabab iyo weliba bilaa maxkamad. 4; Wuxu xidhay maxkamdihii wadanka si xoog ah.
Baddi wadamo badan kale oo caalamka oo waaweyn waa sameeyeen xaalado deg-deg ah, oo ay ka mid tahay kanada oo saddex mar sameysay tan iyo dagaal weynihii kowaad ee ciidanka.

Soomaalidu xaalada deg-dega ah ee xeerkan aad u shaqeseyo waxa la dareemay amase la arkay intii taliskii kacaanka ah maamulayey somaliya, gaar ahaan waxa aad loo xasuustaa dhulka Somalilaan oo uu ka hirgalay horrantii iyo badhtamihii siddeetamaadkii, taasoo dawladii waqtigaa jirtay ku soo rogtey, gaar ahaan gobolkii waqooyi-galbeed oo xasaasiyad siyaadeed waaga ka jirtay, taaso sababtey amni darro iyo beegsasho la beegsanayey masuuliyiintii dawlada ee ka hawl galayey waqooyiga Somaliya, (Maanta jamhuuriyada somaliland) xilligaasa shacabkii daganaa hargeysa waxa la xakameeyay socodkoodii iyo dhaqdhaqaaqoodi kalaba iyagoo guryaha gelli jirey galabta dheer, habeenkiina ay ahayd bandow aan cidna socon Karin.
Wadamada geeska afrika waxa xaalado deg-deg ah soo maray hadana qaarkood ba ku jiraan itoobiya iyo suudaan, taasoo baddiba la xakameeyey xuquuqaadka bulshada ee uu siiyey dastuurka ay ku dhaqmi jireen, walow qaarkoodna laba laalay dastuurka idil ahaantiisba’a.

Jawiga bulsho sidee buu noqdaa ama se filataa haddiiba xaalad deg-deg ah la soo rogo?
Waxa is baddalaya inaan ogaano ayaa muhiima, sabatoo ah, xaalad weyn ayaa soo korodhay, taaso ka duwan middii hore ee aan hore u soo aragnay, waqtina ay suurtoobayso inay sii jirto marxaladan.
Haddaba jawiga bulsho si weyn ayuu isu badalayaa, waxaana gebi ahaanba meesha ka baxaya dhamaan ama baddiba xuquuqadkii asaasiga ah ee bulsho u damaanad qaadey dastuurka wadankoodu, axdiyada xuquuqda aadamaha adduunka iyo si la mid ah shuruucda kale ee wadankooduba,
Sharciga deg-dega ah ee uu keenay xaalada deg-degi ah, wuxu bulshada ka qaadayaa xuquuqaadka ay ka mid yihiin uguna muhiimsan yihiin.
1. Waxaad gebi ahaanba la xakamayn donaa xorriyatul qawl ama aragti dhiibishada iyo dhamaan hababka kale ee bulsho dareenkoodu u gudbiyaan haddiiba ay tahay bannaanbax,iyo is abaabulid nabdoon oo kale.
2. Waxa si fudud xorriyada lagaaga qaadi kara iyadoon aan maxkamad ogolaan xadhigaaga, waxaanad xabsiga lagugu hayn karaa in ka badan inta sharcigu ogol yahay.
3. Waxa gebi ahaanba la baadhi karaa, la geli karaa gurigaaga iyadoon maxkamadi ogolaan, iyadoo lala wareegi karo hanti kasta oo taala, oo ku jiro dhismaha.
4. Waxa la xakamayn donaa socdaalkaaga, Tusaale ahaan wadanka dhexdiisa uma kala socdaali kartid ama se wadanka dibbadiisa ba.
5. Xasaanada, ilaalinta iyo bad qabkii kale ee sharcigu siiyey mid masuul ah iyo mid aan ahaynba, iyo qareen ku difaaca iyadna waa mid meesha ka baxdey, xiilliga xaalada deg-dega ahi jirto.
6. In albaabada leyskugu dhufto dhamaan warbaahinta kala duwan.

Maxaa ah lama taabtaan xilliga xaalada deg-deg ahi jirto?
Waxa lagama maarmaan loo arkay in lagu soo reebo xuquuq kooban xilliga lagu gudo jiro xaalada de-deg ah ee sharcigan deg-deg ahina shaqaynayo, waxaa kowaad la siiyey loona arkay lama taabtaan inay tahay xaqa ah Nolosha bani aadamka, taasoo macnaheedu yahay inaan qofna laga qaadin inuu xaqa nolosha oo aan geeri loogu bedeelin, inaan la jidh-dilin Karin, iyadna waa xaq aan qofka laga qaadi Karin inta lagu gudo jirro marxalan, si la mid ah ma bannaana in qofka la addoonsado inta lagu gudo-jirro marxaladan, iyo sidoo kale xaqa ah inuu helo maxkamad cadaalad ah oona ah xaq aan laga tanaasuli karin.

Tusaale ahaan dastuurka itoobiya ee dhaqan galay 1995, wuxu ka soo reebaya oo si cad na u tilmaamaya in inta lagu gudo jiro xaaladaha deg-deg ah, in aanay baanayn in qof na xaqa nolosha laga qaado, maxkamad cadaalada uu waayo.
Xuquuqaadka laga soo reebayo ama se lama taabtaanka ahi, waa laga yaaba in dastuur ba mid ka kale wax kaga duwanado, balse waxa hubaal ahi inay iskaga mid ka noqdaan weliba dastuurada wadamada dimuqraadiyada isku xukuma, xaqa ah nolosha bani’aadamka oo ah haddiyad aad u qaali ahi oo eebbe kaligii baxsho.

………..Dhamaam……..