Madaxweynaha Jsl Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Wax-Garad Kasoo Jeeda Bariga Sanaag Iyo Gobolka Badhan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiin, isimmo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ku joogay caasimadda Hargeysa.

Hadhimadan uu madaxweynuhu ku maamuusay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Badhan iyo Sanaag Bari oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  xubno kamid ah shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada,  xildhibaanno, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo waxgaradka kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan.

Xubno kamid ah waxgaradka iyo salaadiinta kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahadceliyey sida fiican ee uu u qaabilay, waxana ay shaaca ka qaadeen inay diyaar u yihiin sidii ay xukuumadda uga shaqayn lahaayeen hirgelinta dhammaanba wixii adeeg dawladeed ah ee deegaannadaasi u baahan yihiin.

Suldaan Maxamed Cabdilaahi Cartan oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda bariga gobolka Sanaag iyo Badhan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay madax-dhaqameed ahaan qaybtooda uga qaadan lahaayeen hirgelinta mashaariicda xukuumaddu deegaannadaas ugu talo-gashay iyo is-fahamsiinta bulshada halkaas ku dhaqan iyo xukuumadda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxannu madaxweynaha u caddaynaynay inaannu diyaar u nahay inaannu dawladda kala shaqaynno wixii horumarin ah ee deegaankaas ku saabsani sidii ay u suuroobi lahayd ee ay dawladda iyo shacabkaasi u wada-shaqayn lahaayeen, loona dardargelin lahaa is-fahanka dawladda iyo shacabka, waxana aannu rajaynaynaa inay arrimahaasi dhammaan hirgeli doonaan, dadka dhulkaas deggenina ay gobollada kale lasoo sinmi doonaan, gacanta dawladduna gaadhi doonto, baahiyahooda iyo meelaha ugu daranna warbixintooda waannu dhiibnay, dawladduna way garowsatay, waxana ay ballan qaadday inay si rasmi ah wax uga qaban doonto.”

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna soo dhaweeyey waxgaradka iyo madax-dhaqameedka kasoo jeeda Bariga Sanaag iyo Badhan ee gobollada galbeedka dalka soo gaadhay, waxana uu usoo jeediyey inay qayb ka noqdaan horumarka iyo dal-dhiska ka socda guud ahaanba dalka Somaliland.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha guurtida xildhibaan Siciid Jaamac Cali, ayaa hoosta ka xarriiqay in cuqaasha iyo waxgaradka bariga Sanaag iyo gobolka Badhan ay yimaaddeen dalkoodii, sida habsamida leh ee uu madaxweynuhu usoo dhaweeyeyna ay marag ka tahay jacaylka ka dhexeeya guud ahaanba bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya magaca golaha guurtida, magaca guddoomiyaha iyo xildhibaannadaba waxa aan halkan kusoo dhaweynayaa weftiga ka yimi gobollada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan, waxad timaaddeen dhulkiinniiye maydaan imannin dhul ajanabi ah, sida la idiin soo dhaweeyey iyo sida la idiin ixtiraamay waa Somaliland-nimada, dalku waa dalkiinii, xukuumadduna waa xukuumaddiinii, madaxweynuhuna waa madaxweynihiinnii, waanan uga mahad-celinayaa madaxweynaha sida fiican ee sharafta leh ee uu idiin qaabilay ee uu idiin soo dhaweeyey.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo taabanaya ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey salaadiinta, boqorrada iyo waxgaradka Sanaag Bari iyo Badhan kasoo jeeda ee Caasimadda soo gaadhay, waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay dhegaysiga