Madaxwaynaha jsl: ilaaliyaha iyo dhawraha distoorka (WQ: Mustafe Kaydsane)

Madaxweynaha JSL waxa waajib distoori ah ku ah in uu ilaaliyo qodob kasta iyo faqrad kasta oo distoorka ku xusan, waa in uu ku korjoogeeyaa masuuliiyiinta Xukuumadda, Garsoorka iyo Sharci-fulinta dhaqangalka dhamaan qodobadiisa iyo faqradihiisa.  Waayo xilkiisa kowaad waa “Distoor ilaaliye”, waa waxa lagu dhaariyo marka uu xilka la wareegayo.

Marka ad xaaladaha garsoorka iyo sharci-fulinta ee dalka u kuur gasho waxa shaki wayni kaa galayaa in lala laalay distoorkii iyo sharciyadii dalka u gejisnaa iyo in kale.

Tusaale ahaan hadda waxa dumin iyo baabi’in ba’an lagu hayaa “Xoriyada iyo xuquuqda dadka”. Muwaadin kasta iyo qofkasta oo ku nool JSL waa in ay dhawrsanaato dhamaan xuquuqaha ku sheegan Diatoorka sida ku cad qodobada soo socda; 22 aad, 23 aad, 24 aad, 25 aad, 27 aad, 28 aad, 29 aad, 30 aad iyo 32 aad.

Madaxweynaha waajibkaasi ma aha mid laga baryayo/tuugayo. Sidaas darteed waa in dib u eegis ku sameeyey heer ka xuquuq-ilineed ee xukuumadiisa. Waxa maalin kasta dhaca xadhigyo, iyo tacadiyo iyo xuquuq-xayuubin lagula kaco muwaadiniinta. Waxa lagu hayaa xoriyada hadalka iyo qoraalka. Waxa si an sharci loo marin loo burburiyaa ay looga boobaa hanti ay leeyihiin dad shabac ahi. Waxa dadka lala tiigsadaa xeer ciqaabeedkii u dejisanaa xukuumadii Kacaanka iyo kuwii ka hireeyeey, oo baal marsan Distoorka JSL.

Boowe/baayo bal Adan ku dar wixii meel ka dhacyo distoori ah kuu muuqda?

 

#distoorku_ha_sareeyo