Shirka Ansixinta Siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka oo hargaysa lagu qabtay

Shir lagu ansixinayay Siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa. Shirkaas oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu lafaguray qabyo-qoraalka siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka oo ay si wada jir ah dhawaanahanba uga wada shaqaynayeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo uu taageerayo Baanka Adduunku.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan oo ka socda wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda ayaa lagaga dooday qabyo-qoraalkaas iyo sidii guud ahaan loo hirgelin lahaa siyaasadda shaqo abuurka qaranka isla markaana uu u noqon lahaa dhamaan laga wada shaqeeyo hirgelintiisa.

Shirkan waxa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Farxaan Aadan Haybe iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Mudane Maxamed Aadan (Ilkacase) masuuliyiintaas oo isla markaana hagayay intii shirku socday.

Sidoo kale waxa qabsooomida shirkan goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Iyo hay’adaha Dawladda, Ururrada aan dawliga ahyn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka oo qayb ka ahaa samaynta Siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka.