In laga guursadaa quudhsiga iyo takoorka waxba kama tarto, waa dariiqo la tijaabiyay, laakiin xalal kale ayaa loo helay (WQ: Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan)

 

Dhacdadii maalintii dhawayd ka dhacday Somaliland iyo kuwii awalba dhici jiray ee ahaa TAKOORKA iyo FAQUUQA loo gaystay qabiilooyinka la haybsooco, waxay gilgishay quluubta iyo dareenada dad badan oo arinkan awalba si gaara u dareemi jiray. Waxay daaha ka rogtay in ay jiraan dulmiyo badan oo aynu dugsanaynaa. Arimaha la xidhiidha meher xadka shaqis ahaan ma soo dhawaynayo, laakiin meherxadka wiilka gabooye/midgaan, muxuu kaga duwan yahay meher xadyadii awalba ka dhici jiray wadankeena ee hadana sida fududu uun looga xaali jiray, ee waliba la iskugu ducayn jiray. Sababtu wax kale maaha, wiilka ayaa ka soo jeeda reer aan la rabin in lala xiddido.

Cunsuriyada, Takoorka ama faquuqa qofka haybtiisa lagu takooraa, maaha wax inagu cusub maanta, mana aha wax wadankeenoo kaliya ka jira. Waa arin in badan aynu la soo noolayn, aduunyada kalena la soo noolaayeen, laakiin inagu waynu ku FASHILANAY inaynu hore mar ka samayno oo aynu xal waara u helno, wali waxaa inagu jira afkaaro iyo dhaqamo duug ah oo aynu awaw yaasheen ka dhaxalnay oo ku dhisan faquuq iyo jinsi nacayb aan loo aabo yeelayn oo lagula kacay dadkaa walaalaheen ee dalka iyo dawladaba aynu wada leenahay.

Akhriste hadii aad isleedahay dadkan waxaynu ku haynaa faquuq xaga GUURKA ah, waad qaldanahay, arintuna intaas way ka wayn tahay, dadkan waxaynu ku haynaa Faquuq xaga DHAQAALAHA ah, mid xaga AQOONTA iyo WAXBARASHADA ah, mid xaga HOGAAMINTA iyo SIYAASADA ah, mid xaga FAKARKA iyo HOREMARKA ah, mid xaga SAXAAFADA iyo War isgaadhsiinta ah, iyo waliba mid xaga SINAANTA IYO CADAALADA AH.

Dhamaan waxaas oo faquuq ahi waa DULMI laga galayo bini aadam kula mid ah oo aad xaqiisii iyo wixii uu u qalmay aad duudsiday. Dulmigan dadka gaystaa intooda badan waxay u galaan ama uga qayb qaataan si ayna ugu talo galin ama si ay u arkaan inay caadi tahay. Maalin kasta markaad saaxiibkaa maagayso waxaad ku tiraahdo, waa hebelkii MIDGAANKA ahaa ama waa heblaayadii MIDGAANTA ahayd ee sidan iyo sidan igu samaysay, waxaad si aanad ogayn u gashay DULMI iyo faquuq aanad ka fiirsan. Waxaad bixisay CASHAR aad adigu deegaankaaga iyo inta kugu hareeraysan ka baratay xili aad yarayd, waxaanad u sii gudbisay ilmahaaga iyo jiilka yar yar ee markaas ku ag jooga. Caruurteena kuwooda yara dhiiran ama heerka fekerkoodu sareyo ee ku dhiirada inay ku waydiiyaan sababta aad MIDGAAN dadka ugu tir marka aad xanaaqdo, waxaad ugu jawaabtaa,  beentii aad ka baratay deegaankaaga iyo inta kugu hareeraysan ee ahayd BERI HORE AYAY BAKHTI CUNEEN!.

Dadka intooda aan fahmin qadiyadan asalkeeda iyo xalalkeeda cilmiga ku dhisan, waxay marka ay arkaan qof ama dad ka hadlaya qadiyada dadka la hayb sooco, waxay hadalka ku soo koobaan: Dee hadii arinku kaa run yahay ka guurso, taas oo inta badan caqabad ku noqoto in laga hadlo arimaha dadkan la faquuqay ee la dulmiyay, hakisana barnaamijyada arimaha quudhsiga iyo takoorka lagaga hadlayo, Tusaale ahaan barnaamijkii BBC da ee Quudhsigu Qiil ma leeyahay wuxuu istaagay markii dadkii hawsha waday lagu xujeeyay inay iyagu ka guursadaan horta dadka la haybsooco oo ay bilaaban. Akhriste dadkani uma ciil qabaan inaad guursataan hablahooda ama inamadoodu guursadaan hablihiina, hablo qurxoon iyo wiilal u qalma labadaba way haystaan. Waxaa jira wax kale oo aanad rabin inaad ka qayb galiso ama aad ka hor taagan tahay inay ka qayb noqdan, Kuwaasaana noloshooda saamaynta taban ku yeeshay, gargaar iyo gacan siina ay uga baahan yihiin.

Xalalka la tijaabiyay ee ilaa maanta dunida ka shaqeeya si loo dabar jaro quudhsiga iyo takoorka waxaa ka mid ah in si gaara loo kobciyo aqoonta iyo dhaqaalaha dadka la hayb sooco. Waxaa la aamin san yahay xaqiiqo jirtana ah in hadii aqoontooda kor loo qaado ay fursadaha shaqada ula sinaan karaan dadka kale, sidaasina dhaqalahooda lagu kobcin karo. Dadku marka ay dhaqaale haystaan aqoon iyo cilmina leeyihiin, waa awood/power, markaa cid kastaa rabta inay guursadaan ama u guuriya hablahooda si ay ula wadaagaan RESOURSE/dhaqaalahaas qofkuna wuxuu helaa kalsooni iyo awood waxa uu rabo uu ku samayn karo. Alaah ha u naxariistee waxaan ka maqlay Prof. Omer Enow  inay ku adkayd inuu cilaaqaad la yeesho ama guursado gabdhaha kale ee somalida markii uu joogay Muqdisho ee uu dhaqaalihiisu yaraa, hablo badana way diideen ama way iskala waynaayeen xiligaas, laakiin markii uu yimid Woqooyiga Amerika eer uu Bare sare ka noqday jaamacado kala duwan ee dhaqaalihiisii iyo aqoontiisiiba kordheen, waxaa uu dalabyo kala duwan ka helay hablihii barigii hore quudhsan jiray ee inuu guursado iskala waynaa, hada ha ilaabin wali Prof. Omar waa isagii uun ismuu badalin, waxaa kusoo kordhay oo kaliya aqoon iyo dhaqaale, taas ayaa ka saartay faquuqii guurka. Prof. Omar waxa uu sheegay inuu isna markiisii diiday inuu aqbalo dalabyadaa iska soo daba dhacaya ee ka imanaya hablaha beelaha kale ee Somalida, sababtoo ah waxaa uu u nisbeeyay in ay dhaqaalihiisa rabaan ee aanay isaga rabin, taasina waxaa uu yidhi waxaa dhaqaalahayga helaysa tii markii aanan dhaqaalha lahayn i rabtay.

Akhriste, waxaan rabaa oo duluucda qoraalkaygu yahay inaad ila fahamto in ka guursiga laga guursanayo beelaha la hayb soocaa aanu ahayn xalka kaliya ee jira ama xalka ugu haboon. Waxaa jira xalal kale oo kaga haboon.

Waxaan u baahanahay inaan dhisno aqoontooda iyo waxbarashadooda, waxaan u baahanahay inaan u fududayno helista shaqooyinka dhaqaalaha fiican lagu qaato, waxaan u baahanahay inaan u fududayno inay ka qayb qaataan goleyaasha sharci dajinta iyo kuwa go’aan qaadashadaba, laga bilaabo xisbi ilaa dawlad.

Waxaa marag ma doon ah in hadii dhaqaalahoodu la mid noqdo dhaqaalaha dadka kale ee wadanka ku nool, aqoontooduna la mid noqoto ta dadka kale ee wadanka ku nool, waxay fursado ka heli doonaan hogaaminta wadanka, waxay yeelan doonaan habnololeed la mid ah ka dadka kale ee ay la nool yihiin. Waxay yeelan doonaan han la mid ah hanka beelaha kale ee la daga, waxay hiigsan doonaan halka dadka kale hiigsadaan, waxay ka gudbi doonaan inay ku fakaraan kaliya mihnadaha gaarka loogu calaamadiyay.

Hadiiba intaas la suurto galiyo, guurku caqabad noqon maayo, cidii ka heshaa iyagaa ka guursan, la diidina maayo, waayo wax uu kaga duwan yahay dadka kale ma jirto, wuu la siman yahay, dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba, hanka iyo hiigsigana wuu kala simanyahay, hab nololeedkana waa nin iyo hal abuurkii.

Hadiiba la isla qaato in dhaqaalaha, aqoonta iyo ka qayb galinta hogaaminta bulshada inay xal u noqon karto takoorkan iyo dulmigan lagu hayo reerahan, Su’aashu markaa waxay noqon doontaa, sidee ayaynu hawshan u fulina? jawaabtuna waxay ku soo ururi doontaa, in la baadho sababaha ka hortaagan qodobada aynu kor kusoo sheegnay iyo sidii xalal waara loogu heli lahaa.

Aniga aragtidayda ku aadan sidii loo kobcin lahaa arimaha dhaqaalaha la xidhiidha ee dadkeena la haybsooco, waxay ila tahay in dhamaan hay’adaha wadanka, Shirkadaha iyo xafiisyadaba 10% ama wax ka badan ay noqdaan shaqaalahoodu dadka la hayb sooco. Waa in loo fududeeyo inay SHARES ku darsan karaan, shariikadaha la wada leeyahay sida TELESOM iyo kuwa kalee la mid ah.

Hadii waxbarashada ilaa heer jaamacadeed bilaash looga dhigo dhamaan ardayda ka soo jeeda beelaha la hayb sooco, waxaa la heli lahaa arday badan oo ugu yaraan waxbarasho dugsi sare ama jaamacadeed leh oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco. Taasina waxay fududayn lahayd in uu qofku si xor ah uga qayb qaato shaqooyinka sida xalaasha loo maamulo.

Ugu danbayn, akhriste aniga iyo adiga ayaa xalin karna mushkiladan, hadii aynu goor kasta iyo goob kastaba xilkiisa qaadano..

Waan ka xumahay hadii aan cid gaara khalad ugu gaystay qoraalkaygan, ula jeedkiisa maaha.

Mahadsanid.

Ibrahim Suldan Abdirahman.

Sweden