Inaan Dakeda Berbera La Dhisayn Waxaa Kuu Caddaynaya Hadalka Isdhaafka Ah Ee Mareeyaha Dekedaha Somaliland (WQ: Cabdiraxiim cabdilaahi)

Tariikhdu markay ahyd 23/sep/2017 waxaa xilka mareeyaha dekadaha Somaliland si rasmi ah ula wareegay siciid xasan cabdilahi kaas oo xilkaa usoo magaacabay madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxmuud Siraanyo iyadoo xilkaasi uu uu kala wareegay uu kala wareegay Axmed Yuusuf Dirir.

Hadba Waxaa maalamahan soo badanayay dareenka laga qabo inuu fashilmay mashuuruucii lagu balaadhinyay dekeda berbera.
Warbaahinta kasoo baxda dalka ayaa daba gal ay ku samaysay waxay ogaatay inaan dekeda berbera habayaartee aan waxaba lagu kordhin intii ay joogtay shirkada Dpworld, iyadoo qalabkii iyo agabkii hor uyaalay ee lagu wareejiyay shirkada Dpworld uu noqday qalab burburay ama baabay waa sida ay warbaahintu sheegeene.

Hadba dulucda sheekada aynu usoo daadagnee waxaa dhawr goor warbaahinta hadlo isdhaaf ah ka bixiyay mareeyaha dekadaha somaliland siciid xasan cabdilahi oo waqtiyo ku kal cabiray xiliga la bilaabayo dekeda berbera Hadalada isdhaafka ah ee masuulkani bixinayo waxay kuu tilmaamayasa in mashruucaasi gabi ahaanba fashilmay
tusaale ahaan.

mar uu mareeyuhu waraysi siinayay taleefeshinka dawlda waxa uu sheegay in dekeda berbera la bilaabayo September 2018 hadna is xog waraysi kale oo uu siiyay Gudida ilaalinta dhaqaalaha ee golaha guurtida waxa uu sheegay inuu mashruucaasi bilaabmay octobar 2018 loona tirinayo 24 bilood, iyadoo labada balmood ay noqadeen qaar benoobay ayaa waraysi uu siiyay wargayska ku hadla afka dawlda ee Dawan waxa uu sheegay mareeyuhu inuu mashruuca baldhaanita dekeda berbera uu si rasmi ah u bilaabmayo 15jan 2019 muddo markay bulshadu uadhagtaagaysay inuu bilaabmo mashruucaasi oo aan ila wali haatana anuu bilaabmin ayaa waxa uu waraysigiisii ug dambeeyay siiyay telefeshanka bulsho oo uu shegay in mashruucaasi bilaabamay Octobar 2018 oo uu soconayo muddo 22bilood hadladan is dhaafka ah ee uu mareeyuhu bixinayo iyo wax qab laanta uu shirkada dp world waxay sumcada ka dilaysaa mareeyahay dakadaha Somaliland mudane siciid xasan cabdilahi.

waa qalinkii Cabdiraxiim cabdilaahi