Indhoolihii usha u hayey indhoolaha kale (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Xalay mar aan Tvga daawanayay, waxaa iiga soo baxay Muuse Biixi oo LA dhacsan Rag iyo Dumar leh, hadaanu Beesha Reer Xareed nahay codkayaga isku halee, iyo Cabdiraxmaan Cirro oo ISNA LA dhacsan rag leh haddaanu nahay Beesha Baha Dhamal codkayaga isku halee, labadan musharax midkoodna muu awoodin inuu saxo beelihii afka qabiil kula hadlayay oo uu yidhaahdo waynu ka guuray habkii qabaliga oo maanta hanaanka xisbiyada bsdan ayaynu sidanaaye, ee hab deegaameed Ku bedela afka qabiilka, waxaad fahmaysaa in Musharixiinta iyo qabaailku aanay waxba isdhaamin xaga fahamka dawladnimo iyo kan xisbinimo, markaas arinta Somaliland, shacab iyo siyaasiba waxay ka dhigan yihiin Indhoole usha u haya Indhoole kale, kuwaasoo maxsuulkoodu noqonayo inay isla lumaan.

Cilmiyan iyo caqliyanba, marka Siyaasiga iyo hogaamiyaha Bulsho u fekero si aan waxba ka duwanayn sida uu u fekero qofka caadiga ahi, waxaa hubaal ah in Umadda noocan ahi ku dhex gudayso Gudcur roobabow ah, oo aanay haysan iftiin (TOOSH/Karbuuno) caawiya, horukaca ay bulsho samayn kartana waxaa laga gartaa hadba sida dadkeedu u fekerayo, iyo farqiga miisaan ee u dhaxeeya garaadka iyo nadariyadda kan wax hogaaminaya iyo kan la hogaaminayo, tan werwerka gelinaysa ruux kastoo wadani ah, oo ka fekeraya horumarka dadkiisa iyo dalkiisabana waxay tahay sida aanay waxba farqi ahi ugu dhexayn aragtida siyaasiyiinteena iyo tan dadkeena caadiga ah, oo labada dhinacba waxa hagaya, ee halbeega u ahi ay tahay reer Hebel, iyo Reer hebel, isla markaana aanay jirin wax intaas ka durugsan oo ay ka fekeri karayaan, waxa soo raacaana ay tahay Maxaa la cunaa maalintaas, halkee wax ka ridanaa, sideen u ridanaa? IWM.

Iskusoo Wada duuboo, haddii aan wax laga bedelin sida maanta loo fekerayo ee qabaliyadda iyo maslaxadda gaaban ku qotonta, waxaa iman doonta in masiirka jiilasheena danbe meel xun ku danbayn doono, Tallona lays weydiin doono xilli aanay talo noolayn.

Qalnkii: Mr. Hussein-Lucky Mohamed Mohamoud

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.