Hoggaamiyayaasha Qatar iyo Sucuudiga waxay ka wadahadlayaan dhibaatada ka dhex aloosan

 

Amiirka dalka Qatar ayaa talefoonka kula xidhiidhay dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga si uu ugala hadlo dhibaatada soo foodsaartay xidhiidhkii ka dhaxeeyay labadooda dal taas oo qaadatay muddo dhowr bilood ah.

Wadahadalka telefoonka ku dhexmaray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani iyo dhaxal-sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay si rasmi ah u yeeshaan tan iyo markii xiisadda diblomaasiyadeed ay ka dhex billaabantay xukuumadaha Dooxa iyo Riyaad.

Tallaabadan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo xiisadda taagnayd muddada saddexda bilood ah, iyadoo lagu soo warramayo in Amiirka Qatar uu ogolaaday in wadaxaajood uu ka galo dalabyada ay usoo jeediyeen xulafada Sacuudiga.

Haseyeeshee waxaa muran horleh uu ka dhashay cidda samaysay wicitaanka, iyadoo warbaahinta Sucuudiga ay ku warramayso in Amiirka Qatar uu soo wacay dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.

Saacado ka dibna Sucuudiga ayaa ku eedeeyay Qatar in ay ka been sheegtay xaqiiqada wadahadalka dhexmaray labada mas’uul, waxaana Riyaad ay sheegtay in ay hakinayso wadaxaajoodka.

Arrimaha ay labada dhinac ka wadahadleen ayaa waxaa ka mid ah in xallinta khilaafka loo saaro laba ergay oo kala matalaya dhinacyada, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Qatar.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa shalay sheegay in uu diyaar u yahay dhexdhexaadinta labada dhinac, si xal loogu helo xiisadda hadhaysay gobolkaasi.

bandhige@gmail.com