Guddoomiyaha KULMIYE waxa hadhimo-sharafeed loogu sameeyey Degmada Arabsiyo

 

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa muddooyinkii u dambeeyeyba socdaal ku joogaan gobollada galeed ee dalka, ayaa hadhimo-sharafeed loogu sameeyey degmada Arabsiyo maanta.

Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah weftigiisa, waxay ka qaybgaleen casuumad qado sharaf ah oo uu suxufiga caanka ah ee Yoonis Cali Nuur ugu sameeyey beer uu ku leeyahay duleedka magaalada Arabsiyo ee xarunta degmadaasi, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxdhaqameed badan oo isugu jira salaadiin iyo cuqaal, waxgarad, dhallinyaro iyo haween matalayey qaybaha bulshada ku dhaqan halkaasi.

Casuumaddaasi kadib Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana waxa uu ka tacsiyadeeyey geerida wiil dhallinyaro ahaa oo ku nafwaayey daad ama biyo ku qaaday dooxa Huluuq ee duleedka Arabsiyo oo uu ka soo jeeday xilli uu damcay inuu kaga gudbo baabuur uu watay xalay fiidkii.

bandhige@gmail.com