Afgembigan lagula kacay Sayid Maxamed Cabdille Xasan, wuxuu caan ku yahay” Afgembigii Canjeel”, sidoo kale geedkii ingilaabka lagu qorsheeyey waxa loo bixiyey” Canjeel Talawaa”. Canjeel waa geed weyn oo ka baxa gobolka Bari ee maamulka Majeerteeniye (Puntland-ta maanta). Geedkaasi wuxuu ku yaalaa togga la yidhaa” Gubad” oo magaalada Eyle dhinaca koonfur-galbeed ka xiga 30 kiiloomitir. Geedkaasi waxa hoostiisa ku kulmi kara boqollaal qof, inta badana shirarka ayaa lagu qabtaa. Sheekh Maxamed Saalax oo magac weyn ku dhex lahaa Daraawiishta, ayaa qoray waraaq ka hadlaysa musuqmaasuqa Daraawiistu ku kacday.
Rag ka tirsan Daraawiishta ayaa hoos u tashay, waxa ayna yidhaaheen” mar haddii wixii aynu wadnay iyo waddadii toosnayd ee aynu ku taagnayn la yidhi waa baaddil, diintana way garab marsan tahay, waxaa inooga habboon in aynu isaga guurro?” sidii ninba kii uu ku kalsoonaa ugu sheegayey ayey raggii arrintaasi ka walaacsanaa kor u dhaafeen lix boqol oo qof, ka dib waxa ay ku shireen geed Canjeel ah oo xarunta Taleex u jira laba kiiloomitir. Markii arrintii la falanqeeyey, si ingilaabka loo hirgeliyo, waxa geedka hoostiisa la soo dhigay saddex talo midkood in lagu dhaqaaqo:
- In Sayidka la dilo oo nin kale Dawaraawiishta madax looga dhigo, jihaadkii iyo dagaalkiina halkiisii laga wado
- In Sayidka maamulka, sharafka iyo haybaddda uu Daraawiishta ku leeyahay laga xayuubiyo, taladana lagal wareego oo nin kale oo sheekh ah Dawaraawiishta madax looga dhigo, hawshiina halkeedii laga wado.
- In xarunta Taleex laga kala guuro oo meesha la cidleeyo, dabadeed meel ilaahay ferej ka furaba, reer waliba soomaali weyn iyo dadkiisii baal ka raaco
Soo jeedintii saddexdii arrimood markii dhan kasta laga eegay waxa go’aan lagu gaadhay in la qaato talada tan ugu dambaysa, balse intii aan shirkii lagu kala dareerin ayey ragga qaarkii fardo hoos ka diray, oo raggiisii ku yidhi, reerka rara.
Fashilkii Ingilaabka
Nin la odhan jiray Shire Cumbaal oo Dhulbahante ahaa, kana sii ahaa jufada Jaamac Siyaad, oo laftiisu ka mid ahaa raggii talada wax ka gooyey, ayaa si hoose u dusay, isaga oo qaab basaas u shaqaynaya, ka dibna wuxuu qorshihii ingilaabka u sheegay Cabdille Xasan oo Sayidka aabihii ahaa, waxa aanu ku yidhi” Rag baa caawa geedkii Canjeel ku shiray, waxayna ku tashadeen inay xarunta ka guuraan.” Ka dib hal mara ayaa lagu dhuftay dhawaaqii Daraawiishta lagu dagaal gelin jiray ee la odhan jiray “ Buunka”, waxa la hawlgeliyey Daraawiishtii gaarka ahayd, wixii faras joogay xarunta ayaa la diyaariyey, weerar ayaa dhinac walba loo qaaday, wixii reero guuray rag faras wata ayaa laga daba-diray, wixii xarunta Taleex joogayna gacanta ayaa lagu dhigay. Ragii inqilaabka kor kacayey waxa la qabtay saddex ka mid ahaa, oo kala ahaa: Xaaji Xasan Cawl, Sheekh Cabdille Qooryow iyo Faarax Maxamuud Sugulle. Ka dib waxa dil toogasho ah lagu xukumay Xaaji Xasan Cawl, Sheekh Cabdille waxa lagu xukumay xabsi daayin, halka Faaraxna la xidhay, balse markii dambe wuu baxsaday, oo Berbera ayuu soo galay. Xukunka Sayidku wuxuu ahaa saddex: wuu Xujuubay, Xabbad ku dhuto, Xoolaha ka dhac. Halkaasina waxa ku fashilmay inqilaabkii Sayidka lagula kacay. Ingiriiska iyo Talyaanigu waxa ay rajaynayeen in inqilaabkaasi guul laga gaadhi doono, oo Sayidka meesha laga saari doono, balse muu noqon siday rajaynayeen.
Guutooyinkii Ciidankii Sayidka iyo Taliyeyaashoodii
Daraawiishta Sayid Maxamed waxa ay ahayd jabhad xukun-doon ah, oo may lahayn hayado qaabilsan adeegga bulshada. Guutooyinkii Daraawiishtu waxa ay ka koobnaayeen 11 Guuto, intooda badan wuxuu madax uga dhigay rag iyo dumar ka tirsan qoyskiisa. Daraawiishta Sayidku aroortii markay shaqo tagayaan iyo casarkii markay soo noqonayaan waxa ay ku digri jireen heestii caanka ahayd ee “ Carraa nin dhashay, wallee nin dhashay, hooyadii baa nin dhashay.”
- Sheekhyaale: waa qaybtii ugu daacadsanayd ciidankii Sayidka, uguna mihiimsanayd. Tiradoodu waxa ay ahayd 1000 askari, oo 800 oo qori haysta, waxa taliyeyaal u ahaa Sayidka adeerkii Caamir Xasan iyo walaalihii
- Gola-Weyne: waxa ay ka koobnaayeen 200 oo askari, oo 700 oo qori haysta, waxaana taliyeyaal u ahaa Muuse Cabdille iyo Yuusuf Cabdille oo ahaa Sayidka walaaladii.
- Miinnanla: waxa ay ka koobnaayeen 600 oo askari, oo haysta 200 oo qori, waxa taliyeyaal u ahaa Sayidka iyo adeerkii C/raxmaan Xasan
- Dharbash: waxa ay ka koobnaayeen 200 oo askari, oo haysta 600 oo qori, cida taliye u ahayd lama sheegin.
- Taargooye: waxa ay ka koobnaayeen 500 oo askari, oo haysta 200 oo qori, waxa taliye u ahayd Xaadsan Dhoorre oo ahayd Sayidka naagtiisii saddexaad
- Indho-badan: waxa ay ka koobnaayeen 400 oo askari, oo haysta 200 oo qori, waxa taliye u ahayd Barni Maxamuud oo ahayd naagtii shanaad ee Sayidka
- Raga-xun: waxa ay ka koobnaayeen 73 askari, oo haysta 500 oo qori, cida taliye u ahayd lama sheegin. Sababta magacan loogu bixiyey ayaa ahayd inay ciidankani soo dhaceen Beesha Majeerteen.
- Bah-udgoon: waxa ay ka koobnaayeen 400 oo askari, lama se sheegin tirada qorayahooda, waxa taliye u ahaa Faarax Qarshi Qayaad.
- Rag-Warsangeli: waxa ay ka koobnaayeen 38 askari, oo haysta 200 oo qori. Waxa taliye u ahayd Shacni Cali oo ahayd naagtii lixaad ee Sayidka .
- Daraawiishtii fadhigoodu ahaa Shabeelle waxa xukumi jiray Sayidka walaalkii Khaliif Cabdille iyo Udgoon Maxamed oo ahayd Sayidka naagtiisii toddobaad.
- Daraawiishtii fadhigoodu ahaa Beledweyne waxa xukumi jiray Maxamed Macalin, oo Sayidka ay isku ahaayeen jufada Bah Gerri.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somaliland
Tixraac:
Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayidka….. Aw Jaamac Cumar Ciise, AHN, Jabuuti 2005.
Tiirka Colaadda…….C/qaadir Aroma AHN, Maleesiya, 2005.