Intaan guriga gaajo ugu dhiman lahayn aniga iyo caruurtaydu karoonahu hanala tago! Q.2aad (WQ: Yacquub Siciid Kuuriya)

Aniga oo naxsan ayaan aayar u soo jeestay goobtii aan fadhiisan jiray kadibna waxaan si hoose isku yidhi “tallow ma ardeybaa dhintay”

Waxaan markiiba ku go’aan qaatay inaan u tago caasha oo aanu meesha mususaace ku wada iibin jirnay oo gurigeedu dhawr talaabo u jiray madarasada. Waxaan soo socdaba markii aan soo gaadhay ee aan albaabkii guriga sidaas u riixay aniga oo aad moodo in 3 bilood aan soo lugaynaayay diifta iyo daalka iga muuqda oo ay iigu korodhay niyad jab aan noloshayda mid la midii I soo marin, ayaa waxaa ay ishaydu ku dhacday caasha oo weel ku xalaysa daarada guriga, kadibna markii ay isheedu I qabatay ayay naxdin weelkii ay gacanta ku haysay sii daysay, waxayna si cod dheer ugu dhawaaqday “naa hoogto adna maad soo lug go’day, alla shalay maan kuu imaado oo aan kuu sheego” waxay ka qoomamaynaysay inaanay ii sheegin go’aanka madarasada lagu xidhay oo ah cabsi laga qabo inuu faafo xanuun aniga hada maqalkiisa ay ii ahayd.

“Hadii aan magaalada u dhawahay saw maan maqlen amar kasta iyo go’aan kasta oo dawladu soo saarto, xataa hadaan haysto raadyow iyo tv aan kala socdo waxa dhacaya miyaan sidan u dhaga xidhnaan lahaa” ayaan ku calaa calay, markaasan hadana ka daba geeyay “oo maxaan wax dhagaysan anigiiba naftayda haleeli la’e”.
Murugada iigu darnayd intaan caasha la joogay waxaa qeyb ka ahayd oo igaga naxdin badnayd ta maanta I haleeshay, in afar toddobaad sidaa lagu jiri doono, markaasan xasuustay caruurtaydi iyo waxa u danbeyn doona “oo tallow maxaan ku odhan kuwii aan garanayn madaxweyne ayaa amar soo saaray iyo waxaynu cunto siisanay ayaynu soo waynay” haa “ilaahi jiray ayaa jira, ayaan hadana iskugu jawaabay”kadibna markaasan ilmo xejisan waayay markay isoo hor martay iftiinkii noo baxaayay, in caawaba gabal u dumay oo shamacii baxaayay damay.
Caasha oo ahayd saaxibad aanu aad iskugu dheernahay ayaa inta ay isoo dul istaagtay ilmada iga baabiisay, kadibna waxaan si hoose u idhi aniga oo dareenkayga oo dhan maqanyahay “hadii xanuunkan loo dhimanaayo oo aduunka oo dhan walaal uu cabsi galiyay, gaajadana waa loo dhintaa hadii wax dhuunta la mariyo la waayo.”
“ilahay ayaa wax dila waxna nooleeya,balse hadii ninka markuu gurigiisa ka soo baxaayo gaadhi cad lagaga soo qaado oo qabawga gudihiisa ka baxaaya aanu marnaba dareemin, cimiladu nooca ay tahay maalintaas, iska daa walaal inuu ogaado dhibaatada na haysata ama inaanu gaajoonayno.

Iyada oo sheekadeedi ii sii wada ayaa waxaa ay igu tidhi “wadamada kibray ee gaaladu hooyo iyagoon diin haysan oo dadkoodu ladanyahay ayay hadana umadii ay shaqooyinka ka fadhiisiyeen lacag guryahoodi ugu dhex qoreen, balse inaga go’aan uunbaa la qaatay la mida kaas shaqooyinka la xanibaayo ee aan wax ummada loogu talo galay jirin, kadibna waxaa soo dhaweeyay kii ay caruurtiisu 5 jeer wax cunayeen, balse aniga gurigayga maalina dabka waa loo shidaa, maalina waa loo balkhtiiyaa lacag la’aan darteed.
Hooyo ma cidbaa naga war haysa, nin dhargey nin bakhtiyaya maxuu ka ogyahay in sidiisaa la wada dheregsanyahay ayuunbuu u haystaaye. Wali cid is waydiisay dadkayagii mususaacaha ku iibin jiray goobahaas waxbarashada xaaladooda iyo siday noqon doonaan ma jirto, dee ma waxaanu nahay dad lagu xisaabtamaba ileen wax aanu ummadan ku soo kordhinaan jirinbee hadaanan lacag lahayn hooyo.
“Intaan aniga oo karoona fayras ka cararaaya gurigayga ugu dhex bakhtiyo iilka lay dhigi mayo. Hooyo karoonaha waa loo dhintaa, gaajadana waa loo dhintaa balse way kala darajo wanaagsan yihiin, intaan guriga gaajo ugu bakhtiyilahayn aniga iyo caruurtaydu karoonahu hanala tago.”
Walaahi hadaad saaka quraacatay,oo aad mususaacaysay oo aad caawa cashadaadi iyo cuwaaftaadi gelinka danbe meel saaratay, aniga iyo caruurtaydu 3 maalmood waxba afka maanan saarin. Jaarkii noo soo gurman lahaana guryihiina ku jira go’aan ahbay ku jiraan.
“cid aan u tago malihi,ehelkayguna miibu ku badanyahay inta magaalada joogtaana isma marti soorto markooda horeba hooyo”

Laga yaabaa adigaagan imika sheekada akhrisanayaa inaad dheregsantahay adi iyo caruurtaaduba balse jaarkaaga hooyo iyo ubadkeedu ku gaajoonayaan, aan iska war hayno oo isku naxariisno si ilaahay inoogu naxariisto.
WQ: Yacquub Siciid Kuuriya