Intee ayaad qiimo leedahay? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Maqaalkan bari hore ayaan qoray waxaan maanta usoo daayay, waxaan arkay nin siyaasi ah oo ninkale oo siyaasi ah amaanaya.

Anaga oo ย kulan ku jirna ayaa nin na weeraray aniga iyo nin kale isaga oo na xaqiraaya. Markaas ayay suaashan igu dhalatay. Tolow qofku intee ayuu qiimo leeyahay ama sidee qofka qiimihiisa lagu ogaan karaa?

Qofka baniaadamka ah ama ย umad ama qabiil, ma is garan karaan inta qiimo ay leeyihiin.ย  Imika ashyaadu shay walba qiimo ayuu leeyahay lagu qiimeeyay, markii la eegay wax tarkiisa, ayaa la qiimeeyay.

Waxaan uga gun leeyahay qofku ma is ogaan karaa inta uu qiimo leeyahay, aniga aragtidayda waxay ila tahay haa.

Hadaba inta aanan galin qofka sida lagu qiimayn karo, dadka qaar ayaa laga yaabaa ย inay yidhaahdaan qofka qiimahiisu waa inta uu taageero haysto ama mucaaradad ka soo horjeeda, ama si kale, inta uu saamayn karo bulshadaa uu la noolyahay.

Horta waxaa wanaagsan in laysla garto cida qiimaynaysaa umadaas, qabiilkaas ama qofkaas.ย  sida umadaas lagu qiimayn karaa waxa weeyi, ama qabiilkaas ama qofkaas, intee ayay necebtahay cisaabadaas hogaaminta u haysaa umadaas,ama qabiilkaas ama qofkaas ?

Meel walba ย ama umad ha ahaato, ama qabiil ama urur, cisaabo ayaa hogaamisaย  danahooda ku fushata umadaas, ama qabiilkaas, ama ururkaas.

Hadaba miyaan la odhan Karin, umadu ama qabiilku ama qofku wuxuu qiimo leeyahay inta ay cisaabadaas collaad u hayso umadaas ama qabiilkaas ama qofkaas.

Hadii aan ku noqdo hadalkii mucaaradada ama taageerayaasha. Anigu kuwaa xumbo ayaan u arkaa la sameeyo wax qiima ah ma laha. Cisaabada ayaa labadaaba maamusho oo kolba dhinaca ay doonaan u dhiga, iyaga kuwaas borobogando ayaa lagu maamulaa.

Hadaba ย cisaabdaas meelwalba maamushaa hadii ay ku taageerto, iska daa inaad qiimo yeelato eh waxaad ku jirtaa minus, ama siiro.

Imika dadka sunniga ah, gaal iyo munaafiq ayaa u heshiiyay waxay ku tusaysaa qiimaha ay leeyihiin.

Hadaba qiimah umadu ama qabiilku ama qofku waa kolba inta ay cisaabadaas talada haysaa ay ka soo horjeedo umadaas ama qabiilkaas ama qofkaas, waligaaba adigu is maacaashsiiyo, mar hadii aad kabo qaad u tahay cisaabadaa meel walba ku dhexbeeran midh qiimo ah ma lihid.

Nur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com