‘Impostor syndrome’ Waa xaalad nafsadeed lagu arko boqolkiiba 70 dadka guusha ka gaadha nolosha. Waxa uu qofku dareemayaa in aanu mudnayn guulaha uu gaadhay. Kalsoonidarro badan ayaa ku abuurmaysa, waxa aanu cabsi ka qabaa in dadka ku xeerani ay ogaadaan in aanu u qalmin sumcadda iyo magaca uu bulshada ku dhex yeeshay iyo heerka aqooneed iyo garasho ee ay ka flayaan.
In kasta oo aanay ka mid ahayn xaaladaha nafsiga ah ee cudurka loo aqoonsanyahay, haddana waxaa la aaminsanyahay in ay khatar ku tahay nolosha qofka.
CALAAMADAHA LAGU GARTO
————————
– Waxa uu aaminayaa in aanu gaadhin heerka dadku moodayaan, sidaas awgeed waxa uu la noolaanayaa walaac iyo cabsi uu ka baqayo in la ogaado.
– Waxa uu isu quudhi waayayaa waxtarka iyo guusha uu soo hooyo, isaga oo ka baqaya in dadku ay ogyihiin in aanu guushaas gaadhi karin. Sidaas awgeed, marka uu guushiisa sheegayo waxa uu inta badan isku darayaa dad kale, ama waxa uu sheegayaa in guushuba ay ku timid sababo ka baxsan dadaalkiisa.
– Waxa waqti ku lumiyaa ka fikirka gefafkiisa iyo ceebihiisa, isaga oo aan dareemayn ama iska indha tiraya guulaha waaweyn ee iyagana uu gaadhay.
– Waxa uu mar kasta isku dhereriyaa dad iyagu ka guulo badan, kaddibna waxa uu isu aqoonsanayaa in uu fashilmay.
SABABAHA KEENA
———————-
– Waalidka, macallinka ama cidda barbaarinaysa ilmaha oo kula dhaqanta qalafsanaan iyo quudhsi, ama marka mar kasta lagu dhereriyo carruruta kale oo lagu sheegayo in ay ka sarreeyaan ama ka fiicanyihiin. Ilmahaasi marka uu weynaado, waxa ay u badan tahay in lagu arko ‘Impostor syndrome’.
– Qofka oo marka hore filashada meelsare gaadhsiiya, kaddibna marka uu gaadhi waayo isu arka in uu guuldarraystay, sidaas awgeedguushiisu ay u muuqan weydo.
– Qofka oo guuldarrooyin uu hore ula kulmay ku mutaysta xaqiraad iyo ceebayn, kaddibna cabsi nafsiya ka qaba in ay ku soo noqoto xaaladdii guuldarro.
– Takoorka, hiifka, daandaansiga iyo iska xulafaysiga uu ilmuhu kala kulmo carruruta kale ama bulshada, waxa ay ku abuurtaa in uu isu aqoonsado qof aan mudnayn in uu bulshada meelsare ka gaadho.
DABIIBKA XAALADDAN
1. Waxaa ugu muhiimsan in qofku uu isagu xaaladdiisa la tacaalo. Ugu horreyn, waa in uu ogaado in uu xaaladdan qabo, kaddibna uu naftiisa ku tababaro la noolaanshiyaha dareenkan shakiga ah, mar kasta oo uu dareemana uu naftiisa ku baraarujiiyo.
2. Inuu naftiisa ku tababaro in ay is aqoonsato, si toganna uga fikirto tallaabooyinka ay qaadaysa iyo guulaha ay gaadhayso.
3. Inuu bulshada dhexgalo oo ka fogaado gooni-joogga. Guulaha uu gaadho iyo hawlaha uu ka midho dhaliyana uu la wadaago dadka ku xeeran, si ammaanta iyo naqdiga labadaba u uu helo.
4. Inuu wax ka beddelo hab fikirkiisa, iyo in uu maskaxdiisa ku tababaro dhugmada, u fiirsiga iyo feejignaanta.
5. In aad uga fikiro guulaha runta ah ee uu gaadhay, isla markaana ogaado oo qiro waxa uu ku wanaagsanyahay.
Xigasho:Kamal Marjaan
Bandhige@gmail.com