IS DHEXGAL MISE ISKU MILLAN? “Integration or Assimilation” (WQ: Cabdullahi Xaaji Siciid).

Isbaddelkii ka dhacay geeska Afrika gaar ahaan Itoobiya , waxuu abuuray haddal hayn baddan oo ku aadan in la joogo xilligii Geeska Afrika uu ka dhici lahaa isdhex gal ganacsi iyo mid siyaasadeed. Waxa aad loo hadal hayaa in ay barwaaqo iyo badhaadhe keeni karto in sidaa la yeellaa.  Laakiin iswaydiintu waxay tahay , ma is dhexgal baan u baahanahay mise isku milan?
Inta aan u gallin fallanqaynta arintan,  bal aan si kooban u qeexno labbadan eray:
Isdhexgal: sida kalmada ka muuqata waa wax iswaydaarsi ; hadday noqoto dhaqan , ganacsi iyo siyaasadba. Waa wax iswaydaarsi dheeli tiran oo ku qotama in midba midka kale ka qaato wixii ka maqan ee uu kakale hayo. Waa guulayso anna aan guulaysto  (win-win) . Waa is dhamaystir baahiyeed.
Isku millan: waa is muquunin am in mid midka kale uu liqo. Waa is muquunin dhaqaale, dhaqan ama siyaasadeed . Is dhamaytir maahee waa isku dhamayn. Waa guul darayso anna aan guulaysto  (win-lose)
Innagoo fiirinayna qeexitaanka labbada eray ,  Soomaaliya iyo Itoobiyo wax iswaydaarsigoodu ma wuxuu noqonayaa is dhexgal mise isku millan?
Annagoo tixraacayna xaalada dadka iyo dalka Soomaaliyeed ku jiraan hadda waxay ila tahay in ay arintu noqon doonto isku millan. Waayo?
 Sababtoo ah:
1. awooda maamul iyo tan dawladeed ee aan hadda haysanaa waxay aad uga yartahay  ta ay haystaan kuwa aan is dhexgalka la  samaynaynaayi .
2.Heshiisyada aan dallal shisheeya aalaaba aan la galno waxa inoo saxeexa inta baddan hebel iyo hebel oo aan wadin dhambaal khuburo soo axadhay  ama hay’adi soo miirtay . Waxay kaliyay la tageen waa wixii maskaxdooda kusoo dhaca markaa ama kusoo dhacay waqti yar ka hor. Halka dalalka kale, laga yaabe in ay waddaan siyaasad qarni ama ka baddan lagasoo shaqaynaayay , oo ay khubaro kusoo indho iyo tamarba beeshay oo lagasoo hufay lagana haadiyay wixii bidhiiq iyo ilba ku jirray .
 3. Mar haddii labbada kooxood midna cilmi la shir imanayso midna caadifad waxay u baddantahay in halkaas kooxda Soomaaliya ka socotaayi wax baddan ku ilduufto .
Haddaba , runtu waxay tahay, Soomaaliya ma awoodo aqoon ahaan iyo nidaam ahaanba in ay hadda Itoobiya la samayso isdhexgal dheeli tiran.  Bal ugu horayn horta xuduudaha iyo amniga dalka ha la sugo. Haddii laga fursan waayo halloo tallo badsado, oo ha la iska daayo siyaasadan ku dhisan nin toocsiga.
Haddii kale madaxda Soomaalidu inta ay qaadayaan heestan  arkaa dhaafku ku asqoobo ee odhanaysa  “waqtiga isbaddalayana bidix midig ula soco ”  Xuutkaa liqi doono!
Hadhaw bay tidhaah la’ima heesin la’lama hadlin ruux hurdaa I helay!