Is-gacan-qaadkii ka fajaciyay malaayiin reer Kenya ah (WQ: Rashiid Odowaa)

Raila odinga iyo Uhuru Kenyatta

Ka dib markii doorashadii sannadkii hore la isku khilaafay labada musharax ee Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa waxa bishii hore dhacday inay heshiis iyo is afgarad gaadheen labadan nin oo Loollan adagi ka dhexeeyay muddo.

Hase ahaatee sida ay qorayaan Journalist tayaal iyo siyasiyiin badan oo African ah waxay u egtahay inaanu Raila odinga aanu juuqba u odhan malaayiin dad ah oo taageerayaal u ah waxna aanu u sheegin,in kastoo woxoogaa ay uu dalka Kenya ka nastay war warkii iyo qalalaasihii haddana hoggaamiyaha mucaaridku muu odhan xadhigga iska debciya tageerayaashiisa daacadda u ah.

Taageerayaashan oo dhexda suunka ku xiddhay laga soo bilaabo sannadkii hore xattaa wuxuu Railla Odinga ku boorriyay Dumarku inay raggooda ka fogaadaan si aan hurdo iyo raaxo midna la isugu illoobin illaa ay gaadhaan yoolkooda,sidaasna ay kaga soomaan in la isu galmoodoba xattaa arrintaas oo taageerayaashiisu ka aqbaleen lana qaateen.

Railla odinga oo taageerayaashiisu u yaqaanaan(Baabaa) amma Aabbo waa shakhsi leh qorshe siyasadeed isla markaana kicin kara bulsahada,wuxu leeyahay wax barasho engineernimo waxaa kaloo lagu tilmaamaa inuu faham qotto dheer u leeyahay arrimaha Aadminimo.

Waxaa sannado loo diray jeelka waxa kaloo uu wakhti badan ku qaattay masaafuris iyo dibad wareeg iyadoo arrintaas uu ku mattaystay Dimoqraadiyad doonka,Xorriyadda iyo Sinnaanshaha uu u raadinayay dadka reer Kenya,arrintan oo ah mid aanu mar keliya ka fadhiisan wax kastoo ay ku qaadatoba.wuxuu awood u leeyahay inuu kiciyo Malaayiin umadda ah ilaa uu gaadhayo yoolkiisa ama ujeedadiisa.

Hase ahaattee waxay belo ka joogtaa wxuu illoobaa xooggii dabada ka riixayay markuu hadafkiisa gaadho,xattaa ma odhanayo dabka dhiga taas oo taageerayaashiisa qaar badani u arkaan nin dadka uun ku guura,

Waxa la hayaa isagoo warbaahinta la hadlaya oo yidhi (dhamaan dumarku waa inay raggooda iska fogeeyaan si hore loogu kallaho oo loo codeeyo waa inaynu sidaas ahaanna illaa natiijada lagu dhawaaqayo guushuna inna raacayso,ka dibna fasax ayaad isu tihiin si aad guusha ugu dabaal degtaan),

WAA KUMA RAILLA ODINGA

  • Waa 72 jir waana inankii uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii u horreeyay ee Kenya Jaramogi Oginga Odinga.
  • Waxa lagu naanaysaa agwambo ama hagaagsane afsomali ahaan waxana magacaa ugu yeedha taageerayaashiisa
  • Wuxuu tababar cilmiga dawooyinka ah ku soo qaattay Jarmalkii bari ee hore.
  • Wuxuu noqday xubin baarlamaan isagoo matalaya dadka danyarta ah muddo 20 sannadood ah.
  • Wuxu isku dayay inqilaab 1982.
  • Waa ninka ugu xabsiga dheer xagga siyaasadda Kenya.
  • Wuxuu mideeyay xisbiyada siyaasadda waxanau qaateen magaca NASA

RAILA ODINGA;JACAYL IYO NACAYB WAA MIDKEE

Dad badan oo taageerayaashiisa ah ayaa hadda ka niyad jabsan,sadexdii doorasho ee u danbeeyay wuxu ku guulaystay in ku dhow kala badh codadka,hase ahaattee doorashadii muranka badan dhalisay august 2017,Odinga may u dhicin sidii uu filayay waanu qaadacay natiijada,isagoo ku dooday in mad madow badan ay sameeyeen guddiga doorashadu,hase ahaattee arrintas cadaymo looma haynin.sidoo kale wuxuu ku qanciyay taageerayaashiisa inay qaaddacaan wayna ku raaceen.

Xatta waxa dhacday inuu Railla odinga uu isagu isu dhaariyay inuu madaxweyne yahay,waxa kaloo jirtay inuu sameeyay cunaqabatayn isagoo companiyo taageera ku booriuyay inay joojiyaan dhaqaalaha ay soo gelinayaan waddanka Kenya companiyadaasina sidoodii ayay u taagan yihiin wali waxayna sugayaan inuu u fasaxo iyo in kale.

TAAGEERAYAASHA FAJACSAN

Waxa muuqatta inay is gacan qaadeen madaxwene uhuru Kenyatta iyo Odinga waxayna u muuqattaa inay midoobbeen.

Waxase is weydiin mudan dadkii ay la colloobeen taageerayaashu ee ahaa dhinaca Xisbiga Jubilee goormay iyaguna gacan qaadayaan.

Goorma ayaa xisbiyadii la midoobay Odinga hogaamiyayaashoodii iyagana la gacan qaadayaa.

Kuwii dadkooda ku waayay ay jeclaayeen kacdoonkii iyaga maxa u yaalla.

Kuwa ay xayiraaddu wali saarantay shaqadoosii iyo ganacsigoodii iyaga maxa u yaalla.

Qoysaskiim iyo raggii uu kala xayiray ee dhexda suunka ku xidhay iyaga miyuu illoobay.

Maxaa macno ah ee ugu danbayn ay samaynaysaa heshiiskan uu kaligii la gaadhay Uhuru Kenyatta maxaa faaiido ku jirta arrimahaas ayay dad badan oo reer Kenya ahi is waydinayaan.

Waxaa qoray Joseph Warungu (BBC News)

Waa tarjumiddii

Rashiid odowaa

khadarsalaan@gmail.com

0634101213