Guud ahaan Taariikhdu waa sheeko ku saabsan wixii dhacay iyo wixii ay dadku soo mareen ama sameeyeen. Had iyo jeer taariikhdu laba weji ayey leedahay. Ta koowaad waa falalkii dhacay. Ta labaadna waa sharraxaadda iyo soo gudbinta dhacdadaasi. Taariikhdu ma dhimato, balse haddii la waayo cid soo foqda oo isku dubba rida, waxa dhacaya in xaqiiqadii falkaasi loo beddelo Ku-tidhi-ku-teen. Aakhirkna ay keento in xaqiiqadii aasanto. Haddii aynu dib ugu soo noqonno dulucda qormada, Soomaalilaan waxa ay leedahay taariikho badan oo qaarkood ay shacabku ka siman yihiin qaarkoodna ay ku kala duwan yihiin. Marka la eego afar halgan oo udub dhexaad u ah taariikhaha Soomaalilaan ayaa labana laga siman yahay, laba kalena lagu kala duwan yahay. halgankii Gobonnimo-doonka ee xorriyada, halgankii waxbarashadda, halgankii Daraawiishta iyo halgankii SNM. labada halgan ee hore way ka siman yihiin shicibka Soomaalilaan min bari ilaa galbeed, hasayeeshee labada dambe ayaa lagu kala duwan yahay.
Halgankii Daraawiishta
Beesha dhexe dooddo badan ayay ka qabtaan inay liqo in halgankii Daraawiishtu uu ahaa mid saxan oo mudan in si weyn loogu mashxarado, lagana dhigo heer qaranka Soomaalilaan u qalma in xushmada la siiyo. Qaarkood waxa ay keliya ee ay ku qiimeeyaan dagaalladii uu la galay Ingiriiska oo keliya inuu ku hagaagsanaa, hasayeeshee beelaha kale ee Soomaalida uu doonayey inuu gumeysto oo xukun boqortooyo ah dhisto. Sidaasina ay beesha dhexe intooda badani ay uga soo horjeedeen. Sidoo kale waxa ay daliil ahaan u soo qaataan gabaydii Sayidka ee uu intooda badan ku caayey reeraha beesha dhexe inay muujinayso cadaawada uu Sayidku u hayey beeshaasi. Iyana taasi beddelkeeda ay Ingiriiska u soo raaceen si ay ula dagaalamaan. Dhinaca kalena waxa jira dad badan oo ka tirsan beesha dhexe oo si weyn ula dhacsan Daraawiishta, oo xittaa gaadhsiiyey in taallooyinka Sayidka laga dhiso deegaanno badan oo ay degto beesha dhexe. Waxa ay tusaale u soo qaataan in halgankii Daraawiishtu uu ahaa mid caalami ah oo ay ku tusinayso inuu Sayidku ahaa ninkii ugu horreeyey ee adduunka diyaarado lagu weeraro. Beelaha dega gobollada Sool iyo Sanaag bari intooda badani taariikhda Daraawiishta way ku tasbiixsadaan, sheekooyiinkooda ugu badani waa dhacdooyinkii dagaal ee dhexmaray Daraawiishta iyo Ingiriiska.
Halgankii SNM
Beelaha darafyadu dood taa sare la mid ah oo kale ayey ka qabaan halgankii SNM ay kaga soo horjeeday taliskii MSBarre. Waxa aanu shaki ku jirin in beesha dhexe uu taliskii MSBarre ku laynayey SNM awgeed. Si hayb ah ayey ciidankii milatariga Siyaad Barre u xasuuqi jireen dadka ka soo jeeda beesha dhexe, halkaasi markaad ka qiyaas qaadatidna beeshe dhexe waxa ay hiil iyo hooba la garab taagnayn jabhadii SNM. Beelaha darafyadu waxa ay la dhacsanayeen taliskii MSBarre oo ay taageero buuxda la garab taagnaayeen, taasina waxa ay keentay inay kala fogaadaan beelaha darafyada iyo beesha dhexe. SNM waxa ay la dagaalamaysay xukunkii MSBarre, waxba se kama jiraan aragtida odhanaysa inay SNM la dagaalmaysay beelaha darafyada ee Soomaalilaan. Waxa is-hayey ciidamadii SNM iyo milatarigii MSBarre oo goob kasta uu dagaal ku dhexmari jiray.
Dad ka tirsan beelaha darafyadu waxa ay aaminsan yihiin in taliskii MSBarre uu iyaga u roonaa ama uu reerkooda ahaa sidaasi darteedna SNM ay ka burburisay xukun ay ku qancsanayeen ama naasjuujin jiray, markaana ay SNM ku soo duushay danahoodii oo ay sidaasi u liqi la’yihiin halgankii SNM. Markii ay SNM ka adkaatay taliskii MSBarre ee ay gacanta ku dhigtay dhammaan dhulkii Soomaalilaan-ta maanta, waxa ay cafis u fiday dhammaan beelihii u cadaawada kala dhex-dhigay taliskii MSBarre, waxaana bilaabay shirarkii la isku keenayey beelaha Soomaalilaan si loo dhiso maamul ay u dhan yihiin. Arrintaasina waxa ay muujinaysaa in aanay SNM la dagaalameyn beello. Taageerayaasha SNM ee beesha dhexana waxa ay ku doodayaan inay SNM xorraysay dhammaan Soomaaliya oo dhan maadaama oo ay xukunkii ka tuurtay hogaamiye xukunka xoog ku qabsaday oo aan ogoleyn inuu dalka qof kale madaxweyne ka noqdo. Wixii ka dambeeyey 1991 dhammaan madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya iyo Soomaalilaan waxa ay kursiga ku heleen fursadii ay SNM xukunka kaga tuurtay taliskii MSBarre. Haddii se aanu dhici lahayn xukunkii milatariga Siyaad Barre may dhacdeen inay dhammaantood madaxweyneyaal noqdaan.
Sidee La isku waafajinayaa Labadan Taariikhood?
Waa arrin u baahan in dooddo qoto dheer laga yeeshee qaabka ugu habboon ee la isku waafajinaayo halgankii Daraawiishta iyo halgankii SNM. Taariikhaha waana la qurxin karaa waana la qaawin karaa, hasayeeshee maadaamo shicibka Soomaalilaan yihiin dad deegaan Ilaahay ku wada abuuray waa laga maarmaan in dawladaha jiraa ay iska xilsaaraan sidii aqoonyahanka bulshada Soomaalilaan la isugu keeni lahaa ee loo fadhiisan lahaa sidii mustaqbalka loo qori lahaa taariikhaha dalku leeyahay. Waxa habboon in labada kooxood ee bulsho kasta ku jira doodaha laga qayb geliyo.
Kooxda koowaad waa dadka xagjirka ah ka kala socda Soomaalilaan oo dhan ee ku dhagan taariikh gaar ah, kuwa kalena diidan. Kooxda labaadna waa koox macquul ah oo ka garaabaysa dhammaan dhacdooyinka ku xusan taariikhaha Soomaalilaan wada leedahay, laakiin si miyir qab ah doodaha uga qayb gelaysa. Beesha dhexe waa in halgankii Daraawiishta iyada oo la soo jilciyey oo ay dheef-shiidmi karto laga dhiidhiiciyo si ay u liqaan oo ay caloosha u gaadho, sidoo kale halgankii SNM waa in isna la soo jilciyaa oo afka loogu guraa beelaha darafyada si ay uga daadagto, iyada oo loo marayo is-qancin iyo garowshiiyo. Sida ay taariikhda Soomaalilaan u qormayso waxa isna buugiisa “ Kacaa-Kufka Siyaasadda Soomaalida” kaga faallooday qoraha buugga Cabdi Abokor Yuusuf.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan