Shalay 2-2-2020 , heerkulka cimilada Stockholm waxay u dhaxaysay -2/+3. Tan iyo 1750-kii sidaas ayaa maalin kasta loo cabbirayey heerkulka dalkan, iyada oo la adeegsanayo qalab. Anders Celcius oo loogu magac daro cabbirka heerkulka, qudhiisu waxa uu ahaa Swedish reer Uppsala ah oo 1722kii soo kordhiyey hal-abuuritaan la xidhiidha cabbirka heerkulka.
250 sano ayaa la ogaan karaa sidii ay maalin walba ahayd cimilada Stockholm. Markaa marka uu qabowgu bato ama kulaylku bato, oo ka duwanaado sidii Alle looga bartay, waa ay werweraan. Sannadahan danbe, waxa batay kulaylka oo aan sannadna la mid ahayn sannadkii ka horreeyey. Taasi werwer badan ayey ku haysaa dadka cilmigaas leh. In faragelin qaldan lagu sameeyey dhulka Ilaahay ee barakaysan, waa hubaal, waxana u daliil ah cimiladaas isbeddeshay. Haddii laga noqdo faragelintaas qaldan oo la is dabaqabto, laga yaabee in barakadii dhulka lagu sii intifaaco, haddii kale karbaash weyn ayaa soo socda. “Doqonka agtiisaa usha lagu dhuftaa, hadduu garan waayana, goggaa loo geliyaa” ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa.
Allahna waxa uu yidhi:
ุธูููุฑู ุงููููุณูุงุฏู ููู ุงููุจูุฑูู ููุงููุจูุญูุฑู ุจูู
ูุง ููุณูุจูุชู ุฃูููุฏูู ุงููููุงุณู ููููุฐููููููู
ุจูุนูุถู ุงูููุฐูู ุนูู
ููููุง ููุนููููููู
ู ููุฑูุฌูุนูููู (41) ~> “Dadkaa sababay oo Fasahaadkii waxa uu ka muuqday bad iyo berriba, Si loo dhadhansiiyo wax ka mid ah abaalka camalkooda xun, bal si ay uga laabtaan xumaanta.”.
Ma dhuxul baad shidataa? ma qashin sun iyo kimiko leh ayaad maalin walba iska tuurtaa? ma saliid ayaad dhulka iskaga shubtaa? markaa ogow in aad qayb ka tahay fasahadka Arlada Alle.