Isku-daygii dilkii Gaanni iyo Mujaahid Abiib Dhagax 1983-kii (WQ: Khadar Salaan)

 

Haddaan loo go’in godkana loo gelin

Haddaan kuman geesi u mudan geerida

Haddan gobanimo guntiga loo xidhan

Miyaan guran lahayn midhaha soo go’ay

Xidigaha Geeska

Waxay ahayd 10;00 AM subaxnimo waxanu ka soo dareernay Dugsiga H/dhexe ee Qurac dheer  1983 xilliga nusasaace ah,waxanu mar keliya maqallay Rasaasta ka dhacaysa xagga Iskuulka Maxamud axmed Cali waanu ku soo yaacnay annagoo aan waxba fahamsanayan,dadka waxanu ka maqlaynay Niman Xabshi ah ayaa magaalada soo Galay,

Gooladda Hotel (SABAXAREED) ayaa umadda iyo dadweynihii yaacayaan waxa lagu yaacayaa Suryada Hotelka Woqooyi ka Xigta  Guriga Ilma Xasan Dhuxulle iyo aagaas ayaa la is eryanayaa Hase ahaattee mar keliya ayaa dadkii Argagax ku dhacay oo la iska Dul daattay,kuye Nimankii waxay dileen Askari,

Ciidamo aand u faro badan ayaa meeshii Qariyay,Ko ofiyad cas,iyo Polis Nimankii la eryanayay midkood Wuxuu galay Albeerkada Ilma (Qulunbe) halkaas ayuu ka dagaalamayay illaa rasaastii ka Dhamaatay ka dibna waa la Qabtay,

Laba Nin oo kale waxay galeen Laagta Xaarwada iyo Meelaha tiin tiin ka leh,waxana caawiyay laagta iyo Xaafadda Qurac dheer oo leh Sakado faro badan oo lab laabma.lamana Helin nimankaas,

Nin kale waxa lagu Qabtay Sayladda Xoolaha Beerta (Xaaji lacagdoon) dhinac kastana Ciidan ayaa kaga Yimid ka dibna Wuu is dhiibay markuu arkay inaanu Bixi Karin Waxa la saaray Gaadhi (Land rover) ah,wax an arkayay Bambooyin iyo Rasaas faro bada n oo jeebadihiisa laga soo gurayo,waxana lagu Xidhay Katiinado ,

Bari danbe ayay Dadku fahmeen in nimankani ahaayen SNM,waxay u soo galeen hargeisa inay Khaarajiyaan Nin aad u dhib badnaa oo la Odhan jiray Maxamed Xaashi (Gaanni)oo ahaa Taliyihh Qaybta 26aad ee Ciidanka Xooga Dalka Somalia Ninkan oo dadka God madow intuu ku guro aan dib loo arki jirin,hase ahaatee Howl galkaasi wuu fashilmay,

Haddaba labadii nine e la Qabtay Nasiibka ayaa Soo daayay markii danbe ee Somalia Bur burtay,waxay na Xamar kaga soo baxeen Lug,

Labadii nine e laagta Xaar wada galay ee Baxsaday midkood wuxuu Ahaa Abiib  Cabdi Jaama(Abiib Dhagax ) oo maanta oo bishu ahayd 21/02/2018 aanu ku aasnay Xabaalaha Masallaha Hargeisa, gees I dalkiisa wax badan u soo Dhibtooday ayuu ahaa,oo akhlaaq badan Cibaadadana ku wanaagsan Allah ha u naxariito,isaga iyo Geesiyaashii kaleba,

Rashttps: Rashiid Odowaa  Khadarsalaan@Gmail.com