Sannadihii 2015 ila 2017 ee abaaruhu ay innagu soo noqnoqdeen, waxaan xog-ogaal u ahaa sidii loogu gurmaday. Dad badan ayaa isku dayey inay wax taraan dadkii dhibtu gaadhay. Dhibaatooyinkii innoogu bednaa waxay ahaayeen isku-dubarid la’aan (Coordination) iyo in sidii loogu talo-gelay loo isticmaalo wixii caawimo ah.
Dawladdu waxay leedahay Hay’adda Udiyaar Garowga Aafooyinka & Keydka Raashinka Qaranka (NADFOR) oo berigaas la odhan jiray NERAD. Wasaaradda Qorshaynta Qarankuna dawladda waxay u xilsaaran tahay xidhiidhinta barnaamijyada waddanka ka socda. Waxa kale oo la sameeyey beryahaas Guddida Abaaraha. Saddexduba iyaga oo is garab yaacaya ayey shirar qaban jireen. In kasta oo ay wax weyn qabteen, haddana waxay inna dhaxalsiisay in meelaha qaarna caawimada loo tuulo (duplication), meelo kalena aan wax badan lala gaadhin, waayo kooxo badan ayaa wax qeybinayey. Intaas waxaa dheeraa in lagu guuleysan waayey in la xaddido qiimaha biyaha oo berigaas aad loogu baahnaa. Biyihii oo cirka isku shareeray waxay qasab ka dhigeen in lacag biyo iyo raashin u goyn lahayd dad badan ay gaadho dad aad uga yar dadkii loogu talogelay.
Waxaa innagu badan inaynu dhayalsanno nidaamka oo aynu aaminno qofka. Tusaale, waxaad arkaysaa iyadoo la leeyahay lacagtaas hebel iyo hebla guddi uga dhiga oo sidaas lagu aaminno waayo waa dad waaweyn, waa culimo iyo wax yaalo kale. Arrintaas in dad la iska aamminaa way khatar badan tahay, haddii aan nidaam ay raacaan loo samayn, lana daba soconin. Waa ta ay u badan tahaye, waxaa laga yaabaa in wax badan uga qaldamaan xog la’aan oo ay si aan caddaalad ahayn wax u qeybiyaan ama cid kale si fudud u khaladdo. Waxa kale oo suuro gel ah inuu iyagaba hunguri ka gelo wixii masaakiinta loogu talo gelay.
Sannadkanna waxaa ii muuqata inaynu waddadii hayno. Bal u fiirso Guddida Ka Hortegga COVID-19 ee Heer Qaran, oo furay Xarunta Xog-ururinta COVID-19, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo NADFOR. Kuwo kale inay jiraanna waa laga yaabaa.
Inta aan ogahay, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay leedahay hab wanaagsan oo ay xogta caafimaad ku ururin karto. Dhinaca kale NADFOR waxay lahayd ogaantay dad u jooga gobollada oo xogta soo ururiya. COVID-19 iyo xannuunadu waxay ka mid yihiin aafooyinka loo samaystay NADFOR.
Waxaan soo jeedin lahaa:
In nidaamka innoo jira lagu duldhiso wixii kale ee aynu samaynayno sida NADFOR oo la isticmaalo khibraddeeda iyo hoggaaminteeda. Cid kasta oo cusub wey ka fiican yihiin, wixii ka dhimanna ha lagu kabo
In Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka loo dabo-fadhiyo Xog-ururinta COVID-19 wixii la xidhiidha caafimaadka, si guudna NADFOR
In awoodda la saaro in la soo iibsado raashin lagu caawin karo dadka liita
In ganacsatada lagu qalqaaliyo inay soo iibiyaan qalabka caafimaadka ee loo baahan yahay sida Afsaarka (Face mask) iyo mashiinka caawiya neefsashada (Ventilators)
In dawladdu dalbato qalabka caafimaad sida ugu dhakhsaha badan ee aan la sugin xilli talo faro ka haadday
In Si caddaalad ah loo qeybiyo wixii aynu hayno ama meel kale innaga soo gaadha.