Islaamiyiinta Milmay (WQ: Sh Maxamed Kaariye)

Araar: Ma jecle inaan isticmaalo ereyga islaamiyiin, waxase igu kalifay inaan qoraalkan ku Isticmaalaa waa inaan falanqaynayo xaalado, madaaris fikriya, jamaacooyin, ashkhaas, xarakaad iyo wadaado si wadar ahaana ugu caan baxay magacan.

Xogta Qoraalka:

Haddaynu isha ku rogrogno, fiiradana la raac raacno isbedelada fikradeed ee ku dhacay qaybo ka mida wadaadada iyo hormoodka xarkaadka islaamiga ah iyo ardaydooda mudadii  ka dambaysay kacdoonadii Carabta , waxa inoo muuqanaya in dhacdooyinkani ku dirqiyeen kooxo iyo ashkaas ka mida ururada islaamigi ah  inay wax ka beddeleen  mowqifka ay ka taagnaayeen   Iyo qaabka ay u soo  bandhigi jireen qadiyadaha waaweyn ee tiirarka u ahaa mashruuca dacwada islaamiga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doonista hirgelinta xukunka shareecada, u shaqaynta dhisidda khilaafo islaamiya oo midaysa muslimiinta kuna fidisa taliskeeda arlada islaamka oo dhan una hiilisa  muslimiinta la daciifsado ee laga adag yahay iyo  in la caddeeyo xukunka Allaah ee khuseeya fikradaha diin laawaha ah sida calmaaniyada, libiraaliyada, femeniisamka iyo dimuqraadiyada.

Waxa soo baxay dugsi-fikradeedyo  u laab xaadhan aqbalidda qaabka  calmaaniga ah ee Galbeedku u qeexo  nidaamka dowladda iyo xukunka, xuquuqda aadanaha, xoriyadda ra’yiga, xuquuqda dumarka iyo fikradaha kale ee Galbeedku doonayo inuu ku qasbo Muslimiinta isagoo adeegsanaya Qaramada Midoobay iyo hayadaha ka farcama iyo kuwo kale oo matala dowlado reer Galbeeda.

Dadkan  ka janjeedhsaday dariiqoogii hore waxa ka mida kooxo lagu soo barbaariyay ardaayo  dacwadeed, waxna ka soo bartay culimo ku abtirsata xarakaad islaamiya. Hase  ahaatee aqoon xeel dheer umay lahayn  ceebaha fikradaha diin-laawaha ah ee ay dhashay madaarista Galbeedka ee ku suntan  ilxaadka, diin nacaybka, Allaah ka cararka, qiyamka fuxshiga iyo qaawanaanta akhlaaqiga ah.

Goor aan goorba ahayn ayay kooxdani is aragtay iyadoo ay ku dhabanayso dabaylaha fikradahan ku soo kacay degaanadooda, oo ay raadaysay caqliyada kuwo ka mida dhalinyaradooda iyo atbaacdooda, lana ashqaraareen kuwo ka mida culimadooda iyo mufakiriintoodu, ilaa aynu maqalnay kuwo ku baaqaya in wax laga beddelo mawaaqiftii sharciga ahayd ee shalay la aaminsanaa, lana dooriyo qaab dacwadeedkii  habeeyay hanaanka camalka islaamiga waayadii hore.

Laga fahmi maayo hadalkayaga inaanu diidanahay muraajacaadka iyo fiiro-celinta taban ee wax hagaajinaysa een wax kharibayn, wax dhisaysa een wax duminayn.  Duruufaha  adag ee ku meeran dunida islaamka iyo baahiyaha waaqica aynu ku noolnahay ayaa keenaya  in howsha islaamka la geliyo ruux, juhdi, khibrado, dadaal iyo dardar cusub.

Hadaba, anagoo intaaba qirayna ayaanu haddana ka soo hor jeednaa muraajacaadka hashiiska la galay mashruucyada lagu abuurayo diin aqbalsan oo ogol la-noolaanshaha qiyamka iyo fikradaha diin laawaha ah, ama kuwa ka soo dhex butaacay cadaadiska  lagu hayo muslimiinta si ay uga weecdaan asalada caqiidadooda, ugana leexdaan arkaanta diintooda.

Muuqaalada wadaadada uu saaqay ashqaraarka falsafadda Galbeedku waxay mudan tahay daraasad iyo baadhitaan balaadhan oo miisaman, hase ahaatee waxaan jecelahay inaan halkan ku sheego in sababaha gabal dhacooda keenay ay kow ka tahay niyad jab nafsaaniya oo ku dul habsaday, ilaa ay gaadheen heer uu yaayaqsi ka qabanayo siday ugu maman yihiin wax walba oo inooga yimaada gumaysiga!!

In si fikriya iyo si ilbaxnimo loogu jabo cadowga waxa ka dhasha cuduro dilaaya oo qofka ay ku dhacaan ku kalifa inuu huwado hagoogta fikradaha qayrkii, inuu qaato qiyamkiisa, kana xuub  dilaacsado iskana siibo astaantiisa ilbaxnimo, taasi oo ka dhigta qof fikirkiisu macmal yahay, sawriciisuna nasakhan yahay.

Qofkii hore u daliishan jiray ayaadaha iyo axaadiista ayaad maanta arkaysaa isagoo hadalkiisa  ku furanaya faylasuuf ayaa sidaa yidhi, kuna cufaya qoraaladiisa hadal uu ka soo guuriyay falaasifada fikirka libiraaliga diin laawaha ah. Wuxuu sidan u yeelayaa waa inuu ka wada tagay wuxuu hore u rumaysnaa ama inuu ku dhex hafanayo milan ilbaxnimo, kuna dhacay daba dhilifnimo fikradeed, dabeetana uu bilaabay inuu diinta Islaamka ku eego diiradda falsafadaha reer Galbeedka, asalada iyo tiirarka diintana kula dhaqmo qaab ku Jaan go’an manaahijta bilaa diiniga ah ee ay dajiyeen mufakiriin iskugu jirta mulxidiin iyo kuwo diin nacayb ka galay lafta iyo dhuuxa, aragtidooduna ku salaysan tahay anshi xumo akhlaaqiya!

Haddaynu ka gudubno hoobadka fikriga ah ee dhabar jabiyay, waxa kale oo ku habsaday abaar rooxaaniya oo engejisay, kana fadhiisisay inay ku qumaan wax badan oo ka mida sunayaalka iyo mustaxabaadka, waxana laga yaabaa in qaarkood iska sahashadaan salaada jamaacada, ama yaraystaan waxyaabo xaaraana sida gacan qaadka dumarka iyo heesaha iyo ribada. Waxa intaba ka sii daran in qaarkood la saftaan talisyada daalimiinta ah ee awliyada Allaah sida arxanka daran u gumaadaya, kuna gawracaya akhyaarta iyo xulka ummaddoda seefaha gumaysiga hororka ku ah arlada iyo sharafta muslimiinta.

Haddaynu sii dhex galno jirtaanka baraaruga islaamiga ah, waxa inoo muuqanaya isbeddel aan is qarin karayn oo ay muujiyeen ashkhaas iyo kooxo uu daaliyay ama ka daalay loolanka caqiideed (الصراع العقائدي) ee lagula jiro kooxaha ka soo horjeeda mashruuca islaamiga ah. Waxa aad arkaysaa siday uga leex leexanayaan inay si cad oo qumaatiya u waajahaan kooxaha shareeco diidka ah (خصوم الشريعة), waxaan ku seegayn siday uga weecdeen inay sheegaan khilaafka ka dhexeeya caqiidada Islaamka iyo caqiidada calmaaniga. Waxa intaba ka yaab iyo cajab badan inay qaarkood rabaan inay shaadh islaam u geliyaan fikrado diinlaawe ah oon nijaastooda macnawiga ah siniba loo daahirin karin.

Galbeedku isaguna wuxuu isku howlayaa siyaasad ku wajahan laylinta kooxaha isalaamiga ah iyo sidii loo abuuri lahaa taxanayaal fikriya oo kooxahan ka weeciya ujeedooyinka iyo maqaasidda asalka u ah dacwada islaamiga ah.

Waa weerar sharaysan oo beegsanaya caqiidadeena, shariicadeena, ilbaxnimadeena iyo qiyamkeena. Waa weerar lagu bixiyey caqli iyo maal badan diyaarintiisa iyo abaabulkiisa iyo fulintiisa. Waxa loo furay telefeshano, baro bulshadeed iyo wargeyso. Waxa kale oo loo furay fulinta mashruucan xarumo heer sare ah oo ay ka howl galaan mufakiriin iyo aqoonyahano ku takhasusay arimaha islaamka iyo xaaladaha muslimiinta.

Amuurtan waxa laga soo saaray daraasaad daaha ka faydaya oo caddaynaya tilmaamayaalka mashruucan iyo qaab-fulintiisa, waxana ugu caansaneed diraasad la magac baxday “Dhisidda Shabakado Islaamiya oo Dabacsan”, waxayna ka soo baxday mu’sasadda RAND ee ku taal dalka Maraykanka sanadkii 2007.

Hadalka gunaanadkiisu waxa weeyi, in qofka isagu gooya xidhiidhka uu la leeyahay dhaxalkiisa ilbaxnimo, kuna mashquula inuu canjilo fikrado ka baxsan taxanaha caqiidadiisa iyo diintiisa iyo astaantiisu aanu awoodin inuu iska caabiyo duulaan fikradeedka kaga imanaya gumaysiga shisheeye ee doonaya inuu galiyo cagta hoosteeda.

Sidaa awgeed, shakhsiyaadka iyo kooxaha leh tilmaamayaalka ku xusan faaladan iyo falanqaytani aad iyo aad ayay uga fogyihiin inay kor u hinjiyaan howsha dacwada islaamiga ah, umana sharaxna inay dadkooga iyo ummaddooda ka difaacaan duulaan-fikradeedka iyo weerar-maskaxeedka lagu hayo, waayo iyagaaba laftoodu ku qatalmay oo uu rafaadiyay duulaankani, una baahan gargaar degdeg ah.