Islaamku Waa Jawharad (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Islaan reerkayaga ah ayay sheeko na dhexmartay, waxaan idhi sanadkan hadhuudh ma idiin goay, waxay tidhi woxooga, horta marka ay caynkaa igu tidhi waan naxay, waxaan is idhi malaha aad buu ugu yaryahay hadhuudhka u goay sanadkan, markaa ayaan idhi bal ka waran sanadkan iyo sanadadii hore, markee ayuu hadhuudhku badanyahay? waxay igu tidhi dee sanadkan, markaas ayaan la yaabay, waxaan ku idhi maxaad hadaa u tidhi woxoogaa ee aad Alxamdulilaah u odhanwayday, waxay iigu jawaabtay, way I seegtay.

Inan yar oo reerka ah ayaa la waydiiyay reerkii ka waran, waxay tidhi meel walba hadhuudh ayaa ku jira, bal is barbar dhig ilmahaa yar iyo islaantaa isku reer ayay ka yimaadeen eh.

Nin maraykan ah oo islaam ah ayaa laga hayaa, muslimiinta mushkilad kale ma haysato waanay mahadnaqayn uun. waa runtii waayo wuxuu soo arkay gaalnimada dhibteeda. Cumar binu khadaab ayaa laga hayaa islaamkan waxaa kharibaaya kuwa ku dhex dhashay ee aan gaalnimada soo arag waxay tahay.

Gabadh fransiis ah oo islaamtay ayuu cudurka kansarku ku dhacay, markaas ayay saaxiibadeed ku yidhaahdeen waa diintan cusub ee aad gashay. Gabadhii ayaa laba rakcadood tukatay oo illaahay bariday inu cudurkan ka dul qaado, waanu ka dulqaaday, markaas ayay kalmad cajiib ah ayay tidhi, waxay tidhi Islaamku waa jawharad laakiin muslimiintu ma garanayaan.

Barigii hore intii aynaan qixin waxaynu odhan jirnay Jaygii ayaan soo cunayaa, waynigii jaygii cunay dhabta ahaa, imika ma taqaan kuwa basaska ee ardayda qaadaa waxay yidhaahdaan, saloolkii ayaan soo daadinayaa, waa caruurteenii ayay leeyihiin salool, cajiib. Maxaa shalay iyo maanta iskaga eeg. Waar mahadnaq aynu badino.

Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com