Iswaafajinta sharciyadda iyo shaqada forex (WQ: Ahmed kadar Abdillahi “Foodcadde”)

Inta badan bulshada somalida waxaa wayahan dambe dhagahooda kusoo badanaya suuqa sarifka lacagaha qalaad ee forex. Forex waa isku bedel lacagaha mana ahan mid ku cusub dunida maanta basle bulsho ahaan somaalida waa ganacsi dhawaan gal ah.

Hadii aad eegto dhulka soomalida xafisyada forex waa kuwo soo badanayaa  , waxa ay qabanayaan lacago aad u fara badan waxay qaadayaan lacag diiwangalin ah iyagoo dadka kula balamaya 35 cesho kadib qofkii inuu helayo ugu yaraaan 40% lacag kasta uu dhigto bil walibana ay joogto tahay,  hadii uu qofka u baahdo lacagtiisa waxaa loo sheegayaa In uu soo  sheego 15 cesho ka hor xiliga lacag la bixistiisa.

Tani waxay saameyn cad ku yeelatay bankiyada somalida ee lacagaha la dhigan jirey kol hadii la helayo faaido bil waliba ah, dadku waxay doorbideen ganacsigan dardar ta wata inkastoo aysan jirin damaanad la mid ah tan bankiyada.

Ma jirtaa siyaasad forex lagu maamulo?

Inkastoo ganacsigan dadku aamineen hadana doorka dowlada intee la egyahay si loo ilaaliyo hantida ummada  , anigoo arrigtideyda raacinayaa waa in dowladu arrimahan il gaar ah ku eegto

  • Waa in shati (license) ganacsi ay kasoo qaataan wasaarada ganacsiga iyo warshadaha
  • Waa in ay helaan shatiga gobol kasta oo ay xafiis ku leeyihiin forex
  • Waa in la helaa lacag dabaaji ah oo damaanad u ah hadii uu kaco ganacsigan taas oo la dhigayo bankiga dhexe
  • Waa in shirkad kastaa bixiso  canshuur bile ah oo ku waajibta ganacsigiisa iyo shaqalihiisa.

Ugu dambeyn waxan  soo jeedin lahaa maadama ganacsigan int badan dhalinyarta somalida hal abuur iyo shaqaaleysiin ba u yahay in lays waafajiyo  badqabka lacagaha dadka iyo dhaqan galinta aragtida ganacsi ee hal abuur ka leh.

Ahmed kadar Abdillahi ( Foodcadde)

Email: rabiile77@gmail.com