Iswaafajintu Waa Qodob Ee Xisaabta Halagu Daro (WQ: Mohamed Gacayte)

Ugu horayn waxa guulaystay Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, khilaafkuna waa sunaha nolosha balse waxaynu nahay umad khilaafkeeda iyadu dhamaysata. Waxaan bogaadinayaa Xisbi Xaakinka Kulmiye iyo Labada Xisbi Mucaarid (Ucid iyo Wadani) oo aqbalay Go’aankii ay shalay soo saareen Guddidii Dhexdhexaadintu.

Soo jeedinta iyo Go,aanada Guddida Dhexdhexaadintu soo saartay waa in la waafajiyo sharciyada iyo xeerarka inoo degsan si loo suurtagaliyo dhamaystirka arinta oo Qaranka JSL guulwayn u ah.

Bayd ka mid ah Maansadii Dabataxan ee Abwaan Gaariye IHN wuxuu odhanayaa:-

Nin dariiq xariiqdaa

Garan kara dayawdee

Dhidarkii ku kacay danab

Doc kastaaba waa u toos.

Arintan waxay dhabada kusoo ridaysaa dariiqii doorashadu ku qabsoomi lahayd oo u mudo badan u deldelan khilaafka soo noqnoqday ee komishanka oo nuxurkiisu ahaa ijiid aan ku jiido oo gacmo daalis ah iyo ku jiqsii aan xikmad ku fadhiyin. Nasiib daro ka wayni ma jirto komishankii 2da sano uu bilaa sababta ku diidanaa Xisbiga Wadani inuu maanta yidhaa waan ogolahay, runtii Qaranka laf jab ayay ku tahay.

Hadaba; haatan iyo danta Qaranka waxaan leeyahay waar Qaranka haloo tudho danta qaranka wax walba halaga horaysiiyo oo xukuumad iyo xisbiyaba halaga wada shaqeeyo sidii qodoxda looga guri lahaa caqabadaha doorashada ku xeeran, arintana ha noqoto dhamaystirka qabyada doorashooyinka.

Wabilahi tawfiiq

Mohamed Gacayte

Hargeysa/Somaliland.