Erayga ‘Cilm’ oo ah ‘Aqoon’ waxa uu ku soo arooray Qur’aanka iyo Sunnada suubanaha iyada oo aan lagu dabrin ama lagu xaddidin ‘Diin’. Waxa ay koobsanaysaa aqoon kasta oo waxtar leh, oo beegsanaysa badhaadhe aduun, cammiridda dunidan iyo aqoon kasta oo bar-tilmaamaysanaysa hagaajinta dadka iyo caalamkan.
Waxa aynnu u qaybin karnaa aqoonta laba qaybood oo isku sidkan; isla jeerkaana aynnu u baahannahay.
labada qaybood waxa ay kala yihiin :
1) Aqoon-diineed (العلوم الشرعية) iyo
2) Aqoonta nolosha u adeegtaالعلوم الحياتية) )
Erayga ‘Cilm’ ee Qur’aanka iyo Sunnaduba tilmaamaan inta badan waxa uu farta ku fiiqayaa aqoonta labadeeda jaad ee aynnu kor ku soo xusnay, se kuma koobna uun sida dadka qaar u dhigaan ‘Aqoon-diineed’ sida aynnu gadaal ka sharxi doonno.
Waxa aan laba meelood wada gali Karin in aynnu kala mudnaan siinno labadaa jaad ee aqoonta iyo in aynnu hadhow ku andacoonno ‘Diintu waa ay dhiirigalisay aqoonta nolosha u adeegta’ ; annigu odhan maayo ‘maaddi’ e, waayo? Eraygaa laftiisa ayaa ah yasid iyo ka dayrin keensanaysa in aan la isku hawllinba, Waanay dhacdaa.
Waxa hubanti ah in gabi ahaanba dunida Muslimku ka arradan tahay aqoonta innagu hagi karta horumar la taaban karo; in aynnu halkaa ku liidanno waxa keenay waa in aynnu kala saarnay laba isku sidkanaa oo aan kala maarmin, dabadeed waxa abuurantay caqliyad Muslim ah oo aan isku hawllinba barashada aqoonta horumarka, badhaadhaha iyo barkhadda bulshada horseedda. Wax aynnu ka dayrinnay in aynnu hadhow isku canaananno iyaduna daw ma ah!
Muslimka badankiisu waxa uu aaminsan yahay in Ilaahay inoo sakhiray Gaalada, dabadeed halkan ayaabuu af buuxa la soo taagan yahay in Ilaahay ina siiyay hanti aynnu ku gadanno waxsoosaarka Gaalada ee tacabka iyo dedaalka badani uu galay!!
Caqliyaddaasi ma aha mid fayow; faham-darradaasina ima metasho anniga iyo inta ila fikirka ah ba.
Caqliyaddaa liidata ayaa dadka Islaamka cadowga ku ahi u adeegsadaan in Diinta Islaamku tahay mid adhaxda ka jabisa hal’abuurnnimo kasta oo horumar beegsanaysa, waxa ay ku tilmaamaan Diinta mid aan la jaanqaadi Karin dunidan casriga ah, waana gartood , Waayo? caqliyadda jaadkan ah ayaa ceebta intaa le’eg soo jiidday; inta hab-fikirka noocan ahi isbeddelayana guuli waa wali!
Faham-darradaasi waa ta ina gayeysiisa in aynnu u sawiranno qofka barta Injineernnimada, Dhakhtarnnimada, Kimistariga iyo wixii la hal maalaba in ay yihiin aqoonno dhaleecaysan oo qofka ka fogaysa Diinta, taas oo keensata in qofku dunida isku mashquuliyo- waa aragtida gaaban ee dadyowga qaar e- !
Runtu waxa ay tahay in waxaas oo dhammi yihiin sheeko-baralay aan caddayn haysan, Aayad iyo Xadiis dhaliilaya shaqooyinkaa soo heli maysid. Dhankaa dhan dheh.
Waaqicu waxa uu tilmaamayaa lidka faham-darradaas, waxa aynnu ku haynaa Qur’aanka Alle oo u gashi sheeganaya Nabi Daa’uud- Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee-; aqoonta Alle ku galladay waxa ay ahayd Farsamaynta biraha oo uu xarriif ku ahaa, Tolow Galladaasi ma Diin bay la xidhiidhay?!
Tumaalnnimadaasi se’ ammaanta intaa le’eg maxay ku mutaysatay? illayn Diin in aanay shaqo ku lahayn way muuqataaye!
Qur’aanka waxa ku xusan in Alle uu baray Nabi Aadam-Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- wax kasta oo jira magiciisa; sida uu tilmaamay Ibn Cabbaas-Alle ha ka raali noqdee-. Waydiintu waxa ay tahay: Nabi Aadam waxa uu dheeraadka kaga helay Malaa’igta muxuu ahaa? Ma Diin kaliyaa?
Jawaabtu waa intaa Ibn Cabbaas sheegay, taas macnaheedu waxa weeyi Diin kaliya ma ahayn e waxa ku lammaanaa aqoonta horumarka aduun keenta, sidee baa ay suurtagal ku tahay in aynnu dhulkan hananno isla jeerkaana ka qatanaanno aqoontii noloshan u adeegaysay?!
Qormada tan xigta waxa aynnu soo bandhigi doonna aqoontaa la yasayo oo Qur’aanku tilmaamay in Alle oo la gartaba ay keento!
Intan waxa aan idiinka soo qadhiidhay dhiganaha la yidhaahdo ‘ Sidee aqoonyahan lagu noqdaa’ ee uu Qoray Dr. Raaqib Sarjaani
Buugga waxa laga dalban karaa Iqra Online bookshop, ama la xidhiidha Cabdixakiin Obsiiye