Jabbuuti iyo DP World (WQ: Axmed Ibrahim Cawaale)

Jabbuuti iyo DP World

Dokumantarigii AlJazeera dhinaca reer Jabbuuti dooddooda si mug leh ayay u dhiibteen. Waxana ay keeneen sababaha ku xambaaray in ay heshiiskii ay DPW la galeen 2006dii ay dhankooda ka buriyaan. Halka ay DPW dhinaceeda ka gaabsatay in ay xog siiyaan AlJazeera.

Doodda reer Jabbuuti nuxurkeedu waa sidan:

Annaga oo ka faaโ€™iideysanayna istaraatiijiyadda meesha aanu caalamka kaga naallo, waxa uu yoolkayagu yahay in aanaan ku koobnaan daboolidda baahida dekadeed ee Itoobiya, se aanu noqono barkulan goboleed iyo mid caalami oo alaabooyinka adduunka u kala socda dekadahayagu noqdaan qaar leh mug iyo baaxad ay ku bixin/gudbin karaan adeeggaas caalamiga ah ee ballaadhan. Sidaas awgeed, waxa aanu u baahannahay dekado kele oo dhowr ah, oo adeegyo kala duwan bixiya. Nasiib-darro se heshiiska aanu DPW la galnay noo oggolaan maayo ammin ku siman 50 guโ€™ in aan dhinacaas horumar ka samayno, iyaguna diyaar uma aha in ay kaalintaas qaataan ama buuxiyaan. Sidaas daraaddeed, waxa iska hor yimid dantii DPW iyo dantii dalka Jabbuuti.

Mar la weydiiyay, kol haddii aydin heshiiska saxeexdeen sow ma aha inaydin u hoggaansantaan?

Waxa ay ku war celiyeen: Waxaanu nahay dal yar oo aan khibrad badan lahayn, waanay jiraan in ay wax na hoos mareen. Sidaas daraaddeed ammin ku siman 4 guโ€™ ayaanu weyddiisanaynay DPW in ay heshiiska qodobbo ku jira fududeeyeen (wax ka beddelaan) se waa ay naga diideen iyaga oo ku doodaya โ€œHeshiisku waa heshiis fiican!โ€ Kol haddii aanu shuraako nahay, isla markaana aanu xaggayaga ka garwaaqsannay in aan heshiisku dheelli tirnayn, waxa aanu filaynay in ay nala qaataan soo jeedintayadii. Se may ay dhicinโ€ฆ..

Nimay ku hadhay, howli heysaa !